Hanuunka Alle swt Raac

Anrufen Wegbeschreibung Kontaktieren Sie die Organisation

Hanuunka Alle swt Raac page Aanu Ugu Tala Galnay Is Xasuusinta Digriga Alle iyo Hanuunita Ka Mashquulida Aduunyo Iyo Ku Mashquulida Aakhiro.

u caabud Alle Inaad Mar Walba Arkayso
hadaadan arkayn Isaga (ALLE) Ayaa Ku Arkaya

19/07/2025

Asc

Miyaadan Doonayn Aragtida wajiga Rabiga Maalinka  . Sidee Naftaadu Kuugu Qancisay Ama Kuu Ilowsiosay Sharafta Iyo Haybad...
30/07/2023

Miyaadan Doonayn Aragtida wajiga Rabiga Maalinka .

Sidee Naftaadu Kuugu Qancisay Ama Kuu Ilowsiosay Sharafta Iyo Haybada Wajiga Raxmaanka Kuwa Arka Inaad Ka Mid Noqoto..

Sidee Uga Dooratay Inay Naftaada Iyo Ibliiis ay Ku Hilmaamsiiyaan Inaad Ka Xishooto Rabiga Swt kana Dhowrsato Xumaantana Dartiis Uga Tagto Adiga Oo Leh Wajiga Rabigay Waa Qaali Uma Qalmo Mid Ka Xishoon Waayay Dunida Markuu Joogay Kana Dhowrsan Waayay Inuu Arko Maalinka Danbe...

Ma Waxad Doonin Adigoon Baran Rabiga Swt Kana Haybaysan Kana Mid Noqon Kuw Rabi Swt Yiri
إِنَّ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِالْغَيْبِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
Kuwa Ka Dhowrsada Kana Xishooda Oo ka Haybaysta Rabigood Iyagoon Arkin Balse Dhab U Rumeeyey Goodigiisa Iyo Naxariistiisa Danbi Dhaafkiisa Kuwaasi Waa Kuwa Leh Danbi Dhaaf Ka Ahaaday Xaga Rabigood Iyo Ajar Weyn...

Ma Waxad Ku Qanacday Oo Naftaada Iyo Ibliis Kugu Qanciyeen Inaad Rabiga Jaahil Ka Ahaato Diintaada Jaahil Ka Ahaato Kaliya Afka Ka Sheegta Balse wax Kasta Oo Ay Ka Reebtay Oon Ku Haboonayn Ku sugan Inaad Dunida Ka Tagto...

Adigoo Bartay Oo Ku Samirsiiyay NAFTA Macaasida Iyo Dariiqa Ibliiska La'aanta Heesaha Beenta
Dumarka Dawashadooda
Kalla Duwan Sigaarka Xashiishka Qaadka Khamrada Sinada.... Xijaab La'aanta Isruxida Baraha Bulshada Adigo Cawradada Muujinaya Si Dadku Ku Arkaan Rabigaana Aad Uga Cadhaysiiso Ibliisna Uga Farxiso..

Ma Waxad Naftaada Oran Weyday Bes Waxa La Gaadhay Wakhtigaan Naftayada U Xorayn Lahaa Amarka Rabigay Inaan Ku Noolaado Oo Ku Samro Inaan Diintayda Barto Inaan Rabigay U Towbad Keeno Inaan U Deg D**o Masaajidada Inaan Qur'aanka Ku Ooyo Inaan Ka Dheerado Daawashada Cawrooyinka Dumarka Ee qalbigayga Dillay Kana DheereeyEy Hanuunka Iyo Khushuucda Iyo Cabsida Rabigay Waxa La Gaadhaya Xiligaan Ka Dhex Bixi Lahaa balwadaha Waxa La Gaadhay Wakhtigaan Ka Mid Noqo. Lahaa Kuwa Yabooha Rabigood Maqla Oo Ka Faa'idaysta Intaan Geeridu si Kadiso Ah Iigu Iman Dabadeed Aan Rabigay Kulla Kulmi Lahaa Anigoo Ibliis Adoon U Ahaa Balse Ilaaway Inuu Isagu I Abuuray I Arsaaqayay Nincooykiisina Aan Dib Ugu Caasinayay Maalin Kasta...

