Feysal Geelle

Feysal Geelle Mustaqbalkaagu gacmahaaga ayuu jira. Cidna marti ugama tihid dalkaaga.🇸🇴
Kamid noqo dhalinyarada badbaadineysa dalka.🇸🇴🙌🫰

05/07/2026

Soomaaliyeey soo ma haboona inaan dhowr sano u halgano, sidii aan xoriyad dhab u qaadan lahayn.

04/07/2026

Ma jiro dal dowlad ku noqday, Sawir Sandle ah, Qudbad Sanadle ah iyo Caweys Sanadle ah.

03/07/2026

Sidee baan xornimo ugu dabaal degi karnaa, anaga oo haba yaraatee aysan jirin wax aan xor unahy.

30/06/2026

Hadii Qalbi Dhagax shalay la gatay.
Maantay Abdinasir la gatay, oo aad ka mustaan

Berrina adinka ayaa la’idin gadanayaa.

18/06/2026

SOMALIA: LABADAAN QODOB hadii la yimaadaan dhalinyarada soomaaliyeed, waxay somalia u horseedi kartaa isbadal iyo horumar waara.

18/06/2026

SOMALIA: 30 daqiiqo oo aad u qoondeysa maalin walba nadaafada magaalada aad joogto ayaa ka dhigi karta maagaalada ugu nadaafada badan ADUUNKA.

16/06/2026

Jawaab Adag ayey dowladu ka bixisay, Aqoonsii soomaaliland ee yahuuda.🫣

15/06/2026

Maxaa xiga👀.

15/06/2026

MW HASSAN SHEIKH IYO MW SHEIKH SHARIIF Kumaa ah jaas-juus dowladdo shisheeye u shaqeeya.

Garsoore Cumar Cartan waxa uu Tusaale Toolmoon uyahay, Wiilka dhalinyaradda soomaaliga ah kartidiisa, Adkeysigiisa dhiir...
09/06/2026

Garsoore Cumar Cartan waxa uu Tusaale Toolmoon uyahay, Wiilka dhalinyaradda soomaaliga ah kartidiisa, Adkeysigiisa dhiiranaantiisa iyo isku tashigiisa heerka uu gaari karo, asaga oo kasoo jeedda dalka aan dowlad lahayn.

Waxa kale ee cumar tusaale u yahay sikasta oo aad u dadaaasho, u wajahdo caqabadaha una jiirto checkpoint-yada nolosha, derbiga ugu adag ee kusoo celin doonaa inuu yahay xaaladda dalkaagu ku suganyahay.

Tiro maleh inta wiil ama gabar soomaaliyeed oo dadaaley, jiiray caqabado ay ka gudbi waayeen dhalinyaro ka soo jeedda dowladdo waaweyn oo facilaties la garab taagan dhalinyaradooda, hadana markii ay intaas oo hawl ahi ay ka gaartey, ay hor istaagey hal jumlo oo ah (We Don’t Recognise Documents From your Country).

Hadaba Sideen uga hortegi karnaa inaysan dib dambe caqabadaan oo kale u hor istaagan halgamaa soomaaliyeed?

Jawaabtu waa inaan anagu hagaajinaa dalkeena

Sodon iyo Shan sano dalkeena waxaan marti uga ahayn siyaasiga na dhaxal siiyey ciil,caro, ceeb iyo cariiri aduun.

Waxay dalkeena astaan uga dhigeen musuq maasuq,dagaal sokeeye,dowlad la’aan, Arga-gagixiso iyo jahli.

Waa inay Transformation Point noo noqotaa Ihaanada maantay ku dhacday walaalkeen Abdulkadir Artan bedeshaa jihada aan u soconey Sodon iyo Shantii sano ee lasoo dhaafay.

Maxaan sameynaa?

Si’aan u badalno jihaddii aan u soconey.

✅ waa inaan bedelnaa system-ka siyaasada ee ay hogaamiyaan odayaasha 70 jirada ah ee ku caan baxay musuq maasuqa, qabyaalada, eexda, nin jeclaysiga, arga-gixisada, iyo dagaalka sokeeye ee halka aan naalo na dhigay maantay.

✅Oo ku badalnaa system dowladeed oo ay hormuud u yihiin dhalinyaro aqoonyahano ah oo ku dhisan Sinaan, Cadaalad, Nabad, iyo shaqadda oo la isku siiyo uqalmid (Merit), ka fog qabyaalad iyo nin tooxsi.

Dhalinyaradu waa Majority marka la joogo somalia dhibka ugu badan ee dowlad la’aantu ayaga ayuu ku dhacaa ama saameeyaa, waa inaan masiirkeena gacanteena ku qabsanaa oo aanan cidna udaba fariisan maantay kadib.

Feysal Geelle>Gudoomiyaha:SOMAALI YOUTH REVOLUTION

Address

80 Bird, Street
Nairobi
2092

Telephone

+252618040123

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Feysal Geelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Feysal Geelle:

Shortcuts

Share