23/02/2026
Toronto Developmental Association of Youth (TODAY) – Qeybta Soomaaliya
Ururka TODAY waa urur u taagan horumarinta dhalinyarada, isaga oo diiradda saaraya in la fahansiiyo dhaqankeena suuban iyo diinteena Islaamka, lana kobciyo aqoontooda, akhlaaqdooda iyo kartidooda hoggaamineed.
Qeybta Soomaaliya waxaa loo aas aasay si ay u noqoto hoy mideeya dhalinyarada, una abuurta jawi ay ku horumaraan maskax ahaan iyo jir ahaanba, isla markaana ay uga fogaadaan waxyaabaha waxyeelada leh.
Hawlaha iyo Himilada
Wacyigelin ku saabsan dhaqan, diinta iyo midnimada bulshada
Qabanqaabinta tartamo iyo madadaalo waxbarasho leh
Taageeridda dhalinyarada leh baahiyaha gaarka ah
Dhisidda jiil leh akhlaaq, aqoon iyo karti
Bilow Wanaagsan – Goalball League
Markii ugu h**eysay ee la furay qeybta Soomaaliya, ururku wuxuu qabtay tartanka Goalball League, oo ay ciyaaraan dadka aragga la’. Tani waa tallaabo sharaf leh oo muujinaysa in ururku uu garab taagan yahay dhammaan bulshada, gaar ahaan dadka leh baahiyaha gaarka ah.
Waxay ahayd bilow rajo leh, muujinaya in TODAY Somalia aysan ku koobneyn hadal oo kaliya, balse ay ficil ku muujisay adeeg iyo horumar.