Somali in Spain

Somali in Spain Somali in Spain

Diyaaraddii uu la socday Madaxweynaha Spain, Pedro Sánchez, ayaa si lama filaan lagu dejiyay dalka Turkiga, gaar ahaan m...
04/05/2026

Diyaaraddii uu la socday Madaxweynaha Spain, Pedro Sánchez, ayaa si lama filaan lagu dejiyay dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Ankara. Tani waxay dhacday intii ay diyaaradda hawada ku jirtay, iyadoo ay ku sii jeeday safar rasmi ah oo uu ugu socday Armenia si uu uga qayb galo shir caalami ah.

Sababta loo dejiyay diyaaradda waxay ahayd cilad farsamo oo ka timid diyaaradda, taas oo keentay in la qaato go’aan degdeg ah oo badbaado ah. Marka diyaarad madax sare sida tan oo kale ah ay cilad ku timaado, waxaa mudnaanta la siiyaa badbaadada rakaabka, sidaas darteed ayaa loo dejiyay Turkiga halkii ay sii wadi lahayd safarka.

Markii la dejiyay, Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay ku hoydeen Turkiga muddo kooban, halkaas oo lagu hubiyay xaaladda diyaaradda. Kadib markii ciladda la xaliyay waxay sii wateen safarkoodii.

Madaxweynaha Dalka Spain muxuu ka dhahay xiisada ka taagan bariga dhexe.“Waxaan diidnay tallaabada milatari ee hal dhina...
28/02/2026

Madaxweynaha Dalka Spain muxuu ka dhahay xiisada ka taagan bariga dhexe.

“Waxaan diidnay tallaabada milatari ee hal dhinac ah ee ay qaadeen United States iyo Isra3l, taas oo ka dhigan sii kicin xaaladda isla markaana gacan ka geysanaysa nidaam caalami ah oo noqda mid aan hubanti lahayn oo colaadeed.

Sidoo kale waxaan diidnay ficillada taliska Iran iyo Ilaalada Kacaanka. Ma awoodno dagaal kale oo daba dheeraada oo burbur weyn ka geysta Bariga Dhexe.

Waxaan ku baaqaynaa dejin degdeg ah oo xiisadda ah iyo ixtiraam buuxa oo loo hayo sharciga caalamiga ah.

Waa waqtigii dib loogu noqon lahaa wada-hadalka si loo gaaro xal siyaasadeed oo waara oo gobolka u horseeda nabad”.

WQ: Abdikafi Abdullahi

Xaqiiqda aan isku sheegno Ree Soomaali Spain hadaa nahay.Waxaa arkaa maalin walbo dhalinyaro niyada iska dila ama ayagoo...
18/09/2025

Xaqiiqda aan isku sheegno Ree Soomaali Spain hadaa nahay.

Waxaa arkaa maalin walbo dhalinyaro niyada iska dila ama ayagoo aan xaqiiqda ogeen Spain soo gala.

Waxa ugu badan ee maskaxdooda ku jiro waa 5 arin oona muhiim tahay inaa si public ah waxa aan kugu dhaamo halkaan kugu soo gudbiyo islana fahano xaqiiqda ka qarsoon.

1. Wareesiga(interview): wareesiga waa waxa ugu badan oo isku mashquuliyaan dadkeena dalkaan Spain soo galay, walaal maalintaa dalkaan soo gashay oo xogtaada lagaa qoray sida magacaada, da’daa jirtid iyo wixii lamid ah ogow inay dowlada ku og tahay maalintaas wixii ka bilaabmo oona barnaamijkaada ku socdo ee arimahaada way ku soconayaan ee dulqaad samay, qolada ku haysana.

2. Sharci helida: waxaa inagu programsan in aan sharciga ku heleeno mudo 6bilood gudahooda ah, waxaa arkaysaa qof asagoo 7bilood camal joogo ayuu arkayaa qof kale oo 4bilood joogo oo sharci usoo dhacay, suu bac qafiif isku xirayaa asagoo leh “hebel ama heblaayo anigaa kasoo horeeyay ama anigaa wareesiga ka hor galay ee muxuu sharciga ugu hor heli waayay?” Walaal arintu sidaas ma ahan ee qof walbo nasiib ayuu lee yahay nasiibkiisa baa soo hor mariyay adigana dib ku dhigay ee wadankaan madaxa ayay na saarteen soomaali hadaa nahay anagana aan dulqaad yeelano oo intuu barnaamijkeena inoo socdo dulqaadano.

