Socobel

Itinéraire Site Web

Socobel Somali Community Federation of Belgium

Bayaanka Jaaliyadda ee Bannaanbaxyada Brussels 🇧🇪🇸🇴Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium (SOCOBEL) waxay si dhow ula socota...
09/10/2026

Bayaanka Jaaliyadda ee Bannaanbaxyada Brussels 🇧🇪🇸🇴

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium (SOCOBEL) waxay si dhow ula socotaa bannaanbaxyada ka dhacaya caasimadda Brussels iyo cabashooyinka bulshada ee la xiriira xaaladaha dhaqaale, kharashaadka nolosha, waxbarashada iyo xuquuqda shaqaalaha.

Waxaan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo xuquuqda muwaadiniinta, ardayda iyo shaqaalaha ee ah inay si xor ah oo nabad ah u muujiyaan tabashooyinkooda, isla markaana la dhegaysto cabashooyinkooda, lagana shaqeeyo xal ku dhisan caddaalad iyo wadahadal.

Dhanka kale, waxaan si adag ugu baaqaynaa dhammaan dhallinyarada iyo shacabka inay muujiyaan masuuliyad, deggenaan iyo bisayl bulsho. Jaaliyaddu waxay si cad u cambaaraynaysaa fal kasta oo rabshad, dhac, b**b ama burburin hantiyeed ah, iyadoo adkaynaysa in falalka noocaas ahi aanay marnaba noqon karin hab lagu muujiyo cabasho sharci ah.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa hay’adaha ay khusayso inay ilaaliyaan amniga guud, dhowraan xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana dhiirrigeliyaan wadahadal wax-ku-ool ah oo horseeda xal waara.

Cabashadu waa xaq, nabadduna waa masuuliyad wadajir ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium (SOCOBEL) 🇸🇴🇧🇪


CASHO SHARAF, SOO DOWEYN IYO DUCO ANTWERPWaxaa magaalada Antwerp lagu qabtay munaasabad casho sharaf ah oo isugu jirtay ...
09/09/2026

CASHO SHARAF, SOO DOWEYN IYO DUCO ANTWERP

Waxaa magaalada Antwerp lagu qabtay munaasabad casho sharaf ah oo isugu jirtay soo dhoweyn, duco iyo taageero, taas oo lagu maamuusay Guddoomiyaha Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee Belgium, Mudane Abdirahman Fiqi.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay guddoomiyeyaasha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Belgium, Boqor Maxamed Sheekh waxgarad iyo odayaal dhaqameed, aqoonyahanno, siyaasiyiin, ganacsato, bahda saxaafadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Intii ay munaasabaddu socotay, ka qaybgalayaashu waxay Guddoomiye Abdirahman Fiqi u muujiyeen duco, garab istaag iyo taageero, iyagoo u rajeeyay inuu ilahay u fududeyo howlaha sida gaarka u horyaal .

Ugu dambayn, waxaa Alle looga baryay inuu u fududeeyo kuna guuleeyo.


🇧🇪 Gelukkige Nationale Feestdag, België!Ter gelegenheid van de Nationale Feestdag van België biedt de Somali Community F...
22/07/2026

🇧🇪 Gelukkige Nationale Feestdag, België!

Ter gelegenheid van de Nationale Feestdag van België biedt de Somali Community Federation of Belgium (SOCOBEL) haar oprechte felicitaties aan aan Zijne Majesteit de Koning, de Belgische regering en alle inwoners van België.

Vandaag staan wij stil bij de fundamentele waarden die België kenmerken: vrijheid, democratie, rechtsstaat, solidariteit en respect voor diversiteit. Deze waarden vormen de basis van een sterke, inclusieve en vreedzame samenleving.

SOCOBEL spreekt haar waardering uit voor de kansen, de gastvrijheid en de voortdurende inzet van België om bruggen te bouwen tussen mensen en gemeenschappen met verschillende achtergronden.

Wij wensen België en al haar inwoners een feestelijke Nationale Feestdag, met blijvende vrede, voorspoed en succes.

Verenigd in diversiteit, samen sterk.

Met de meeste hoogachting,

Somali Community Federation of Belgium (SOCOBEL)

Eenheid • Vertegenwoordiging • Vooruitgang


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium (SOCOBEL) waxay hambalyo u diraysaa qoraaga Soomaaliyeed Mohamed Hassan Malin munaasa...
12/07/2026

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium (SOCOBEL) waxay hambalyo u diraysaa qoraaga Soomaaliyeed Mohamed Hassan Malin munaasabadda soo bandhigista buuggiisa “AQLIGU HA SOO LAABTO, DADOW.” 📚

Waxaan ku bogaadinaynaa dadaalka iyo hal-abuurka uu geliyay curinta buuggan, waxaana ku dhiirrigelinaynaa dhammaan dhalinyarada iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Belgium inay qalinka qaataan, aqoontoodana bulshada la wadaagaan. Qoraalku waa dhaxal reeba raad waara.

Hambalyo qoraaga, waxaana kuu rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah. 🇸🇴🇧🇪

16/05/2026
12/05/2026

Abwaan Ibrahim Abdi siciid

12/05/2026

Gudoomiyaha jaaliyada Netherlands
Abdiqadir nuune
Somali community federation of Netherlands 🇳🇱

10/05/2026

Hamplayo bulshada somaliyed ee rer Belgium



Adresse

Veldstraat 188
Kortrijk
8500

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Socobel publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Raccourcis

Partager