07/07/2026
Guddomiyaha naadiga dhalinyarada nabadda ee muqdisho mudane iyo Aas Aasaha guud ee Halgan Foundation oo booqasho rasmi ah ku tagay xarunta hal abuurka iyo xirfadaha ee Hano Academy.
Guddomiyaha Naadiga Dhalinyarada Nabadda ee muqdisho mudane zakariye ismail oo ay wehliyaan xubno ka mida mas'uuliyiinta Halgan Foundation ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta hal abuurka iyo xirfadaha ee Hano Academy iyadoo ujeedada booqashadu aheyd xoojinta iskaashiga ku aadan horumarinta dhalinyarada iyo kobcinta fursadaha waxbarasho, hal- abuur iyo xirfad-barasho.
Guddomiyaha oo aay wehliyeen mas'uuliyiinta Halgan Foundation iyo mas'uuliyiinta hano Academy ayaa yeeshay kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray doorka ee xaruuntu ka qaadato horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dhalinyarada fursado shaqo loona dhiira gelin lahaa hal-abuurka ganacsiga dhalinyarada somaliyeed.
Intii booqashadu socotay guddomiyaha ayaa kormeer ku maray qeybaha kala Duwan ee xarunta kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.
●innovation hub, oo lagu kobciyo hal-abuurka tiknoolojiyadda iyo fikradaha ganacsi ee dhalinyarada.
●employment department, oo ka shaqeysa isku xirka dhalinyarada iyo fursadaha shaqo, tababarro iyo horumarinta xirfadaha suuqa shaqada.
-miccrofinance department, oo taageerta dhalinyarada iyo ganacsatada yaryar si ay u helaan fursado shaqaale iyo maalgelin.
-TVET Center, oo bixisa tababaro, farsamo iyo xirfadaha gacanta si dhalinyaradu u helaan aqoon iyo xirfado ee ku abuuran karaan nolol maalmeed waara.
Aas aasaha guud ee Halgan Foundation Mario Hamdi Halgan Ayaa bogaadisay shaqada muhiimka ah ee aay hano Academy ka waddo horumarinta bushada gaar ahaan dhalinyarada. Gobolka banaadir waxey xustay in maalgelinta aqoonta, hal- abuurka iyo xirfaduhuba aay yihiin furaha lagu gaari karo horumar waaro, shaqo-abuur iyo xasilooni bulsho.
Sido kle marwo Hamdi waxey caddeeysay in xirfad siinta dhalinyarada gobolka banaadir aay tahay mudnaanta koobaad ee dhalinyaradda nabbadda ee muqdisho.maadaama dhalinyarada leh xifado iyo aqoon aay yihiin laf dhabarka horumarka dalka.
Waxey carabka ku adkeysay iney sii xoojin doonto
Iskaashiga ee la leedahay hay'adaha waxbarashada iyo xaruumaha hal-abuurka iyo kuwa xirfadsiinta si loo abuuro jiil karti leh oo ka qeyb qaata dib u dhiska iyo horumarka Somalia
Ugu danbeyn booqashadan ayaa ku soo
dhamaatay jawi is faham iyo is ixtiraam ku dhisan iyadoo dhinacyadu ee muujiyeen diyaar u ahaanshaha xoojinta wada shaqeynta mustaqbalka si loo balaariyo fursadaha waxbarasho, hal-abuur shaqo-abuur iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada somaliyeed.
•••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir
Email [email protected].