SEN Somali Youth

SEN Somali Youth Skills Exchange Network for Somali Youth (SEN) waa madal dhalinyaro Soomaaliyeed oo diiradda saarta horumarinta aqoonta iyo xirfadaha.

Waxay qabataa tababaro, workshops, iyo doodo cilmiyaysan si loo kobciyo garaadka, hal-abuurka iyo kartida dhalinyarada.

03/10/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN | DAARU-NAXAJ πŸŽ“

Guddoomiyaha SEN Somali Youth, Eng. Daud Salad Abdulle, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardayda ka qalin-jabisay Schoolka Daaru-Najax, isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen iyo dadaalka ay muujiyeen intii ay ku jireen safarka waxbarashada.

Eng. Daud ayaa ardayda kula dardaarmay inaysan ku ekaan heerkan, balse ay sii wataan waxbarashada, aqoontooda kobciyaan, xirfadahana horumariyaan si ay mustaqbalka ugaalin muuqata uga qaataan horumarka naftooda, qoyskooda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Hambalyo iyo bogaadin dhammaan qalin-jabiyayaasha Daaru-Najax! Guushu waa bilowga safar cusub. πŸŽ“

π‡π€πŒππ€π‹π˜πŽ 𝐈𝐘𝐎 ππŽπ†π€π€πƒπˆπ ππ€π‹πˆπ-π‰π€ππˆπ˜π€π˜π€π€π’π‡π€ 𝐃𝐀𝐀𝐑𝐔-𝐍𝐀𝐗𝐀𝐉..Guddoomiyaha SEN Somali Youth, Eng. Daud Salad Abdulle, iyo Guddoo...
01/10/2026

π‡π€πŒππ€π‹π˜πŽ 𝐈𝐘𝐎 ππŽπ†π€π€πƒπˆπ ππ€π‹πˆπ-π‰π€ππˆπ˜π€π˜π€π€π’π‡π€ 𝐃𝐀𝐀𝐑𝐔-𝐍𝐀𝐗𝐀𝐉..

Guddoomiyaha SEN Somali Youth, Eng. Daud Salad Abdulle, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Miss Istar Ali Ahmed, ayaa ka qayb galay xafladda qalin-jabinta Dufcadda 12-aad ee Dugsiga Sare iyo Dufcadda 16-aad ee Dugsiga Dhexe ee Iskuulka Daaru-Najax.

Xafladda ayaa ahayd munaasabad si heer sare ah loogu dabaaldegay guusha iyo dadaalka ardayda, iyadoo ay kasoo qayb galeen Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, maamulka sare ee Daaru-Najax, macallimiin iyo qayb ka mid ah bahda waxbarashada.

SEN Somali Youth waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay dhammaan qalin-jabiyayaasha, iyadoo ku dhiirrigelisay inay aqoontooda iyo xirfadahooda uga faa’iideeyaan naftooda, bulshadooda iyo horumarka dalka.

SEN Somali Youth waxay sidoo kale bogaadinaysaa waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka Iskuulka Daaru-Najax oo door muhiim ah ka qaatay guusha iyo horumarka ardaydan.

Hambalyo Dufcadda 12-aad & Dufcadda 16-aad β€” mustaqbalkiinnu ha noqdo mid ifaya! πŸŽ“


INTERNATIONAL DAY OF PEACE | 2026.It is a great honor to have Eng. Daud Salad Abdulle, Chairman of Skills Exchange Netwo...
21/09/2026

INTERNATIONAL DAY OF PEACE | 2026.

It is a great honor to have Eng. Daud Salad Abdulle, Chairman of Skills Exchange Network for Somali Youth (SEN Somali Youth), participate in the commemoration of the International Day of Peace. His participation highlights the importance of youth leadership, community engagement, and collective efforts in promoting peace, unity, and sustainable development in Somalia.

The event was jointly organized by Naadiga Nabada ee Mogadishu, Somali Diaspora Support, the National Youth Council of Somalia, and Somali Non-State Actors, bringing together youth leaders and civil society representatives to strengthen peacebuilding and social cohesion.

Through his participation, Eng. Daud Salad Abdulle continues to emphasize the role of youth empowerment, dialogue, and collaboration in building a peaceful, united, and prosperous Somalia.


