Noqo Mufakir

Noqo Mufakir الكفائة من صنع إليكم بالمعروف:-
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : من لا يشكر الناس لا يشكر الله

14/02/2026

Nidaaminta Nolosha!

Nidaaminta noloshu: ma aha jadwal adag, waa xorriyad maskaxeed
Dad badan marka ay maqlaan ereyga nidaamin waxay maskaxda ku sawirtaan jadwal adag, saacad walba oo la cabbiray, iyo nolol wada xakamayn ah oo aan dabacsanaan lahayn. Laakiin runta dhabta ahi waa tan: nidaamintu ma aha in aad naftaada ku adkeyso, ee waa in aad naftaada u naxariisato.

Nidaamintu waa hab fikir ku siinaya hab leh deganaan, iyo awood aad adigu ku maamusho noloshaada, halkii ay hawlaha, waqtiga, iyo filashooyinka dadka kale ku xukumi lahaayeen.

Inta badan madhnaanshaha aynu dareemeyno ma aha sabab la xidhiidha wakhti la’aan, balse sababtu waa in aynu wax walba isku darayno, innaga oo aan kala saarayn waxa muhiimka ah iyo waxa aan muhiimka ahayn.

Marka maskaxdu buuxsanto, go’aannadu way adkaadaan, deganaantuna way luntaa. Sidaa darteed, talaabada ugu horreysa ee nidaamintu waa in aad isweydiiso:
maxaa runtii mudan waqtigayga iyo tamartayda inaan ku bixiyo?

“Markaad noloshaada nidaamiso, maalmahaagu ma bataan, balse way sii ballaadhaan.”

Nidaamintu waxay ka bilaabataa gudaha

Ma hagaajin kartid noloshaada bannaanka haddii gudahaagu qasan yahay. Maskax iskubuuqsan ma aragto wadada saxda ah. Sidaas darteed, nidaaminta dhabta ahi waxay ka bilaabantaa:

Inaad fikraddahaaga ku qorto warqad
Inaad aqoonsato waxa ku werwergelinaya
Inaad ka tanaasusho qummanaan raadinta
Nidaam dhab ah oo la fulin karo ayaa ka qiimo badan nidaam qumman oo aan la gaadhi karin. Doorashada noloshaada: geesinnimada nidaamka

Dad badan waxay ku nool yihiin nolol ay duruufo, dhaqan, ama dad kale doorteen oo ay kaga daydeen. Nidaamintu waxay kuu abuuraysaa fikir iyo wax iska waydiinta arrimahaaga nololeed:
Tani ma tahay noloshii aan rabay, mise nolol aan la qabsaday?

Nidaamintu waxay kaa rabtaa:

Inaad tidhaahdo “maya” mararka qaarkood
Inaad aqbasho in wax walba aysan ahayn mudnaan
Inaad maalin kasta isweydiiso: tani ma ii dhoweynaysaa yoolkayga?
“Nidaaminta dhabta ahi waa geesinimada doorashada.”

Waqtiga: saaxiib u noqo, ha cadaadin

Waqtigu ma aha cadow lala dagaallamo ama wax la lumiyo. Waa kheyraad u baahan faham iyo ixtiraam. Marka aad waqtigaaga si miyir leh u qorshayso:

Shaqadu way fududaataa
Nasashadu ma noqoto dambi
Maskaxduna way degtaa
Haka buuxin maalintaada shaqo dhammaan. Firaaqada la qorsheeyey waa qayb ka mid ah nidaamka caafimaadka leh. Nolosha u fududee si aad u sii socoto, Kakanaantu waa cadawga joogtaynta. Wax kasta oo noloshaada ku jira ma mudna in ay kaa qaataan tamarbadan.

Yaree waxyaalaha aan faa’idada lahayn
Nadiifi oo nidaami goobtaada
Ka takhalus wax kasta oo ku daaliya oo aan wax kuu kordhinayn
“Wax kasta oo aan ku adeegayn, si tartiib ah ayay kuu cunayaan.” Haddii aad akhrido taariikhda dadka dunida raadka kuleh dhammaantood waxay bakhayliin ku ahaayeen wakhtiga bixintiisa.

Qorshe maalmeed: aasaaska deganaanta

qorshuhu ma aha caajis, ee waa nabadgalyadaada maskaxeed. Caadooyin yaryar oo joogto ah ayaa dhisa nolol deggan:

Qorshe dejin subaxeed fudud
Hal hawl oo diirad buuxda aad siiso markiiba
Dib-u-eegis maalinle ah
Ha isku dayin inaad nolosha beddesho hal mar. Isbeddelka dhabta ahi wuxuu ku yimaadaa tallaabooyin yaryar oo joogto ah. Nidaamintu ma aha in aad noqoto qof mashquul badan, waa in aad noqoto qof jooga, deggen, oo og waxa uu rabo. Markaad ogaato waxa aad rabto, buuqa intiisa kale si iskiis ah ayuu u yaraadaa.

Guuleyso!