3. Haayadaha: haayadaha isku dhaqan ma ahan, system iskumid ahna kuma shaqeeyaan ee udulqaado hadii ku qaadato haayad aan ku sameeneen sida jaceshahay, midakale soomaalideena waxaa inaga dhaadhacsan in haayada sharciyadeena ayaga gacanta ku yahaan taasna waa qalad ee haayadaha waa kuwa ku fududeeya arimaha yar yar inay kaa caawiyaan sida markaa wadanka ku cusub tahay meel ku hoyatid heshid, luuqada barashadeeda ka caawiyaan, kaar caafimad iyo mid bangi ku sameeyaan iyo xirfad ku baraan, ugu dambayn waa dad adiga iyo dowlada idiin dhaxeeyo.

4. Luuqadda iyo xirfadaha: Barashada luuqada iyo xirfadah waa waxa ugu badan ee dhib inaga heesto hadaa soomaali mahay, dhibka ugu horeeya wuxuu ka imaadaa adigoo alifbeetada lagu barin in fasal A1 dhameen rabo laguugu daro oo ku jah wareertid meel wax ka socdaan xitaa laga yaabee inaadan aqooninba sida wax loo qoro ama loo aqriyo ayagana ku geeyaan meel aad indhaha mirig mirig ka siinaysid lee, laba inaa helin qof luuqada spanish kugu baro luuqad aad fahmi kartid ama adiga aad taqaanid sida Soomaali, Carabi ama English oo macalinka ama macalimada wax ku baraysa kaliya ku hadasho Spanish ama Fransiis taasoo kugu sii adkeenayso inaa luuqada dhaqso baratid, intaas waxaa keenaayo in haayadaha haystaan hal ama laba macalin kuwaas oo loo amro oo kaliya dadka hal fasal ka dhigaan waayo hadii laba fasal laga dhigo fasal walbo wuxuu ubaahan yahay waqti dadkaana macalin kale inay qabtaan ma rabaan oo dhowr shimbir ayay rabaan inay hal dhagax ku dilaan ee iskuday inaa iskaada wax isku bartaa ama dadkii kaa soo horeeyay caawin inay luuqada ku baraan isku daydaa ilaa aas aaska (A1-A2).

Xirfadaha dhankeedana badanaa macquul ma ahan inaa ka heshaa xirfadaa jaceshahay inaa bararid ee iskuday xirfad inaa banaanka ka raadsataa hadii aad waydidna kuway hayaan midka ugu macquulsan oo shaqado lagu heli karo baratid kadibna ku shaqaysid maalintaa go’aansatid inaa xirfad barataana iskaada uraadsataa.

5. Nolasha Spain: Nolasha Spain igu soo orod ma ahan waxaay u baahan tahay ku tiirsanaan Alle, dulqaad iyo inaa xaqiiqda jirta wajahdid sida inaa shaqo aadan ka faanin kaliya iska ilaalisid shaqo xaaraan ah balse inta kale ka shaqeen kartid inaa asxaabtaada badsatid oo aadan qol isku xirin ama qof qabyaaladiista ah laguugu tiirinin ee Soomaalida Spain ku wada siman tahay oona meelaha fursada shaqo ama wax barasho ka jirto qofka u aragtid inuu ka caawin karo caawin waydiisatid hakaa yaraado ama hakaa waynaado, noqo qof fur furan oo bulsho walbo la dhaqmi karo adigoo bulsho walbo diintooda iyo dhaqankooda faro gishaneen balse noqo qof bulshaawi ah gaal iyo muslimba aragaada jecleestaan markay ku arkaan, dadkana waji furan oo dhoola cadeenaayo ku qaabil.

Dhalinyarada hada wadanka Spain soo gashay waliba bada kasoo galay waxaay ubadan yihiin dhalinyaro aad uyar yar xitaa qa...
07/07/2025

Dhalinyarada hada wadanka Spain soo gashay waliba bada kasoo galay waxaay ubadan yihiin dhalinyaro aad uyar yar xitaa qaarkood baa 20sano gaarin, balse dhaqan aan wanaagsaneen bay wadankii lasoo galeen taasoo sababi karto in dadka wadankaan udhashay ina dhibsadaan oo magac soomaali haday maqlaan kusoo dhacdo dhaqan aan wanaagsaneen.

