15/05/2026
WAR-SAXAAFADEED
MOWDUUCA: HAMBALYO IYO FARRIINTA URURKA DOSYO EE XUSKA 15-KA MAY
MUQDISHU, SOOMAALIYA – Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2026, Maamulka iyo xubnaha Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed (DOSYO) wuxuu hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda 15-ka May awgeed.
Maalintan oo ku beegan sanad-guuradii 83-aad ee aasaaskii ururkii gobanimo-doonka ee SYL, waa astaan weyn oo muujinaysa dhiiranaanta, midnimada, iyo kaalinta lama huraanka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin masiirka qaranka Soomaaliyeed.
Farriinta Ururka DOSYO:
Ururka DOSYO, isagoo gudanaya waajibkiisa ku aaddan horumarinta jiilka cusub, wuxuu maalintan muhiimka ah la wadaagayaa dhallinyarada qodobbada soo socda:
Hoggaaminta Isbeddelka:
Sida ay 13-kii dhalinyaro ee SYL u dhiiradeen 1943-dii, waxaa maanta la joogaa xilligii dhallinyarada Soomaaliyeed ay la imaan lahaayeen hoggaamin aqoon iyo wadaniyad ku dhisan si dalka loogu hoggaamiyo horumar waara.
Ahmiyadda Waxbarashada:
DOSYO waxuu rumeysan yahay in hubka ugu xooggan ee dhallinyaradu ku dhiseyso mustaqbalkeeda uu yahay waxbarashada. Waxaan dhiirrigelinaynaa in dhallinyaradu ay xoogga saaraan cilmiga iyo farsamada gacanta.
Wada-jirka iyo Samafalka:
Waxaan ugu baaqaynaa jiilka maanta inay xoojiyaan ka qayb-qaadashada howlaha bini'aadamnimada iyo u adeegidda dadka tabaalaysan, taas oo ah wadada kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo loo dhan yahay.
Baqaan ku socda Maamulka iyo Shacabka
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Ururka DOSYO iyo dhammaan xubnaha ururku waxay ugu baaqayaan dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah inay kordhiyaan fursadaha shaqo iyo goobaha hal-abuurka ee loogu talagalay dhallinyarada, si looga hortago khataraha ay kamid yahiin tahriibka iyo xagjirnimada.
Ugu dambeyntii, Ururka DOSYO wuxuu ballan-qaadayaa in uu sii wadaayo dadaallada lagu horumarinayo garaadka iyo tayada dhallinyarada Soomaaliyeed, si loo helo jiil dhisan oo dalka iyo dadkaba waxtar u leh.
GUUL IYO HORUMAR DHALLINYARADA SOOMAALIYEED.
DHAMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed (DOSYO)
Muqdisho, Soomaaliya