17/09/2026
16 September 2026 | Muqdisho, SoomaaliyaHoggaanka sare iyo xubnaha SEN Somali Youth ayaa maanta kulan isbarasho iyo is-x...
16/09/2026

16 September 2026 | Muqdisho, Soomaaliya

Hoggaanka sare iyo xubnaha SEN Somali Youth ayaa maanta kulan isbarasho iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha.

Kulanka ayaa fursad u ahaaa SEN Somali Youth inay si faahfaahsan u soo bandhigto howlaha iyo dadaallada ay shabakadu u hayso dhalinyarada, iyo kaalinta ay kaga qaadanayso horumarinta bulshada.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii SEN Somali Youth ay uga qaybqaadan lahayd howlaha qaran, iyadoo xoogga la saaray fursadaha wada shaqaynta, ka qaybgalka dhalinyarada iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi wax-ku-ool ah.

Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhinaciisa muujiyay diyaar garow ku aaddan taageeridda iyo xoojinta xiriirka, waxaana uu ballanqaaday in uu garab istaagi doono dadaallada iyo qorshayaasha SEN Somali Youth ee la xiriira horumarinta dhalinyarada.

SEN Somali Youth waxay uga mahadcelinaysaa Guddoomiyaha soo dhaweynta iyo waqtiga uu siiyay, iyadoo rajaynaysa in isbarashadan ay noqoto bilowga xiriir iyo wada shaqayn joogto ah oo miro-dhal ah.

EMPOWERING YOUTH ORGANIZATIONS FOR SAFE MIGRATION & COMMUNITY AWARENESSSenior leadership members of the Somali Youth Ret...
16/09/2026

EMPOWERING YOUTH ORGANIZATIONS FOR SAFE MIGRATION & COMMUNITY AWARENESS

Senior leadership members of the Somali Youth Returnees Network (SEN Somali Youth) participated in an important awareness seminar titled β€œEmpowering Youth Organizations for Safe Migration and Community Awareness.”

The seminar was organized by Trevesom Organisation and brought together senior organizational leaders, youth representatives, leaders of youth-led organizations, and Hon. Abdikafi Mohamud Makaraan, Chairperson of the National Youth Council of Somalia, alongside other key stakeholders committed to youth development and community awareness.

Hon. Abdikafi Mohamud Makaraan’s participation highlighted the important role of national youth leadership in strengthening awareness, encouraging informed decision-making, and supporting initiatives that address migration-related challenges affecting Somali youth.

The session focused on raising awareness about the risks and challenges associated with irregular migration, promoting informed and responsible choices, and strengthening the capacity of youth organizations to contribute to community-based awareness and prevention efforts.

Through meaningful discussions, knowledge-sharing, and stakeholder engagement, the seminar provided a valuable platform for youth leaders and organizations to exchange perspectives, strengthen collaboration, and advance collective efforts toward safer migration and greater community awareness.

13/09/2026

EMPOWERING YOUTH ORGANIZATIONS FOR SAFE MIGRATION & COMMUNITY AWARENESS

It is a great honor to have Eng. Daud Salaad Abdulle, Chairman of Skills Exchange Network for Somali Youth (SEN), join us in this important training.

His leadership and commitment to youth empowerment highlight the vital role of knowledge, mentorship, and informed guidance in helping young people make safer, responsible, and informed decisions about their future.

The training focuses on raising awareness about irregular migration, its risks and challenges, while equipping youth organizations with practical knowledge and effective approaches to educate and guide young people toward safer choices, meaningful opportunities, and positive pathways.

Through meaningful discussions, knowledge sharing, and community engagement, the training aims to strengthen youth organizations in promoting safe migration, youth empowerment, and community awareness.

Together, we can protect young lives, expand opportunities, and build informed, responsible, and resilient communities.

Muqdisho | 8 Sebtembar 2026Guddoomiye Ku-xigeenka Shabakadda SEN Somali Youth, ayaa maanta ka qaybgashay ADHD Awareness ...
08/09/2026

Muqdisho | 8 Sebtembar 2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Shabakadda SEN Somali Youth, ayaa maanta ka qaybgashay ADHD Awareness & Advocacy Training, oo lagu qabtay Xarunta Dhaxal-reeb ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa isu keentay dhalinyaro iyo xubno ka kala socday bulshada rayidka ah, waxaana halkaas lagu wadaagay aqoon iyo faham ku saabsan ADHD (Attention-Deficit/Hyperactivity Disorder) iyo caqabadaha la xiriira xaaladdan.