Waxaa arkaysaa wiil ama gabarba sida caadiga ah usoo labistay ayaa wuxuu tagayaa goob aan ku habooneen in sawir lagu galo ama muuqaal la iskaga duubo sida xeebaha taasoo dadka u imaadaan inay waqti ku qaataan ku dabaashaan qoraxdana isku dhigaan siiba dumarka waxaay qabeestaan ayagoo dharkii iska dhigay saa muuqaalka qofkaas iska soo duubay baa gadhaashiisa waxaa ka arkaysaa gabar qaawan agmarayso ama meesha ku qoraxaysanayso.

Dhaqankaas inaga ilaaliya walaalaha Spain ku cusubow.

15/01/2025

Sida loo badalo shahaadooyinka soomaaliya oo loogu badalo ama laga aqoonsado dalka spain.

05/11/2024

Shaqsigaan sidaan loo dhagaxeenaayo waa Ra'iisul wasaaraha dalka Spain ee Pedro Sanchez kasoo booqday magaalada Paiporta ee hoos timaada gobalka Valencia.

Pedro Sanchez waa siyaasi Isbaanish ah oo ka tirsan xisbiga PSOE (Partido Socialista Obrero Español), oo ah xisbiga shaqaalaha hanti-wadaaga ah ee Spain.

Waxa uu ku dhashay magaalada Madrid sanadkii 1972, wuxuuna noqday Ra’iisul Wasaaraha Spain bishii June 2018 markii uu codka kalsoonida ku guulaystay kadib markii uu xukuumaddii xilka laga qaaday Mariano Rajoy.

Musiibadaan dhacday wax shaqo uu ku lee yahay ma jiraan oo xag Alle bay ka timid balse arintaan waxaay umuuqataa arin siyaasad in lagu dhagaxeenaayo oo lagu mucaaradsan yahay, asagana wuxuu magaaladaas utagay inuu soo indho indheeyo musiibadii daadadka ee DANA gaysatay.

W/Q: Engkafi

Barcelona iyo nawaaxigeeda wixii ku dhaqan shalay ilaa maanta alert baa usoo dhacaayay oo kaga digaayo inay jiraan dabee...
04/11/2024

Barcelona iyo nawaaxigeeda wixii ku dhaqan shalay ilaa maanta alert baa usoo dhacaayay oo kaga digaayo inay jiraan dabeelo xoogan iyo roobab ee fadlan ka digtoonaada lana socda cimilada magaalada aad jogtaan.

Sidoo kalena u hogaansama amarada alert idiin sheegaan sifo uga bad badaan dhibaato idiin soo gaari laheed mahadsanidiin.

31/10/2024

En la ciudad de Valencia, las inundaciones continuan y el nimero de muertes ha superado los 100, y muchas personas están desaparecidas.

Que Dios proteja a la gente de Valencia🤲

Som: Magaalada valencia wali daadadkii way sii socdaan dhimashada waxaay kor udhaaftay 100 qof dad intaa ka badana waa lala yahay.

Alle ha samato bixiyo dadka ree Valencia iyo guud ahaan spain.





Kulan u dhaxeeyay naadiyadda Valencia iyo Cp parla escuela oo maanta ku balan sanaa inay dhelaan kulan ka tirsan Koobka ...
30/10/2024

Kulan u dhaxeeyay naadiyadda Valencia iyo Cp parla escuela oo maanta ku balan sanaa inay dhelaan kulan ka tirsan Koobka Copa del Rey ayaa loo hakiyay daadadka halista ah ee ka socdo Valencia darteed.






30/10/2024

Valencia-Spain

Magaalada Valencia ee Spain ayaa la ildaran daadad xoog leh oo sababay dhimashada in ka badan 50 qof iyo burbur xoog leh.

Roobabka culus ayaa sidoo kale hakad geliyey adeegyadii gaadiidka iyo gurmadka degdegga ah.

Dowladda iyo kooxaha gurmadka ayaa ku hawlan samata-bixinta dadka ku xayiran goobaha biyuhu ku fataheen, waxaana la soo saaray digniino dheeri ah oo la xiriira roobab kale oo la filayo in ay sii socdaan.

Soomaalida ku dhaqan Magaalada Valencia fadlan ka digtoonaada fatahaadaas sidoo kalena qaata awaamiirta idiin faraan qolada cimilada ku shaqada leh.

FG: Muqaalka hoos idiin kaga muuqdo waa Mall ku yaalo magaalada Valencia oo fatahaada saameesay.

WQ: Engkafi Abdullahi

Dirección

Madrid

Página web

Notificaciones

Sé el primero en enterarse y déjanos enviarle un correo electrónico cuando Somali in Spain publique noticias y promociones. Su dirección de correo electrónico no se utilizará para ningún otro fin, y puede darse de baja en cualquier momento.

Atajos

Compartir