Ha Quusan Rabiga SWT Waa Naxariis Badne Adoomadiisa Suga Oo Jecel Inuu Ka Towbad Aqballo Oo Aanay Ku Geeriyoon Iyagoo Towbada Ibliis U Diiday Ma Taqaana Sababta Rabiga Towbadeena Ugu Farxayo Waa Inaad Naftaada Ka Badbaadiyay Naar Ok Aad Qaaday Dariiqa Janada Iyo Sidu Jecelyahay Adoomadiisa Inuu Ku Arko Iyagoo U dadalaya Raali Galintiisa Iyo Janoyinkiisa Kana Dheranaya Cadaabkiisa Maxaa Yeellay Rabi SWT Waxba Ku Fali Maayo Inuu Ina Cadaabo.

Aqbal Yabooha Kaaga Yimid Xaga Rabiga Swt Oo Naftaada Iyo Ibliiska Ka Xorow Intaan Si Kadisa Ah Geeridu Kuugu Imaan Ka Dib Adam Ku Calaalcalin Tol'beellay Maan Ka mid Noqdo Kuwa Samirka Kiisa Wanagsan Qaata Oo Ah Inay Ku samirsiiyaan NAFTA Amarka Rabiga Iyo U Hogaansanaantiisa Oo Ka Samirsiiso Marta Ibliiska Iyo U Hogaansantiisa....

Maqal Yabooha Iyo yedhmada Rabiga Oo Ku Qaabil Qalbi U Hiloobay Runa U Doonaya Inuu Ka Mid Noqdo Kuwa Laga Towbad Aqballo
Ee Ah Kuwa yaqiinsan Inay Naftooda Dulmiyeen Balse Og Inay Leeyihiin Rabi Dhaafa Dunuubta Dhamaan...

قُلْ يَٰعِبَادِىَ ٱلَّذِينَ أَسْرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُواْ مِن رَّحْمَةِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغْفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ﴿٥٣﴾
Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe, Eeba dhaafa danbiyada dhamaantoode, waana dambi dhaafbadane naxariis badane...

وَٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيْكُمْ وَيُرِيدُ ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلشَّهَوَٰتِ أَن تَمِيلُواْ مَيْلًا عَظِيمًۭا ﴿٢٧﴾
Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.

Ka Fogoow Asxaabtii Balwadaha Ka Fogoow Asxaabtii Heesaha Ka Fogoow Asxaabtii Xumaanta Iyo Dumarka Cawrooyinkooda Aad Ku saaxiibteen Ka Fogoow Asxaabtii Xijaab La'aanta Kugu Jeclaa Ka Fogoow Oo Ka Fogoow Hadaadan Kuwaas Ka Dhex Bixin Ogow Inaad Naftaada Uga Raali Noqotay Inaanay Doonin Hanuunka Alle Swt Ee Ay Ku Raaliga Noqotay Inay Ibliiska Iyo Dadkiisa Kugu Qanciso Ma Ogid Goorta Geeridaadu Noqon Asxaabtaada Xun Hadaadan Maanta Naftaada Ka Reebin Ogow Waxad Ka Shalayn Maalin Weyn...

Allah SWT Wuxu Yiri Isago Ka Hadlaya Kuwa Naftooda Uga Raaliga Noqday Shaydaanka Iyo Xisbigiisa Inay Ka Mid Ahaadan Balse Marka Lagu Waaniyay Allah SWT Xagiisa Iyo Hanuunka Jnay Raacaan Iska Diida Kana Doorta Asxaabta Xun Iyo Shaydaanka Inay KaSii Mid Ahaadan..

وَيَوْمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيْهِ يَقُولُ يَٰلَيْتَنِى ٱتَّخَذْتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلًۭا ﴿٢٧﴾
Xusuusana Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka
(maan Rumeeyo).

يَٰوَيْلَتَىٰ لَيْتَنِى لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًۭا ﴿٢٨﴾
Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaxiib uga Yeeshay...

لَّقَدْ أَضَلَّنِى عَنِ ٱلذِّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَآءَنِى ۗ وَكَانَ ٱلشَّيْطَٰنُ لِلْإِنسَٰنِ خَذُولًۭا ﴿٢٩﴾
Wuxuu iga Leexiyey Quraanka{Hanuunka} intuu ii yimid ka Dib, Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Meel Xun kaga tage)....

Diyaar Garow Una Diyaar Garow Lakulanka Rabiga Kana Ka Moganaanta Naftaadana Daahiri Oo Ku Daahiri Amarka Rabiga Swt..

Alle Weyne Haynaga Dhigo Kuwa Qalbiyadoodu Aqbalaan Waanada Geeri Horteed.. Amiin

Asc Wr Wb

17/07/2023
17/07/2023
17/07/2023
17/07/2023
17/07/2023
Maad Xiftiyin Amarka    iskaba Daaye Waxad Ka Dhigta Markaad   Noqoto Adigoo Iska   Isha Ibnu Adamka Ayaad U Dhuumata Xa...
11/07/2023

Maad Xiftiyin Amarka iskaba Daaye Waxad Ka Dhigta Markaad Noqoto Adigoo Iska Isha Ibnu Adamka Ayaad U Dhuumata Xagiisa Si Aad U Caasido🥲
Waxad Ka Dhigtay Inta Wax Aragta Ee La Iska Fiiriyo Midka Ugu Liita Agtaada🥲
Hada Ogow Daqiiqadaas Aad Ulla Dhuumanayso Ku Caasido Aad Qaadanayso Ayaad Ku Qaadan Iyo Naxariistiisa Qolka Aad Hoosta Ka Soo Si Aad Ugu Caasido Mallaha Balse Ayaad Ku Qaadanaysaa Aad Ku Neefsanayso si Aad Ugu Caasido🥲

Miyaanu Mudnayn Inaad Ka Dhigto Midka Wax Arka Midka Ugu Badan Ee Ay Tahay Inaad Iska Intaad Ibnu Adam Aan Waxba Kaa dhimi Karin Kuguna Soo kordhin Karin Iska Fiirinayso🤔

Ogow Wuxu Awooda Inuu Kaa Qabto Kasoo baxda Aanad Mar Danbe dib u Qaadan Dabadeed Uu Kugu Kuwa Ah Eed Ishooda Iska Dabadeed Aad Xagiisa Ulla Inaad Ku Caasido Ka dib Ay Kugu Adigoo Ku sugan Xaalkaad Ku Samaynaysay🥲

Balse Waa Badne Kaaga Naxariis Badan Wuu Ku Jecel-yahay Wuxuna dib Kuugu Dhigaya Inuu Isla Daqiiqadaas Kugu Ciqaabo Xaalka Aad Ku Jirto si Aad U Iyo Inuu Kaa Mudan Yahay Inaad Garato Isaga Oo Kaliya u Xaq Leeyahay Inaad Iska Fiiriso..