Intii uu socday kulanka, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan baahida loo qabo wacyigelin dheeraad ah, faham sax ah iyo taageero ku habboon dadka la nool ADHD iyo qoysaskooda.

SEN Somali Youth waxay ku faraxsan tahay ka qaybgalka fursadaha noocan ah ee dhalinyarada u abuuraya aqoon, faham iyo aragti cusub oo ku saabsan arrimaha bulshada.

Tababarka waxaa iska kaashaday Somali ADHD Foundation (SAF) iyo Somali Health Events and Seminars (SHES).

26/08/2026



SEN Somali Youth & Somali Youth Returnee Network waxay si wadajir ah u qabteen tababbar lagu xoojinayay xirfadaha, aqoonta, wacyigelinta, awood-siinta iyo dib-u-dhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed iyaddoo si gaar ah diiradda loogu saaray wacyigalinta iyo ka hortaga arimaha tahriibka iyo dhibaatooyinkiisa.

Tababarka waxaa soo jeedinayay Eng. Baashir Hassan Mohamed oo kamid ah hogaanka sare ee Somali Youth Returnee Network, iyadoo si gaar ah dhalinyarada lagu dhiirrigeliyay inay noqdaan kuwo aqoon iyo xirfad leh,bulshadana hormuud ka noqda.

Tababbarka waxaa kasoo qayb galay hoggaanka sare ee ururadda bulshada rayidka,gudoonada hogaanka ururrada iyo Naadiyada jamacadaha iyo aqoonyahano kale oo xiisaysa arimaha bulshada iyadoo si gaar ah loogu qabtay tababbarka xarunta jamacada Somalli International University SIU.




𝐆𝐔𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃 β€” π“π‘π€πˆππˆππ†: π„πŒππŽπ–π„π‘πˆππ† π’πŽπŒπ€π‹πˆ π˜πŽπ”π“π‡ π“π‡π‘πŽπ”π†π‡ π’πŠπˆπ‹π‹π’, πŠππŽπ–π‹π„πƒπ†π„ 𝐀𝐍𝐃 π‘π„πˆππ“π„π†π‘π€π“πˆπŽπ.SEN Somali Youth iyo Somali You...
24/08/2026

𝐆𝐔𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃 β€” π“π‘π€πˆππˆππ†: π„πŒππŽπ–π„π‘πˆππ† π’πŽπŒπ€π‹πˆ π˜πŽπ”π“π‡ π“π‡π‘πŽπ”π†π‡ π’πŠπˆπ‹π‹π’, πŠππŽπ–π‹π„πƒπ†π„ 𝐀𝐍𝐃 π‘π„πˆππ“π„π†π‘π€π“πˆπŽπ.

SEN Somali Youth iyo Somali Youth Returnee Network ayaa si wadajir ah u qabtay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saaray xirfadaha, aqoonta, wacyigelinta, awood-siinta iyo dib-u-dhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Tababarka oo lagu qabtay xarunta SIU University, waxaa ka qayb galay ururrada dhalinyarada, aqoonyahanno, hal-doorro bulsho iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo si firfircoon uga qayb qaatay doodaha, aqoon-is-weydaarsiyada iyo is-dhaafsiga fikradaha.

Tababarka waxaa sidoo kale qayb muhiim ah ka ahaa wacyigelinta dhalinyarada, iyadoo lagu baraarujiyay muhiimadda ay leedahay helitaanka aqoon, xirfado iyo fursado wax-ku-ool ah, iyo sidii dhalinyaradu si wanaagsan uga qayb qaadan lahaayeen horumarka iyo dib-u-dhiska bulshada.

Tababarkan waxaa si aqoon iyo khibrad leh u jeediyay Eng. Baashir Hassan Mohamed, Aasaasaha Somali Youth Returnee Network, isagoo xoogga saaray muhiimadda awood-siinta iyo kobcinta doorka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyaro xirfad leh, aqoon leh, wacyi leh, bulsho dhista, mustaqbalna hoggaamisa.

Address

Mogadishu

Telephone

+252617107798

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SEN Somali Youth posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SEN Somali Youth:

Shortcuts

Share