SCDO

SCDO The Somali Child Diabetes Organisation (SCDO) was founded in 2025 and is based in Mogadishu.

We are the first and only non-profit Organisation in Somalia dedicated exclusively to supporting children living with diabetes Type 1.

29/04/2026

Ururka Daryeelka Caruurta Sonkorta Qabta (SCDO)
Warbixinta Bisha – Abriil 2026
Intii lagu guda jiray bishii Abriil 2026, Ururka Somali Childhood Diabetes wuxuu sii waday dadaalladiisa ku aaddan taageeridda carruurta la nool cudurka sonkorowga ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Bisha Abriil 2026, waxaan aqoonsannay oo aan taageernay 6 carruur oo cusub, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 13 sano jir. Dhammaan carruurtan waxaa cudurkooda la ogaaday kaddib markii ay la kulmeen xaalado aad u daran, gaar ahaan miir beel (loss of consciousness) iyo xaaladda Diabetic Ketoacidosis (DKA), taas oo muujinaysa in xanuunka caruurtan la ogaado keliya marka uu soo rito oo ay galaan xaalad halis ah.
Caqabadaha Muhiimka ah ee Aan Ogaaney
Mudadan gudaheeda, waxaa la arkay saddex caqabadood oo waaweyn:
1. Wacyigelin La’aan Waalidiinta Dhexdooda
Waalidiin aan la kulaney intooda badan ma laha wacyi gelin ku filan iyo aqoon ku saabsan cudurka sonkorowga, taasoo keenta in cudurka si qarsoon oo aan lala socon caruurta u waxyeeleeyo geliyana caruurta xaalado degdeg ah.
2. Dhaqaale xumo baahsan.
Qoysas badan ma awoodaan inay daboolaan kharashaadka daryeelka sonkorowga, oo ay ka mid yihiin:
o Insulin
o Qalabka lagu cabbiro sonkorta (glucose monitoring devices)
o Cirbadaha
3. Dabagal La’aan (Follow-Up Care)
Marka carruurta laga saaro qaybta ICU, ma jiro nidaam dabagal oo habeysan. Tani waxay keentaa dayeel la´aan sababi karta khatarada caafimaad ee caruurta in ay sii kordhaan.
________________________________________
Taageerada Caafimaad iyo Waxqabadka
Bishii Abriil, waxaan taageernay 6 carruur ah, qaar ka mid ahna xaaladdoodu aad bay u liidatay.
Waxaan wada shaqeyn la leenahay Isbitaalka OASIS, kaas oo carruurtan siiya baaritaanno bilaash ah. Baaritaanada Isbitaal OASIS cunug walba u sameeyo marka ugu horreeya ee na soo booqdo waxey kala yihiin :
• HbA1c
• CBC
• Creatinine
• Urine Analysis
• Vitamin B12
Intaa waxaa dheer, ururkeenna SCDO wuxuu siiyay carruurta taageeradan bilaashka ah:
• Insulin
• Cirbado
• Qalabka lagu cabbiro sonkorta
• Wacyigelin iyo waxbarasho ku saabsan sonkorowga oo loogu talagalay qoysaska
________________________________________
Wacyigelin iyo Ka-qaybgalka Bulshada
Waxaan ogaanay in daryeelka caafimaad ee aan siino carruurta uu u baahan yahay in uu la jaanqaado—ama xitaa ka ballaarnaado—dadaallada wacyigelinta. Cudurka sonkorowga ee carruurta waxaa si weyn u saameeya wacyigelin la’aan baahsan oo ka jirta bulshada.
Sidaa darteed, bisha May 2026, waxaan qorsheynaynaa inaan bilowno olole wacyigelin ballaaran oo ku saabsan sonkorowga carruurta. Ololahan waxaa lagu fulin doonaa iyadoo lala kaashanayo idaacadaha maxalliga ah iyo baraha bulshada, si loo wacyigeliyo qoysaska, loo kordhiyo ogaanshaha h**e, loona yareeyo xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, waxaan qaban doonnaa barnaamijyo wacyigelin ah oo ka dhici doona 6 iskuul oo ku yaal magaalada Muqdisho.
________________________________________
Gunaanad
Kororka kiisaska daran wuxuu muujinayaa baahida degdegga ah ee loo qabo:
• Wacyigelin bulsho
• Helitaanka daaweyn joogta ah
• Nidaamyo dabagal oo habeysan ee caruurta
Ururka Somali Childhood Diabetes waxaa ka go´an inuu wax ka qabto caqabadahan isla markaana uu horumariyo nolosha carruurta la nool sonkorowga.
Nagala soo xariir :
[email protected]
Phone Us: +252(616)080069 /0616080076

