Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar

Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar Halkan waa bar kulanka Rasmiga ah ee Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar
WhatsApp: +20 10 55271079
Email: [email protected]

27/12/2025

Kalmadii gidoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee dalka Masar ee uu ka jeediyay furitankii koobka maamul goboleedka ee ulajeedkiisu ahaa dhex-galka dhalanyarada Soomaaliyeed ee dalka Masar.

𝐖𝐀𝐑-π†π„π‹πˆπ πŠπ” π’πŽπ‚πŽπ“π€ π‰π€π€π‹πˆπ˜π€πƒπƒπ€ π†π€π‹πŒπ”πƒπ”π† 𝐄𝐄 πƒπ€π‹πŠπ€ πŒπ€π’π€π‘Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee dalka Masar iyo xubnaha hoggaa...
09/12/2025

𝐖𝐀𝐑-π†π„π‹πˆπ πŠπ” π’πŽπ‚πŽπ“π€ π‰π€π€π‹πˆπ˜π€πƒπƒπ€ π†π€π‹πŒπ”πƒπ”π† 𝐄𝐄 πƒπ€π‹πŠπ€ πŒπ€π’π€π‘

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee dalka Masar iyo xubnaha hoggaanka jaaliyaddu, waxay ku wargelinayaan jaaliyada reer Galmudug ee ku nool dalka Masar in ay si weyn uga soo qayb-galaan kulanka kubadda cagta ee berri dhici doona, kaas oo qayb ka ah tartanka is-dhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Masar.

Kulanka berri waxa uu dhex mari doonaa xulka Galmudug iyo dhiggooda Jubbaland, waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo walaaltinimada, isku xirnaanta iyo is-dhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Masar.

Ugu dambayn, guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ayaa kula dardaarmay ciyaartoyda xulka Galmudug in ay muujiyaan anshax ciyaareed, dadaal iyo midnimo, si ay u matalaan magacooda iyo maamuuska Galmudug.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ.

08/12/2025

Wareysigii Astaanta Sports La Yeelatay Tababaraha, Ciyaartoyda & Taageerayaasha Xulka Galmudug ee dalka Masar.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee dalka Masar, Mudane Mohamed Said Aqil, ayaa u mahadceliyay dhammaan jaaliyadda reer ...
07/12/2025

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee dalka Masar, Mudane Mohamed Said Aqil, ayaa u mahadceliyay dhammaan jaaliyadda reer Galmudug ee si weyn isugu soo baxay garoonka, una muujiyeen taageero hagar la’aan ah xulka Galmudug ee ka qeyb-galaya koobka maamul-goboleedyada ee Masar ka socda. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in garab-istaagga bulshada uu ka tarjumayo wacyiga, wadajirka iyo qiimaha ay bulshada Galmudug u hayaan magaca deegaanadooda.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in taageerada muuqata ee bulshada ay muujineyso isku duubni, wadaninimo iyo jacayl ay u hayaan magaca Galmudug, isla markaana ay dhiirigelin iyo kalsooni dheeri ah u noqotay ciyaartoyda matalaya deegaanadooda, isagoo ku boorriyay in la sii adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada.

DHAMAAD

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar , Mudane Mohamed Said Aqil , ayaa shalay ka qeyb-galay xafladda furitaan...
06/12/2025

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar , Mudane Mohamed Said Aqil , ayaa shalay ka qeyb-galay xafladda furitaanka koobka maamul goboleedka ee dalka Masar.

Mudane Maxamed Saciid Caaqil oo munaasabadda ka jeediyay kalmad ayaa uga mahadceliyay qaban-qaabiyeyaasha dadaalka ay geliyeen tartankan, isagoo xusay in koobkani uu yahay madal mideynaysa dhalinyarada Soomaaliyeed sido kale wuxu sheegay in Jaaliyadda Galmudug ay diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato taageeridda ciyaaraha, isku xirka dhalinyarada, iyo dhammaan hawlaha lagu horumarinayo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii xafladda furitaanka waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiinta jaaliyadaha somaliyed, aqoonyahanno, culuma’udiin, haween, arday iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Masar.

DHAMMAAD

Sawirro:Xulka Galmudug ee ku sugan dalka Masar ayaa shalay ciyaartii furitaanka tartanka maamul-goboleedyada la yeeshay ...
06/12/2025

Sawirro:

Xulka Galmudug ee ku sugan dalka Masar ayaa shalay ciyaartii furitaanka tartanka maamul-goboleedyada la yeeshay xulka Hirshabelle. Ciyaartan oo ahayd mid si weyn loo sugayey ayaa lagu furay tartanka maamul goboleedka oo markii ugu horeysay masar lagu qabanayo.

06/12/2025

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar Mudane Mohamed Said Aqil , ayaa dhiirigelin u jeediyay ciyaartoyda xulka Galmudug, isaga oo ku bogaadiyey dadaalkooda, diyaar garowgooda iyo sida ay ugu taagan yihiin magaca iyo maamuuska Galmudug.

05/12/2025

Xulka galmudug ee dalka Masar πŸ‘‘

05/12/2025

Warming up: Xulka kubada cagta Galmudug oo isku diyaarinayaa ciyaartii ugu horeysay ee tartanka maamul goboleedka ee maanta ka furmay dalka masar.

04/12/2025

Bahda sports ka Masar ayaa sugaya kulan xiiso leh beri galab sadaali natiijada ciyaarta u dhaxeysa Galmudug iyo hirshabele.

BismillaahGuddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug, Mudane Mohamed Said Aqil wuxu ugu baaqayaa dhammaan jaaliyadda re Galmudug i...
04/12/2025

Bismillaah

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug, Mudane Mohamed Said Aqil wuxu ugu baaqayaa dhammaan jaaliyadda re Galmudug iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Masar inay si weyn uga soo qayb-galaan kulanka furitaanka ee aan ciyaareyno maalinta Jimcaha.

Waa fursad aan ku muujinno midnimadeenna, taageeradayada, iyo xirfadda ciyaartooydeena.

πŸ“… Maalin: Jimco – 5 December 2025
⏰ Saacad: 3:00 PM
πŸ“ Garoonka: Wafaa We Al Amal (Malcab Arbaca)

Macluumaadka ku saabsan xulka Galmudug halkan kala soco, Insha’Allah.

Dhamaad.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar , Mudane Mohamed Said Aqil , ayaa soo dhaweyay tartanka koobka kubadda c...
03/12/2025

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar , Mudane Mohamed Said Aqil , ayaa soo dhaweyay tartanka koobka kubadda cagta ee dhex-maraya dhallinyarada dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee ku sugan Masar.

Mudane Maxamed Said Caaqil ayaa sheegay in tartankani uu yahay fursad muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ciyaaruhu ay door muhiim ah ka qaataan mideynta bulshada iyo kobcinta kartida dhallinyarada.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Sports-ka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Masar, Mudane Abdullahi Gaalkacyo, iyo guddiga qaban-qaabada, kuwaas oo dadaal badan geliyay diyaarinta iyo hirgelinta tartankan muhiimka u ah jaaliyadaha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Address

Cairo

Telephone

+252617577242

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Jaaliyadda Galmudug Ee Dalka Masar:

Share