01/03/2025
Allaahuma Baarik Rabaw waa mahadaa marwalba adaa noo fududeeyay hawl kasta oo aan qabanayno, inoona sahla sida ugu qurxoon ugu munaasibsan inaan hawshaa uqabano.
Awalan curashada bisha barakaysan ee Ramadan ayaan idiinku hambalyaynaynaa, ILLAAHAY kheyrkeeda haynasiiyo, kuwuu udembi dhaafana haynaga dhigo.
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 28-02-2025 maalintii ugu dambaysay bisha Shabcaan inaan 35 reer oo danyara aan afuradoodii oo dhamaystiran uqaybinay.
ILLAAHAY haw barakeeyo wax kheyr qabana hasiiyo oo ay kubaahi baxaan.
Dhamaan hablaha qaaligaa ee reer Xasuus-reeb waxan idin leeyahay ramadan wanaagsan ILLAAHAY bishan kheyrkeeda haynasiiyo, hana inaga dhigo kuwii kafaa'idaysta fadliga iyo barakada bishan.
ILLAAHAY haynoo fududeeyo dhamaan hawlaheena shaqo ee aan wadno, hana inoo dembi dhaafo, maalinta dambee aakhirana kuwii wanaagyaday samayn jireen uu ugu dembi dhaafo ee janooyinkiisa ku kulma haynooga dhigo sidaan aduunkan ugu kulanay.
Hawshaa quruxda badan aad qabateena wan idiinku hambalyaynayaa, xoogiini,maalkiini iyo waqtigiini aad hawshan geliseen wax ka kheyr badan haydiinku badalo, meeshaad kasoo saarteena waxka kheyr badan haydiinku bedelo.
Ramadan Mubarak🌙, Kulu Caam Wa Antum Bil Kheyr🌙