20/05/2026
🎉Xarunta Dhaqanka ee Badda Cas waxay si weyn idiinku martiqaadaysaa xuska Ciidul-Adxa, oo markan ka dhici doona xarunteena, oo ku taal cinwaanka soo socda: Place Eugène Verboekhoven 6B, 1030 Schaerbeek, saacadda 8:00 subaxnimo.
⚠️Ha ilaawin inaad keentaan musalladkiinna (sallida) iyo inaad weyseysataan ka hor inta aydaan iman.
🎁Sidoo kale, xusuusta inaad keentaan hadiyadaha carruurtiinna (hadiyado ama lacag ku jirta baqshad ay ku qoran tahay magaca ilmaha).
🚃Sida loo yimaado — Isticmaal gaadiidka dadweynaha
Waxaan si weyn idiinku boorrinaynaa inaad isticmaashaan gaadiidka dadweynaha (tram iyo bas), maxaa yeelay meel baabuur lagu dhigto aad bay ugu adag tahay agagaarka xarunta. Beddelka ugu dhow waa baarkiinka Docks Bruxsel.
Gaadidka imanaya Markazka waa kuwa soo socda :
🚃Tram 55 Rogier ↔ Bordet Station
🚋 Tram 92 Uccle (Fort Jaco)
🚌 Bus 58 Yser ↔ Vilvorde
🚌 Bus 59 Hôpital d’Ixelles ↔ Bordet (Evere)
🚌 Bus 56 Neder-Over-Heembeek (Pont de Buda) ↔ Maelbeek
🚋 Tram 7 et Tram 10 À quelques minutes supplémentaires à pied