Jaaliyada Maakhir ee Belgium

Jaaliyada Maakhir ee Belgium The official page of the Makhir community in Belgium๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ธ
Www.Maakhirdiasporabelgium.be

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuunDhamaan xubnaha Jaaliyada Maakhir ee dalka Belgium waxay tacsi tiiraanyo leh u diray...
30/08/2025

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Dhamaan xubnaha Jaaliyada Maakhir ee dalka Belgium waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Gudoomiye Abdiqadir Ducaale oo aabihii Marxuum Ducaale Muuse Siciid uu ku geeriyooday dalka Itoobiya, rabbi haw naxariisto dhamaan ehelka iyo asxaabtna samir iyo iimaan ha ka siiyo Aamiin.

๐๐ซ๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ฅ๐ฌ                                            ๐“๐ซ: ๐Ÿ๐Ÿ—.๐ŸŽ๐Ÿ’.๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“Jaaliyada Maakhir ee Belgium waxay si buuxda usoo dhow...
29/04/2025

๐๐ซ๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ฅ๐ฌ ๐“๐ซ: ๐Ÿ๐Ÿ—.๐ŸŽ๐Ÿ’.๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“

Jaaliyada Maakhir ee Belgium waxay si buuxda usoo dhowaynaysaa qodabadii kasoo baxay gudidii dhexdhexaadinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dureera ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Goโ€™aamada fulintooda waxa laga rabaa waxgaradka labada beelood maadaaba ay ku aqbaleen goobtii lagu soo jeediyey qodobada.

Waxa kale oo goโ€™aamada fulintooda xil ka saaranayahay Dawlada Puntland maadaaba ay iyadu gacanta ku haysay hawsha.

Waxaanu soo jeedinaynaa cid kasta oo goโ€™aamadaas dhaqangelintooda ka hor timaada in ay nabada lidi ku tahay.

Waxaanu kale oo soo jeedinaynaa in ciidamada nabadda ilaalinaya aan goobta laga qaadin ilaa inta qodobada gudidu soo saareen ay ka dhaqan gelayaan.

๐Œ๐š๐ก๐š๐๐œ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ง

Ugu danbayn jaaliyadu waxay u mahadcelinaysaa cid kasta oo gacan ka geysatay nabadayntaas sida isamada,waxgaradka, gudida hawsha gacanta ku haysey, ciidamada iyo magaalada gogosha dhigtay.

-Wabilaahi towfiiq-

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐๐š๐ง ๐ค๐š ๐จ๐ ๐š๐ฒ๐ง?Jaaliyada Maakhir ee Belgium , habka ay u shaqayso iyo ujeedada loo unkamay.Bilowgii 2017kii ayuu fiki...
23/04/2025

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐๐š๐ง ๐ค๐š ๐จ๐ ๐š๐ฒ๐ง?
Jaaliyada Maakhir ee Belgium , habka ay u shaqayso iyo ujeedada loo unkamay.

Bilowgii 2017kii ayuu fikirku soo bilowday laakiin ๐ŸŽ๐Ÿ.๐Ÿ๐Ÿ.๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘ ayaa si rasmi ah jaaliyada loo aasaasay kadib shirwayne ay isugu yimaadeen bulshada reer Maakhir ee dalkan ku nool, ujeedada aasaaska ayaa ahayd midaynta, isku xidhka iyo qaabaynta bulshada Maakhir ee dalkan degan, ka dibna wixii horumar ah ay dalkii ka geysato.

๐‰๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ฅ๐ž๐ž๐๐š๐ก๐š๐ฒ

-Goleyaal kala duwan sida gole-guurti odayaal, garab haween, garab dhalinyaro aqoonyahan ah iyo team warbaahineed.

-Waxay leedahay dastuur ay ku shaqayso oo wadar ogol lagu ansaxiyey, kaas oo ay hawlaha kala duwan ee jaaliyadu ku kala socdaan.

-Waxay leeday nidaam maaliyadeed oo casri ah, xubnaha jaaliyada ayaa qadar lacageed u baxsha si bil le iyo sanadleh ah. Qofkasta oo xubin ka ah waxa uu awoodaa in uu helo faahfaahin ku saabsan macluumaadka iyo hanaanka maaliyadeed meelaha lagu qarash gareeyey si looga fogaado aaminaad xumo iyo musuq.

-Waxay leedahay madal lagu kala wacaal qaato si maalinle iyo asbuucle ah, dhamaan xaaladaha deegaanka iyo dalkana la isaga waraysto, si bulshadu u noqoto mid xog ogaal ka ah xaaladaha deegaanka iyo gobolka.

-Waxay dalkan uga diiwaan gashantahay si rasmi ah iyadoo ku diiwaangashan urur bulsho (๐‚๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐ญ๐ฒ ๐Ž๐ซ๐ ๐š๐ง๐ข๐ฌ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง) wakhti kooban ayaa lagu siiyey aqoonsiga, kadib markii dawladu ku qanacday hanaankeeda.

Waxay si joogto ah uga qayb qaadataa baahiyaha deegaanka, Xaaladihii ugu danbeyeyna waxay ka qaadatay kaalinta ugu muhiimsan.

Waa jaaliyada keli ah ee aan laga werin khilaaf, isqabsi iyo anshax xumo, marka loo eego Jaaliyado tiro beel ah ee dalkan ka jira.

Fikirkiina iyo aragtidiinu waa muhiim.

๐Ÿ“ท ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐ก๐ข๐ฆ ๐‘๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š

21/04/2025

Bayaan kasoo baxay Jaaliyada Maakhir ee dalka Belgium

20/04/2025

Muuqaal: Kalanka Sanad laha ah ee Jaaliyada Maakhir ee Belgium.

