Ururka Horumarinta iyo Hal-Abuurka G.Nugaal

Ururka Horumarinta iyo Hal-Abuurka G.Nugaal Bogga Rasmiga ah ee Ururka hormarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal.

Permanently closed.
URURKA HORUMARINTA IYO HAL-ABUURKA GOBOLKA NUGAALGUDDIGA BOORKAGarowe, Gobolka NugaalTaariikh: 12/10/2025Lambarka: _____...
12/10/2025

URURKA HORUMARINTA IYO HAL-ABUURKA GOBOLKA NUGAAL
GUDDIGA BOORKA
Garowe, Gobolka Nugaal
Taariikh: 12/10/2025
Lambarka: _____

Ku: Xubnaha Guddiga Boorka Ururka Horumarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal
Og:

Guddiga Fulinta

Xoghaynta Guud ee Ururka

Ujeeddo: Xilkaqaadis

Anigoo ah Rooble Abshir Nuuriye, Guddoomiyaha Guddiga Boorka Ururka Horumarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal, anigoo tixraacaya xeer-hoosaadka ururka iyo awoodaha uu leeyahay guddiga boorka, waxaan go’aansaday in xilkii laga qaado xubnaha hoos ku xusan:

1. Ahmed Warsame Nuur (Horeeye)

2. Abdikaafi Mohamud Ahmed

3. Mohamed Abdi Ciise

Go’aankan wuxuu dhaqan galayaa laga bilaabo taariikhda warqaddan.
Guddiga Boorka wuxuu u mahadcelinayaa xubnahaas shaqadii ay soo qabteen iyo waqtiyadii ay la soo shaqeeyeen ururka, wuxuuna u rajaynayaa guul iyo horumar mustaqbalka.

Waxaa la farayaa xoghaynta guud ee ururka inay diiwaangeliso go’aankan, laguna wargeliyo dhammaan laamaha iyo xubnaha ururka.

Waxaa soo saaray:

Rooble Abshir Nuuriye
Guddoomiyaha Guddiga Boorka
Taariikh: 12/10/2025

19/03/2025

Garowe 19/March/2025
Ururka Hormarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal iyo
barnaamijkii ( Yaan Afurin من لم يفطر ) oo maalintiisii labaad galay .

DHAMMAAD.

18/03/2025

Garowe 18/March/2025
Ururka hormarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal ayaa galabta Daah-Furay barnaamijka ( Yaan Afurin من لم يفطر ) oo loogu talo galay in lagu afuriyo dadka masaakiinta ah ee aan awoodin in ay afuraan .

DHAMMAAD.

Xubnaha golaha fulinta ee Ururka hormarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal.
04/03/2025

Xubnaha golaha fulinta ee Ururka hormarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal.

Ramadan wanaagsan dhammaan Ummadda Islaamka ah ilaahay Nabad qab iyo Caafimaad ha inoogu dhameeyo .
28/02/2025

Ramadan wanaagsan dhammaan Ummadda Islaamka ah ilaahay Nabad qab iyo Caafimaad ha inoogu dhameeyo .

11/02/2025

Garowe : 11 February 2025 : xubnaha Board-ka ee Ururka hormarinta iyo Hal-abuurka Gobolka Nugaal ayaa caawo xarunta Ururka ku yeeshay shir looga arisanayay dardargalinta howlaha hor tabinta u leh Ururka, iyo Ansixinta Qorshaha Sanadka 2025-2026 .

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Taageridda iyo Garab istaaga ciidamada difaaca puntland ee dagaalka kula Jira Argagaxisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmadow iyo Cal-miskeed .

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA URURKA HORMARINTA IYO HAL-ABUURKA GOBOLKA NUGAAL .

Address

Nugaal

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Horumarinta iyo Hal-Abuurka G.Nugaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share