02/28/2026
Mahad oo dhan waxaa iska leh Allah (SWT) oo noo suurtageliyay in aan ka qayb qaadanno afurinta iyo garab istaagga walaalaheenna ku nool santerka bilcildhere oo helay afur ku filan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhamaan dhalinyarada qurbo jogta ah ee abrahiin ee ku kala nool cariga America iyo Europe ee ay naga so gartay deeqdan afurinta walalahood.
Barnaamijkan wuxuu muujiyay midnimo, walaalnimo iyo is garab istaag dhab ah. Waxaa si nidaamsan loo gaarsiiyay raashin ka koban 1:Bur 2: Baris 3: Sonkor iyo Salid iyo Timir
Oo ku filan 43 qoys o kunool santarka bilcildhere ee dagmada wardheer
Ilaahay (SWT) ha idinka aqbalo sadaqadiinna, hana idiin labanlaabo ajarka, hana idiinku beddelo mid ka khayr badan. Waxaan rajeyneynaa in dadaallada noocan ah ay sii socon doonaan,
Jazaakumullaahu Khayran dhammaantiin.
Alle ha idinka abaalmariyo wanaaggiinna.