Ka Dheerow Dawashadooda Iyo Macaasida Aad Makhluuqa Intaad Kalla Dhuumato Aad Ulla Dhuumanayso
Xaqa U Leh Inaad Isaga Ka Xishooto Nimcooyinka aragtida Indhaha Uu Ku Siiyayna Aad Ugu Shugrido Isagoo In Badan Oo Adoomadiisa Ka Mida Kaa Fadilay Oo Kugu Deeqay Inaad Wax Aragto Iyagoo qeyrkaa Ay Tamaniyaan rajeeyaan Hal Mar Inay Nimcada Aragtida Arkaan Si Ay Rabigood Ugu Shukriyaan Iskada Inay Ku Caasiyaan Kuna Daawadaan Wax Aanu Raali Ka Ahayne s***n Kasta Oo Soo mara Waxay Ahaan Lahaayeen Kuwa Ku shugriya Rabigood🥲

Rabiga Caabud Una Caabud Sidii Adigoo Arkaya Hadaadan Adigu Arkayn Ogow Isaga Ayaa Ku Arkaya U towbad Keen Rabiga Kana Dheerow Inaad Ibnu Adamka Intaad Kalla Dhuumato Ishooda Macaasida Aad Ulla Dhuumato Rabiga Swt Ee Ah Midka Xaqa Kugu Leh Nimco Kasta Ood Ku Caasinaysana Isagu Kugu Deeqay Si Bilaash Ah....

Waxan Rajayn Inaad Baraarugtay Wakhti Kaama Tagin Ku Ooy Rabigaa Sujuudna La dhac Dheh Yaa Rabi Ibliis Iyo Naf Ayaa Awoodaada Iyo Nimcooyinkaaga I Hilmaamsiiyay Yaa Rabi Kuu Towbad Keenay Igu Dar Adoomadada Aad Ka Towbada Aqbasho Ee Ku Noolada Amarkaaga Nimcada Aragtida Aan Kugu Caasinayayna Yaa Rabi Ha iga Qaadin Hana Igu imtixaamin Imtixaan Aanan Awoodeeda Qaadi Karin Oo Ah Inaad Nuurkaga Igalla Laabato. Sidaad ii asturtayna Iigu Danbi Dhaaf Hana I Fadeexayn Maalinka Qiyaame Sida Aadan Dunida Iigu Fadeexayn Markaan Ibnu Adamka Intaan Ka Dhuumatay Adiga kuulla Soo Dhuuntay Inaad Ku Caasiyo...
Waxad Helaysa Yabooha Rabigaa Iyo Naxariistiisa Wuuna Kaa towbad Aqballaya

Ka Xorow NAFTA Iyo Shaydaanka Ku Hilmaamsiiya Nimcooyinka Rabiga Swt Una Xorow Amarka Rabiga Swt Inaad Ku Noolato Kana Daahiri Naftaada Xumaanta Aad Sanadaha Badan Ku Jirtay Una Diyaar Garow Lakulanka Rabiga Adigoo Ka Towbad Keenay Danbi Kasta Si Aad Ulla Kullanto Adigoo Ka Mida Adoomaha Rabigood Xasuustay Dabadeed U towbad Keenay maxaa Yeellay Ma Ogid Xili Aad La Kulmayso Hakulla Kulmin Adigoo Qalbigaaga Ka saaray Awoodiisa Naxariistiisa Iyo nimcooyinkii Uu Kuugu Deeqay Eed U Adeegsatay Inaad Isaga Ku Caasido🥲

Asc Wr Wb

Hadii Uu hamigooda Ugu Weyn Ee Ay Ka Fakaraan u Murugoodan U war Waraan UU Ahaan Lahaa Siday Ku Helli Lahaayeen Jacaylka...
06/07/2023

Hadii Uu hamigooda Ugu Weyn Ee Ay Ka Fakaraan u Murugoodan U war Waraan UU Ahaan Lahaa Siday Ku Helli Lahaayeen Jacaylka Gacantiisa Ay Ku Jiraan Waxay U Murugoodan U War Waraan Waxay Ahaan Lahaayeen Kuwa Qalbiyadooda Lagu Abaalin Lahaa Waxay Rabaan Noloshan Aduunyana Ka Helli Lahaayeen Iyagoo Faraxsan Oo Aan Dariiq Xaraan Ah U Marin...

