12/01/2026
XOG MUHUUM AH
Qorshaha sababay in Israa'iil ay tillaabadaan qaado waxaa saldhig u ah. Xisbiga Likud ee uu Netanyahu hogaamiyo iyo xisbiga xag-jirka fog ee ay xulafada yihiin, waxay 20 sano ka hor dileen raysal wasaarihii Isra'iil oo siyaasada fur-furnaa, ka dib markii uu heshiis, dhismo 2 daleed ah, Yaasir Carafaat la saxiixday. Waxay labadaan xisbi isku af-garteen hirgalin qorshe shacbiga Falestniin tiradooda lagu yareeyo ugu danbayna dhulka Falastiin looga sifeeyo. Qorshahaas wuxuu iskugu jiray wajiyo kala duwan oo fulintiisa tillaabooyin goos-goos ah, iskuna xir-xiran loo marayo. Waxay iskugu jiraan; qaab siyaasadeed, sharciyeed, midab-takoorid barakicin, xabsiyeyn, dil iyo ugu danbayn ka nadiifinta dhulkooda iyo deegaanadooda.
Qorshahaas waxaa tusaale ahaan ka mid ah: in qoys walba oo Falastiin ah; inta ilmood oo dhasha la diiwaan-galiyo, ciidanka Shin Bet(sirdoonja gudaha) ay dabo-gal joogto ku hayaan ilaa iyo 13 jir ka gaaro. Marka uu ilmaygu 13 jir wiil yahay waa in poliisku cadaadis iyo caburin ku bilaabo caruurka, si uu intuu u dulqaadan kari waayo, carodaa, mudaaharaad bilaabo, dhagax-tuuris sameeyo. Markaasna xabsi la dhigo, lagu ciqaabo xabsiga.
Gabdho iyo wiilal yar-yar ayaa 10sano ka badan xabsi la iskaga hayaa, wey ku xanuunsadaan, lama daaweeyo, Siyaasiyiintooda, aqoonyahanadooda iyo wax-garadkooda la ugaarsado.
Qorshaha xabsiga kan ugu weyn ee Isra'iil ay Falestiinta u qorshaysay waa xabsiga hawada ka furan ee adduunka ugu weyn. Magaciisu waa: Gaza. Waa magaalo xeeb badeed ah, oo ay markii h**e 600.000 qof ku noolaayeen. Isra'iil waxay ku wareejisay darbi shub ah oo 8 mitir kor u dhisan. Waxaa loo sameeyay hal irid oo laga soo galo oo militari waardiyo ka hayo.
Dad kale oo magaaloiyin kale dagan ayaa la soo barakiciyay, laguna soo daabuleeyay Gaza. 20 sano ka dib dadka Gaza ku nool waxay kor u dhaafeen 2.000.000.
Qorsha k**a danbaynta wuxuu yahay in 2.000.000 qof la duqeeyo si ay u qaxaan. Wadada loogu talo galay waa dhanka saxaaraha Siinaay, si ay Masar u galaan ama badda isku shubaan. Dadka Gaza in ay qaxaan may ogola, Isra'iilna waxay baraha bulshada ku faafisay, hadii aad dadka reer Gaza muslinimo iyo walaalnimo ugu hiilinaysaan, maad Masar ku cadaadisaan inay u ogolaato inay kusoo qaxaan. Waa siyaasad ay uga dan leeyihiin in Falestiintu magaaladii kaliya ee ay iyaga gacanta maamulkooda ku jirtay, ka guuraan. Sidaasna ay Isra'iil ula wareegto dhamaan Falestiin oo dhan.
Masar oo awalba 2.000.000 oo qaxooti Falastiin ah haysay, hadii ay reer Gaza qaado, Falastiin dambe jiri mayso. Waa qorshaha ay Netanyahu en dowladiisa ugu magacdareen " Israa'iil Weyn", inuu hirgalay. Taasna waxay Falestiniyiintu ka doorbideen dhimasho.
Haddaba Isra'iil waxay qorshahooda garab kaga raadsadaan Maraykanka oo ay xubnaha ugu badan ee parlemaanka iyo madaxweynahaba dhaqaale doorashadooda kusoo doorteen.
Dadka reer Falastiin kuma jiraan halgan is-xoreyn ah kaliya, balse midka jiritaankooda ah.
Cadowgoodu wuxuu garab ka haystaa dowlada dunida ugu dhaqaalaha badan.
Maadaama ay dadka reer Falastiin awood caalami ah iska difaacayaan waxay halgankooda taageero ugu raadsadaan caalamka oo dhan. Sidaas awgeed ayay Isra'iil iyo Maraykan waxay baadi-goob ugu jireen sidii, wixii ay "the final solution for the Palestine quest" ugu magac-dareen, jawaab ugu heli lahaayeen. Taasoo macneheedu yahay in Falestiniyiinta dhulka Falestiin looga masaafuriyo, si ay Isra'iiliyiintu u degaan, cid ku haysata oo danbena la waayo.
Haddaba "the final solution" wuxuu ahaa in Sudan dadka reer Gaza loo masaafuriyo. Waxaana Isra'iil qorshahaas kala shaqeynayay Imaraatka Carabta. Balse markii ay Isra'iil qiimaysay qatarta marinka Carbeed iyo badda Cas, waxay Imaraatka iyo Isra'iil go'aansadeen, in ay Somalia qorshahooda u wareejiyaan.
Qore:-
Farhan Omar
Gudoomiyaha Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Wadanka Belgium