29/04/2026

Somali Childhood Diabetes Organization
Monthly Report – April 2026
During the month of April 2026, Somali Childhood Diabetes Organization continued its efforts to support children living with diabetes in Somalia.
This month, we identified and supported 6 newly diagnosed children, aged between 5 and 13 years old. All of these children were diagnosed only after experiencing severe complications, specifically loss of consciousness and Diabetic Ketoacidosis (DKA), highlighting the critical gaps in early detection.
Key Challenges Identified
During this period, three major challenges were observed:
1. Lack of Awareness Among Parents
Many parents have limited knowledge and awareness about diabetes, leading to delayed diagnosis and emergency conditions.
2. Financial Constraints
Most families are unable to afford essential diabetes care, including:
o Insulin
o Glucose monitoring devices
o Syringes
3. Lack of Follow-Up Care
After children are discharged from ICU, there is no structured follow-up system in place. This results in poor ongoing care and increased health risks.
________________________________________
Medical Support and Interventions
In April, we supported 6 children, some of them were in critical condition.
We are working in collaboration with OASIS Hospital, which provides free diagnostic testing for these children. The following tests were conducted at no cost:
• HbA1c
• CBC
• Creatinine
• Urine Analysis
• Vitamin B12
In addition, our organization provided the following free support to all children:
• Insulin supply
• Syringes
• Glucose monitoring devices
• Diabetes education and awareness for families
________________________________________
Awareness and Community Engagement
We have observed that the healthcare support we provide to children must be matched—if not exceeded—by strong awareness efforts. Childhood diabetes in our community is significantly affected by a serious lack of awareness.
For this reason, in May 2026, we are planning to launch a large-scale awareness campaign on childhood diabetes. This campaign will be conducted in collaboration with local radio stations and social media platforms, aiming to educate families, improve early detection, and reduce emergency cases.
Additionally, we will conduct awareness sessions in 6 schools in Mogadishu as part of this initiative.
________________________________________
Conclusion
The increasing number of severe cases highlights the urgent need for:
• Public awareness
• Affordable access to treatment
• Structured follow-up care systems
Somali Childhood Diabetes Organization remains committed to addressing these challenges and improving the lives of children living with diabetes.
________________________________________

Contact us :
[email protected]
Phone : +252(616)080069/ 0616080076

18/03/2026

Ma ku nooshahay Muqdisho ?. Ma leedahay carruur la nool cudurka macaanka (diabetes)?

Fadlan nala soo xiriir WhatsApp: 0616080076.

Ururkeenna wuxuu taageero iyo wacyigelin siinayaa carruurta qaba macaanka iyo qoysaskooda.
Waxaan si wadajir ah ugu shaqeyn karnaa inaan jebinno caqabadaha hortaagan daryeelka macaanka ee deegaankeena.

Nala soo xiriir maanta si aad u hesho taageero iyo macluumaad dheeraad ah.
Faahfaahin dheeri ah booqo boggeena website-ka

18/03/2026

Ku soo dhawoow Ururka Daryeela Caruurta Soomaaliyeed ee Macaanka la Nool (SCDO)!
Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin soo bandhigno hay’addii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo u heellan daryeelka iyo taageerida carruurta Soomaaliyeed ee qaba xanuunka macaanka qaybtiisa 1-aad (Diabetes Type 1).
Ujeedada ama hadafka SCDO waa mid fudud laakiin aad muhiim u ah:
1- Waxaanu caawinaa caruurta qabta cudurka Sonkorta si ay u helaan daryeel caafimaad joogta ah.

