02/15/2026
A distinguished community gathering was successfully convened in Niagara Falls, organized by the Somali Himilo Community of Niagara Region. The event brought together Members of Provincial and Federal Parliament, representatives from local police services, school administrators, and respected Somali community leaders from across Ontario. The occasion witnessed an exceptional turnout, with a significant number of Somali residents from Niagara Falls in attendance.
Throughout the program, speakers conveyed their appreciation for the opportunity to participate and commended the remarkable unity, cooperation, and mutual support that characterize the community. The gathering also served to highlight the organizationβs ongoing monthly Qurβan recitation initiative, a year-round program that strengthens spiritual connection and communal bonds. This particular event held special significance as it marked a reflection on that tradition in anticipation of the upcoming blessed month of Ramadan.
Guests were received with warmth and generosity, and dinner along with refreshments was served, exemplifying the communityβs enduring values of hospitality, inclusivity, and togetherness.
βββββββββββββββββββββββββ-
Waxaa si habsami leh oo heer sare ah loo qabtay kulan bulsho oo ka dhacay Niagara Falls, kaas oo ay soo qabanqaabisay Somali Himilo Community of Niagara Region. Kulankan muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo kan gobolka, saraakiil ka socday booliiska, maamulayaal dugsiyeed, iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan Ontario. Dadweyne aad u tiro badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Niagara Falls ayaa si firfircoon uga soo qeyb galay munaasabadda.
Intii ay socotay barnaamijka, khudbadihii la jeediyay waxay muujinayeen farxad iyo mahadnaq ku aaddan kulankan mideeyay bulshada. Waxaa si gaar ah loo ammaanay midnimada, wadajirka, iyo is-kaashiga muuqda ee ka dhex jira bulshada. Sidoo kale, waxaa la iftiimiyay barnaamijka akhrinta Qurβaanka Kariimka ee bille ah, kaas oo si joogto ah u soconaya sanadka oo dhan, isla markaana xoojisa xiriirka diineed iyo wadajirka bulshada. Kulankan ayaa noqday mid lagu xuso lana qiimeeyo dadaalladaas, maadaama ay soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Marti sharafkii iyo dhammaan ka soo qeybgalayaashii xaflada si diirran ayaa loo soo dhaweeyay, waxaana xigtay casho, cunto aad umacaan, taas oo muujinaysa dhaqanka soojireenka ah ee marti-soorka, wadajirka, iyo is-qaddarinta bulshada