Balse Waxaynu Ilownay hamiga Midkiisa Sare Oo ah Raali Galinta Boqorka Caalamiinta
Waxaynu Ku Gaabsanay Asbaab Yar Yar u noolaanshiyahooda Si Aan U Faraxno Waxaynu Dayacnay Wixii La Inoo Abuuray Oo ah Ku Guuleysiga Raali Galinta Allah SWT Iyo Jacaylkiisa Markaas Ayay Asbaabtii Aan Ka Dooranay Rabigeen SWT La Inaku Cadaabay K**aynaan Qaadin Waxaan Ka Ahayn War War Iyo Cadhiidhi...

Waxaynu Ilownay Nolosha Rasmiga Ah Ee Danbe Midka Noloshaas U Dadaaala Hamigiisana Ka Dhiga Siduu Ku Guuleysan Lahaa Waxa Hubaalla In Noloshan Loo Fududeynayo Uuna Kaga Noolanayo Xasilooni Iyo Qanaaco....

Waxaynu Dooranay Oo Degnay NAFTA Iyo Shaydaankuna Inagu Samirsiiyeen Ka Fakirks Noloshan Gaaban Markaasaynu Ku Dhex Dawakhnay Ku Dulownay Asraaqadiina La Inaku cidhiidhiyay Mana Helno Wax Ka Badan Intii La Inoo Qoray Markaas Ayay Geeridii Inoo Timid Inagoo Aan Diyaar Ahayn maskaxdeenana Ku Jirin🥲 Mise Waaba Inagiiyo Indhaheenu Ka Adag Yihiin Birta Markaynu Aragnay Xaqiiqadii Shaydaanka Iyo NAFTu Iyo Aduunyadu Ina Hilmaamsiiyeen🥲

Doorta Nolosha Dhabta Ah Oo ah Inaad wax Kasta Ka Hor Marisaan Amarka Allah SWT kana Dheeraano Wax Kasta Oo Rabigeen SWT Inaga Xijaabaya waxaynu mudanahay Inaynu Guuleysano Inaynu Ka Dhex Baxno Soohdimaha Ibliiska Oo Ah Midka Doonaya Inaynaan Xidhiidh Dhab Ah La Yeelan Rabigeen SWT...

Sidee Ugu Raali noqon Inaad Rabiga Swt Awoodiisa Aadan Baran Marka Aad Leedahay
Waxaas Oo Xumaan ah Shaqo Xaraan ah Ama Danbi ah K**a Tagi Karo Ma Waxaad tuhuntay Awooda Rabigaa Inuu Yahay Mid ilbiriqsi Xaaladaada Ku badali Kara...

Hadba Inta Aad Rabiga Swt Taqaanid Awoodiisa Ayaad Talla Saranaysa Waxa Nasiib Daro Ah In Ibliis Inakaga Furay Shaki Awooda Rabigeen Dabadeed Aan U Fakarno Sida Gaalada Oo Ah Kuwa Aan Aaminsanayn Waxba Intay Ka Fakaraan Ayay Dadka Badankiis Maanta Ka Fakaraan Siday U Nool-yihiin Ayay U Noolyihiin Maxaa Yeellay Ibliiskii Hogaanka U Hayay Gaalada ayaynu Inaguna Dariiqisiisi Raacnay...

Waxad Dulmisay Naftaada Markaad Ku samirtay Dunuubta Ibliiska Iyo Raali Galinta Shaydaanka Shaqada xaraanta ah Adigoo Ku Samri Waayay Amarka Rabiga Swt Wuxu Ku Amray U degdegiisa Ka Shaqaynta Shaqo xalaal ah wuxu Kaa Reebayna Ka Dheeranshiyihiisa...Hadaad Xaaladaas Rabiga Swt Kulla Kullanto Waji Nooce Ah Ku Qaabilaynaa...