Nin Qoraa Reer Kuwait ah oo qoray intuuna dhiman ka hor Qoraalkan. ========================================Markaan dhint...
10/12/2025

Nin Qoraa Reer Kuwait ah oo qoray intuuna dhiman ka hor Qoraalkan.
========================================

Markaan dhinto ama geeriyoodo ma murugoon doono muhiimaduna ma saari doono jirkayga baaliyoobay walaaladayda muslimiinta ah ayaa qaban doona waxa ku waajibka ah:

1- waxay iga saari doonaan maryahayga

2- waay i mayri doonaan

3- way i kanfi doonaan

4- Gurigayga bay iga saari doonaan

5- waxay ii qaadi doonaan gurigayga cusub (Qabriga)

6- dad badan baa imaan doona jinaasadayda, iskaba dhaafe qaar badan baa usoo dhaafi doona ama uga soo tagi doona shaqooyinkoodi iyo balamihii ay lahaayeen inay i aasaan daraadeed. iyagoo qaar badani ay yihiin maalina qaar aan ka fikirin inay ii nasteexeeyaan .

7- waxyaabo ayaa iga hari doona waxa ka mida:

furahaygii gaariga ama baabuurka ......
shandadaydii ama boorsadeydii....
kabahaygii ...
maryahaygii .... Taas oo ehelkayga sadaqayn doonaan si ay ii anfacdo.

U fiirsada aduunyada iima murugoon doonto
Mana joogsan doono dhaqdhaqaaqi caalamka
Dhaqaalihii wuu sii socon doonaa.

Shaqadaydiina waxaa iman doona qof qayrkey ah si uu u qabto
Xoolahaygiina waxay u tagi doonaan iyagoo xalaal u ah dadkii dhaxlayay.

Waxa ugu horeeya ee iga dhici doona wuxu noqon doonaa magacayga sida daraadeed markaan dhinto waxa lay oran doonaa (maydka) magacaygana iiguma yeeri doonaan !!!

Markay doonayaan inay igu tukadaan oo ay soo diyaariyaan jinaasadayda iiguma yeeri doonaan magacayga ..

Markay damcaan inay i aasaan waxay oranayaan soo dhaweeya maydka .. magacaygana iiguma yeeri doonaan.sidaa daraadeed waxba iima tarayo nasabkaygii,xoolaheygii iyo qabiilkaygii waxbana iima tarayo booskii aan ku lahaa ummadda dhexdeeda magacii iyo caan nimadaydii.

Maxaa ka macna yar aduunyada oo maxaa ka wayn waxa inagu soo waajahan ....

Haddaba walaalka iyo walaasha nool ee qoraalka aqrinayoow waxaad ogaataa cida kuu murugoonaysa waxay noqon doonaan sadex nooc :

1- dadkii ku yaqaanay si guud waxay dhahayaan miskiin allah haw naxariisto .

2- saxiibadaa waxay murugoon doonaan saacado kooban maalmo kadib waxay isaga noqon doonaan sheekooyinkoodii iyo qosolkoodii.

3- murugada qotada dheer waxay ahaan doontaa dhanka gurigaaga waxay murugoon doonaan ehelkaagu todobaadyo, bil, laba bilood ama sanad.intaa kadib waxay ku dhigi doonaan qaybta xasuusta !!!!

Way dhamaatay sheekadaadi dadka dhexdiisa waxaa bilaabmay sheekadaadi dhabta ahayd waa Aakhiro.

Waxaa kaa suulay oo kaa dhamaaday :

1- Quruxdaadii

2- Maalkaagii

3- Caafimaadkaagi

4- Caruurtaadii

5- Guryahaagii iyo fooqyadaadii

6- Guurkaagii iyo xaaskaagii

Kuumana harin ilaa camalkaagii mooyaane .
Waxaa kuu bilaabatay noloshaadii dhabta ahayd

Su'aasha hadaba taala waxay tahay:

Maxaad u diyaarsatay qabrigaaga iyo Aakhiradaada hadda???

Tani waa xaqiiqo u baahan in loo fiirsado.....
Sidaa daraadeed ku dadaal :

1- Waxayaabaha ilaahay ku faray

2- Sunayaasha

3- Sadaqada hoos loo bixiyo

4- Camalka wanaagsan ee saalixa ah

5- Salaadda habeenki la tukado ( salaatu laylka )
Waxaa laga yaabaa inaad badbaado .

ILLAAHAY SUBXAANA WATACAALAA wuxu yiri waani waanada waxay anfacaysa dadka iimaanka laga helay ( وذكر فإن الذكرى تنفع المؤمنين )

Kalmada wanaagsani waa sadaqo.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Dirección

بجبل العلم
Madrid

Página web

Notificaciones

Sé el primero en enterarse y déjanos enviarle un correo electrónico cuando Noqo Mufakir publique noticias y promociones. Su dirección de correo electrónico no se utilizará para ningún otro fin, y puede darse de baja en cualquier momento.

Atajos

Compartir