20/04/2025

Cabdilaahi Siciid Faarax: Ceerigabo waa la difaacayaa, dadaalada Nabadeed ee Puntland na waa soo dhowaynaynaa.

20/04/2025

Daahir Yuusuf Gudoomiye xigeenka jaaliya Maakhir: dadaalada nabadeed ee deegaanka Dureera waan bogaadinayna, waxaanu rajeynaynaa in ay weji fiican ku dhamaato.

20/04/2025

Gudoomiye Cabdiqadir Ducaale: Ha la isu diyaariyo difaaca Ceerigaabo, Nasiib xumo iyo bar-madow weeye wixii Dureera ka dhacay dib yeysan usoo noqon, reer Maakhir waxaan ugu baaqayaa midnimo.

20/04/2025

Jeylani Aadan: Deegaanada Sanaag iyo haylaan uma baahna rabsho iyo fadqalalo, dadka deegaanka waxaan ugu baaqaya midnimo iyo wada jir.

20/04/2025

Guurti iimaan Suudi: dhibaatada ay Somaliland ka wado Ceerigaabo il gaar ah ayaan ku haynaa, waxan bogaadinayaa dadaalada nabadeed ee deegaanka Dureera.

19/04/2025  Leuven Belgium Jaaliyada Maakhir ee dalka Belgium waxay kulankoodii sanad laha ahaa ku yeesheen Magaalada Le...
20/04/2025

19/04/2025 Leuven Belgium

Jaaliyada Maakhir ee dalka Belgium waxay kulankoodii sanad laha ahaa ku yeesheen Magaalada Leuven, kulanka waxa kasoo qaybgalay gudoonka, gudida joogtada ah, aqoonyahanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada reer Maakhir ee dalka Belgium.

Sanadkan waxa kulan jaaliyada kala soo qaybgalay dhalinyaro aqoonyahano ah oo ka kala socda jaaliyadaha Maakhir ee dalalka Germany, France, Canada , USA, Italy , Nederland iyo dalalka Scandinavianka, isbarasho kadib kulanka, aqoon iyo aragtiba waa la isku weydaarsaday.

Is-xogwaraysi iyo qiimayn waxyaabihii jaaliyada u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay kadib, kulanka waxa lagu soo bandhigay dastuurka cusub ee ay yeelandoonto jaaliyadu, sharaxaad iyo gorfayn kadib si guul iyo wadarguud ah ayaa loo ansixiyey, intii uu kulanku socday waxa lagu guulaystey dhismaha garabka haweenka jaaliyada, iyadoo sidoo kale dib u casriyeyn heersare ah lagu sameeyey hanaanka bixinta lacagta khidmada jaaliyada.

Ugu danbayntii kulanka waxa la gudo galay qodobka labaad ee ajandaha shirka oo ahaa in si qoto dheer wax la isaga waydiiyo xaaladaha gudaha wadankii deegaanka Maakhir, waxgaradka iyo aqoonyahanka jaaliyadu waxay si adag oo aan gabasho la ahayn ugu hadleen xaaladaha colaadeed ee deegaanka gaar ahaan Ceerigaabo, Calmadow iyo Calmiskaat, waxay jaaliydu si heersare ah u bogaadisay dadaalada nabadeed ee deegaanka Dureera ee gobolka Sanaag iyadoo si weyna loogu mahadceliyey waxgaradka iyo cuqaasha arintan gacanta ku haya.

Arimaha xaladaha wadankii jaaliyadu waxay kasoo saartay bayaan ka kooban 10qodob goordhow lasocon

Shirwayne Jaaliyada Maakhir ee dalka BelgiumGudoonka jaaliyadda Maakhir ee waddanka Belgium waxay si xushmad iyo qadarin...
10/04/2025

Shirwayne Jaaliyada Maakhir ee dalka Belgium

Gudoonka jaaliyadda Maakhir ee waddanka Belgium waxay si xushmad iyo qadarin leh ugu yeeraysaa dhammaan xubnaha jaaliyadda, aqoonyahannada, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan shacabka reer Maakhir ee ku sugan Belgium iyo waddamada deriska la ah sida Jarmalka, Faransiiska, iyo Nederland, inay kasoo qayb galaan Shirwaynaha Sannadlaha ah ee Jaaliyadda Maakhir.

Shirkan wuxuu fursad weyn u yahay:
-Dib u xasuusin qiimaha midnimada iyo wadajirka jaaliyadda.
-Wada tashi ku saabsan horumarinta bulshada.
-Ka hadalka doorka jaaliyaddu ku leedahay horumarka guud ee bulshada Maakhir iyo tan qurbo-joogta.

Faahfaahinta wakhtiga Shirwaynaha:
โ€ข Taariikhda: Sabti, 19ka April 2025
โ€ข Goobta: Magaalada Leuven, Belgium
โ€ข Waqtiga: 11:00 subaxnimo

Fariin Muhiim ah:
Waxaan si gaar ah ugu dhiirrigelinaynaa dhammaan xubnaha jaaliyadda in ay si niyadsami leh uga soo qayb galaan, talo iyo tusaalana la yimaadaan si loo xaqiijiyo ujeedada shirkan muhiimka ah

Mudane Cabdulqdir Ducale
-Guddoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Belgium-

Adres

Brussels

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Jaaliyada Maakhir ee Belgium nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Contact De Organisatie

Stuur een bericht naar Jaaliyada Maakhir ee Belgium:

Delen