Ka Dheerow Dunuubta Aad Caadaada Ka Dhigatay Intaad Dunuubtaas Dhex Fadhiso
Ogow Waxad Naftaada Ka Xarimtay Hanuunka Iyo Naxariista Rabiga Inay Korkaaga Ahaato...

Ka Dheerow Ka Dheerow Ka Dheerow Filimaanta Gaalada ee Cawrooyinka Dumarka Qalbigaaga Dillay Aad Ibliiska xabsiga Ugu Jirto Ka Dheerow Dariiqa Allah SWT Iyo Xuskiisa Ku Hilmaamsiiyay Eed Ku xidhan Tahay ee ah Kuwa Kugu Haya Xabsiga Ibliiska Iyo Wax Kasta Oo Xun Aad Ka Daaawato Dantaaduna Kuugu Jirin. Qalbigaagana Ka Xarimay Hanuunka..

Ka Dheerow Daawashada Cawrooyinka Dumarka Oo ah Waxa Kuu Diidaya Kaana Xarimtay Inaad Rabiga Swt Adoon Dhab Ah U Noqoto...
Ka Dheerow la'aanta Iyo Dhex Boodka Raga Ajnabiga is ruxida Baraha Bulshada...qofka Doorta Nolosha Macaan ee Rabigiis Raaliga Uga Yahay Waxa Hubaala Inuu Helayo Xagiisa haduu U Hijrooda Xumaanta Ka Hijrooda Naftiisana Daahiriya Ka Hor Geeri Kadisa Ah Oo Ku Baraarujisa Adigoo Ka Indha La' Amarka Rabiga Qaadashadiisa...
Ka Dheerow Balwadaha
Ogow Waa Camal Shaydaan Uu Dadka Ku Lumiyo Intaad Waxaas Dhuuqayso Waxad Ka Mid Tahay Xisbiga Shaydaanka Naftaada Iyo Ibliis Ayaadna Adoon U tahay...Ka Dheerow Mid Kasta Oo Saaxiib Kulla Ah Oo Waxaas Aad la isticmaasho Ugana Carar Siidi libaaxa Oo Kalle Maxaa Yeellay k**a Xoroabysid Dariiqaa Hadaadan Ka Xoroobin Asxaabtiisa...

Walaalahay Aynu Ka xorayno Nafaheena Ibliiska Una Xoreyno Amarka Allah SWT Ku Noolaanshiyahiisa Wlhi Nolol Waxad Ku Noolaan Aadan Ka War Warin Kana Baqin Geerida Maxaa Yelay Korkaaga Waxa Ahaanaysa dagenaan Iyo Inaad Tahay Adoon Rabigiis Amarkiisa Ku Nool kana Dheeraaday Wax Kasta Uu Ka Reebay Una Deg-degay Wax Kasta Uu Amray Inta Awoodiisa ah Sidee Buu U war Waraa Midka Amarka Rabigiis Doortay Inuu Ku noolaado Murug Aduun Iyo Mid Akhirotoona korkiisa ma ahaanin...

Alle Swt Qalbiyadeena Haku Arsaaqo Nuurka Towbadiisa Iyo hanuunkiisa Hana Noo Fududeeyo Qaadista Dariiqiisa UU Raaliga Uga Yahay Adoomadiisa Hana Naga Dheereeyo Wax Kasta Oo Nakalla Dhex Galaya Inaga Iyo Rabigeen...

Adresse

Wien
1200

Telefon

+393512322399

Website

Benachrichtigungen

Erfahren Sie als Erste/r von Neuigkeiten und Aktionen: Wir schicken Ihnen eine E-Mail, wenn Hanuunka Alle swt Raac etwas veröffentlicht. Ihre E-Mail-Adresse wird für keinen anderen Zweck verwendet, und Sie können sich jederzeit abmelden.

Kontaktieren Sie Die Organisation

Nachricht an Hanuunka Alle swt Raac senden:

Verknüpfungen

Teilen