02/07/2026
Odayaasha, Aqoonyahannada iyo Waxgaradka Magaalada Melbourne oo Isugu Yimid Xuska 1-da Luulyo
Odayaasha, aqoonyahannada, iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne ayaa isugu yimid munaasabad lagu maamuusayay 1-da Luulyo, oo ah maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa lagu xusay qiimaha taariikhiga ah ee maalintan, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka, nabadda, iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Ka qaybgalayaashu waxay sidoo kale ka wada hadleen doorka bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga bulshada loona dhiirrigelin lahaa jiilka cusub inay ilaashadaan taariikhdooda iyo aqoonsigooda Soomaaliyeed.
Alle ha u barakeeyo ummadda Soomaaliyeed midnimo, nabad, iyo horumar.
Hambalyo 1-da Luulyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.