Iftiinka Gobolka Mudug

Iftiinka Gobolka Mudug Mudug way dhismeysaa
Taariikhduna way dhigmeysaa

Bahda Iftiinka Gobolka Mudug waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Abdinaafic Maxamed Cali, oo ah xubin ka mid ah ururk...
24/01/2026

Bahda Iftiinka Gobolka Mudug waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Abdinaafic Maxamed Cali, oo ah xubin ka mid ah ururka, kaas oo loo magacaabay Xoghayaha Daladda Ururrada Dhalinyarada Gobolka Mudug (DUDMUDUG).

Ururku wuxuu u rajaynayaa guul, horumar iyo inuu Alle ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo rajaynaya inuu wax badan ku soo kordhiyo horumarinta iyo midnimada dhalinyarada Gobolka Mudug.

Bahda Iftiinka Gobolka Mudug waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Muhiyadiin Cabdirisaaq Ilguuye, oo ah xubin ka ti...
19/12/2025

Bahda Iftiinka Gobolka Mudug waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dr. Muhiyadiin Cabdirisaaq Ilguuye, oo ah xubin ka tirsan ururka, kadib markii uu si guul leh u soo af-meeray Heerka Koowaad ee Jaamacadda.

Ururku wuxuu u rajeynayaa mustaqbal ifaya iyo horumar joogto ah, waxaana ku dhiirrigelinaynaa in uu halkaas ka sii wado dadaalka, kartida iyo himilada uu leeyahay, si uu uga miro dhaliyo yoolalkiisa aqooneed iyo kuwa bulsho.

🎓✨ Hambalyo Mudane Dr. Muhiyadiin ✨🎓

Ku dhawaaqista Xubnaha Golaha Fulinta Iftiinka Gobolka Mudug
17/11/2025

Ku dhawaaqista Xubnaha Golaha Fulinta Iftiinka Gobolka Mudug

14/11/2025

Hadal jeedintii Guddoonka waxbarashada gobolka mudug

12/11/2025

Gudoomiyaha Golaha Sare ee Iftiinka Gobolka Mudug Abdiraxmaan osmaan Samriye oo ka qayb galay Xuska Todobaadka nabadda Gaalkacyo 2025.

12/11/2025

Daahir Yuusuf oo kamida xubnaha ururka Iftiinka Gobolka Mudug ayaa ka qaybgalay Xuska Todobaadka nabadda Gaalkacyo 2025

11/11/2025

Dalmar Ciise Axmed, oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Sare ee Iftiinka Gobolka Mudug, ayaa munaasabadda ka jeediyay kalmad dhiirrigelin iyo bogaadin ah.

Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu ay hormuud ka noqdaan ilaalinta deegaanka iyo ka falcelinta isbeddelka cimilada, isagoo ku adkeeyay in aqoonta iyo xirfadaha la helay aysan ku ekaan ka qaybgalka tababarka, balse loo gudbiyo bulshada si loo gaaro isbeddel waara.

Dalmar waxa uu sidoo kale u mahadceliyay qabsoomiyeyaasha tababarka, Dalada Dudmudug, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, iyo UNICEF, isagoo tilmaamay in iskaashiga noocan ahi uu yahay mid wax ku ool ah oo dhallinyarada door muuqda siinaya mustaqbalka deegaanka.

 : Xubno ka tirsan Dhalinyarada Iftiinka Gobolka Mudug ayaa ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka tababar soconayay muddo...
11/11/2025

: Xubno ka tirsan Dhalinyarada Iftiinka Gobolka Mudug ayaa ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka tababar soconayay muddo bil ah, tababarkaas oo diiradda lagu saaray isbeddelka cimilada, sida loola qabsado xaalufka deegaanka, kor u qaadista xirfadaha cagaarinta iyo kaalinta dhalinyarada ee ka falcelinta caqabadaha deegaanka.

Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyay Dalada Dhalinyarada Gobolka Mudug iyagoo kaashanaya Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo Hay’adda UNICEF, waxaana si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in la xoojiyo fahamka dhalinyarada ee ku saabsan saameynta isbeddelka cimilada, isla markaasna lagu tababaro hababka dhaqancelinta deegaanka, ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah, iyo sidii dhalinyarada ay door muuqda uga qaadan lahaayeen dadaallada lagu yareynayo khataraha deegaanka.

09/11/2025

Hadal jeedintii Guddoomiye Jafar Yusuf Abdalla

08/11/2025

Hadal jeedintii Amina Abdisalan Abdille ( Qaranjoog )

Gudoomiyaha Golaha-fulinta Iftiinka Gobolka Mudug Mudane Abdiqaadir Yaasiin Abdulle waxaa loo kordhiyay xilka mudo sanad...
08/11/2025

Gudoomiyaha Golaha-fulinta Iftiinka Gobolka Mudug Mudane Abdiqaadir Yaasiin Abdulle waxaa loo kordhiyay xilka mudo sanad ah oo ka bilaamaysa 08 Nov 2025.

  Gudoomiyaha golaha sare ee Ururka Iftiinka Gobolka Mudug Abdiraxmaan Othman Hirsi oo ka qaybgalay doorashada Gudoonka ...
07/11/2025

Gudoomiyaha golaha sare ee Ururka Iftiinka Gobolka Mudug Abdiraxmaan Othman Hirsi oo ka qaybgalay doorashada Gudoonka Ururka ardayda jaamacadda Bariga Africa faraceeda Gaalkacyo

Address

Gaalkacyo
Mudug

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iftiinka Gobolka Mudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Iftiinka Gobolka Mudug:

Share