Xafiiska Warfaafinta Degmada Dhudhub Ee Gobolka Karkaar

Xafiiska Warfaafinta Degmada Dhudhub Ee Gobolka Karkaar HORMAR - CADAALAD - MIDNIMO

Guddoomiyaha Degmada Dhudhub, Mudane Sakariye Cabdullaahi Faarax, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xil wareejinta G...
04/04/2026

Guddoomiyaha Degmada Dhudhub, Mudane Sakariye Cabdullaahi Faarax, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xil wareejinta Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Karkaar, Mudane Cabdi Siciid Cismaan, iyo Guddoomiyaha cusub, Mudane Cabdullaahi Ismaaciil Cismaan.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah uga mahadceliyay Guddoomiyihii h**e juhdiga iyo hawsha muuqata ee uu usoo qabtay gobolka intii uu xilka hayay, isaga oo tilmaamay in uu ka tegay taariikh iyo raad wanaagsan oo lagu xasuusan doono.

Dhanka kale, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub, isaga oo Alle uga baryay inuu u sahlo gudashada masuuliyadda loo igmaday, kana dhigo mid horumar muuqda u horseeda bulshada Gobolka Karkaar.

 : Guddiga Abaaraha Degmada Dhudhub ayaa si rasmi ah uga bilaabay gurmad biyo-dhaan ah deegaanadda kala ah Durdura, Dhar...
24/02/2026

: Guddiga Abaaraha Degmada Dhudhub ayaa si rasmi ah uga bilaabay gurmad biyo-dhaan ah deegaanadda kala ah Durdura, Dharinbaar, iyo Dabqax, si wax looga qabto baahida biyo la’aaneed ee ka jirta deegaannada ay abaartu sida ba’an u saameysay.

20/08/2025

Khudbadda Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 2-aad ee wax soo saarka Kalluumaysiga iyo Maamul Baahinta Xeebaha

 :Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Xuseen Cali M...
10/08/2025

:Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay wehelinayeen Xildhibaan Maxamuud Cali Gooni, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiyada Puntland Maxamed Siciid Hogaamo, iyo nabadoonada gobolka karkaar, ayaa safar shaqo ku tegay degmada Dhudhub iyo deegaanka Dhuudo, si xal looga gaaro shaqaaqo dhawaan halkaas ka dhacday

Intii ay booqashada ku jireen, ayaa wada-hadal miro dhal ah lagu qabtay Dagmada Dhudhub iyo Deeganka Dhuudo, kaas oo ay ka qayb galeen dadka deegaanka, nabadoonada Gobolka karkaar iyo maamulka dowladda. Dhammaan dhinacyadu waxay isla qaateen in si wadajir ah amniga looga wada shaqeeyo.

Guddoomiyaha gollaha deegaanka ahna Duqa Degmada Dhudhub oo Hambalyo u diray Shacabka PuntlandGuddoomiyaha Degmada Dhudh...
01/08/2025

Guddoomiyaha gollaha deegaanka ahna Duqa Degmada Dhudhub oo Hambalyo u diray Shacabka Puntland

Guddoomiyaha Degmada Dhudhub Sakariye Cabdullahi Faarax ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka reer Puntland, gaar ahaan bulshada sharafta leh ee Degmada Dhudhub, munaasabadda sanad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Dowladda Puntland.

Guddoomiyuhu wuxuu shacabka reer Puntland ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ku aaddan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska, isaga oo Alle uga baryey in sanadguuradani ay noqoto mid kheyr, midnimo iyo guulo hor leh u horseedda Puntland.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa si gaara hambalyo ugu diray Ciidamada geesiyaasha ah ee difaaca kaga jira Buuraha Gobolka Bari isaga oo bulshada ugu baaqay in markasta garab siiyaan ciidanka gacana ka geystaan Amniga.

Garoowe: 30 June 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane  Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigee...
30/06/2025

Garoowe: 30 June 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada, Taliyeyaasha qaybaha ee Gobollada, iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay Amniga, Horumarka iyo Maamul-daadejinta.

CIID WANAAGSAN
30/03/2025

CIID WANAAGSAN

10/03/2025

Maamulka Gobolka Karkaar iyo Kan Degmada Dhudhub Ayaa guddiga taakulaynta ciidanka difaaca Dawlada Puntland ku wareejiyey 130 raashina 100 neef oo Ari ah iyo 10 neef oo geela.

10/03/2025

Warbixin: Degmada Dhudhub ee Gobalka karkaar ayaa Gudigga taakuleenta Ciidamada Difaacada dowladda Puntland ee Gobolka karkaar ku wareejiyay Tiro ari ah, toban neef oo geel ah iyo gaari raashin ah.

10/03/2025

Hadal jeedinta Abwaanad Xaliimo Axmed ee Munaasibadda wareejinta taakulada Ciidanka Difaaca Dowlada Puntland.

 : Dagamda dhudhub ee Gobalka karkaar ayaa Gudigga taakuleenta Ciidamada Difaacada dowladda Puntland ee Gobolka karkaar ...
10/03/2025

: Dagamda dhudhub ee Gobalka karkaar ayaa Gudigga taakuleenta Ciidamada Difaacada dowladda Puntland ee Gobolka karkaar ku wareejiyay Tiro ari ah, toban neef oo geel ah iyo gaari raashin ah, taakuladaan ayaa ahayd mid degmadda dhudhub ay ku garab istagayeen ciidamada difaacada dowladda Puntland.

08/03/2025

Hadal jeedinta nabadoon Siciid Warsame Cali ee Munaasibadda wareejinta taakulada Garab istaaga Ciidanka Difaaca Dowlada Puntland.

Address

Dhudhub
Qardho
KARKAARREGION

Telephone

+252907273936

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Warfaafinta Degmada Dhudhub Ee Gobolka Karkaar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska Warfaafinta Degmada Dhudhub Ee Gobolka Karkaar:

Share