30/11/2025
Shalay oo ay taariikhda ku beeganeyd 29.11.2025 waxaa magaalada Wetzlar laga daahfuray Jaaliyad somaliyeed oo halkaasi laga aas aasay.
Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, welibana ay kasoo qeyb galeyn wufuud aad u kala duwan oo uu kamidyahay Danjire Abdiasiis Mohamud Mohamed Faravbadan ayaa halkaasi ka dhacday.
Kadallad ahaan waxaan marwaliba dhiiri gelineena Jaaliyadaha dhismaayo, welibana diyaarka u ah in ay ushaqeeyaan bulshadooda, si markaasi looga haqab tiro baahiyaha bulshada ay dareemayaan.
Jaaliyada Wetzlar iyo nawaaxigeeda shalay waxay muujiyeen in ay diyaar uyihiin in ay bulshadooda si daacadnimo ay kujirto in ay ugu shaqeeyaan, sidoo kalena ay marwaliba utaaganyihiin wax alla wixii cabasho keeni kara in laxaliyo, si markaasi loo helo ummad hal meel uwada socota.
Kadallad ahaan waxaan xooga saari doonaa in aan tagno meel waliba ay kunoolyihiin bulshadeena somaliyeed si‘aan u ogaano dhibaatooinka heesta.
Dhamaan bulshadeena somaliyeed ee kunool dalka jarmalka waxaan kula dar daarmeyna in ay kawada shaqeeyaan midnimada iyo in aan marwaliba noqono ummad isku dan ah, welibana Wada saaran hal doon.
Mahadsanidiin.