2- Wacyigelin joogta ah ayaan siinaa carruurta la nool macaanka iyo qoysaskooda.
Howlaha muhiimka ee aan qabano:
• Waxeynu bixinaa daawada insulinta oo bilaash ah .
• Waxeynu bixinaa barnaamijyo waxbarasho oo loogu talagalay carruurta, waalidiinta, iyo iskuulada.
• Sidoo kale waxeynu bixinaa barnaamijyo wacyogelin ah si bulshada ay u fahmaan xanuunka Macaanka Nooca 1 (Type 1 Diabetes)
Nagala soco boggan si aad ula socotid wax qabadkeenna, talooyinka caafimaadka, iyo fursadaha aad nagula qayb qaadan karto howlaha aan caruurta Soomaaliyeed u hayno.
Waxaad nagu soo booqan kartaa guaha Isbitaalka OASIS HOSPITAL ee magaalada Muqdisho.
Mahadsanidiin.

18/03/2026

Welcome to the Somali Child Diabetes Organisation!

We are proud to introduce Somalia’s first charity dedicated to childhood diabetes.
At Somali Child Diabetes Organisation (SCDO), our mission is simple but vital:
To support, educate, and advocate for children living with diabetes and their families across Somalia.
What we do:
• Provide access to essential medical care and insulin
• Offer educational programs to children, parents, and schools
• Raise awareness about Type 1 Diabetes in our communities
• Train health workers and support local healthcare systems
We believe every child deserves a healthy, hopeful future — no matter where they are born.
Follow us for updates, success stories, health tips, and ways to get involved.
Thanks.
SCDO

18/03/2026

Baro sida Loo Daryeelo Ilmo Qaba Sonkorowga Nooca 1 (Type 1 Diabetes)

Daryeelka ilmo qaba sonkorowga nooca 1 ( Diabetes Type 1) wuxuu u baahan yahay in la caawiyo si uu u ilaaliyo heerka sonkorta dhiigga (glucose) isagoo isku dheelli-tiraya insulinta, cunto nafaqo leh, jimicsi, iyo kormeer joogto ah.
Halkan waxaa ku qoran hagitaan dhammeystiran:

Qodobbada Muhiimka ah ee Daryeelka Maalinlaha ah
1. Maareynta Insulinta
• Noocyada Insulinta:
• Mid waqti dheer shaqeysa (basal)
• Mid degdeg ah (bolus)
• Hababka Lagu Siiyo:
• Irbado (syringe ama qalinka insulin)
• Mashiinka insulin (insulin pump)
• Qiyaasta Insulinta:
• Waxay ku xiran tahay inta karbohaydrayt la cunay, heerka sonkorta dhiigga, iyo heerka dhaqdhaqaaqa ama jimicsiga ilmuhu ay sameeyeen .
• Waxaa loo baahan yahay in mararka qaar la beddelo qiyaasta insulinta hadba waxey ku xiran tahay sida heerka sonkorta dhiigga yahay.

2. Kormeer iyo la socod sonkorta dhiiga oo joogta ah.
• Baaritaanka dhiigga faraha (maalin dhowr jeer)
• Qalabka CGM (Continuous Glucose Monitor) – oo bixiya xog waqtiga-dhabta ah.
• Heerarka La Doonayo :
• Badanaa: 80–130 mg/dL (4.4 - 7.2 mmol/L) ka hor cuntada
• Ka yar 180 mg/dL (10 mmol/L) ka dib cuntada (waxaa laga yaabaa inuu qof walba qofka kale ka duwanaado).
3. Nafaqada & Qorshaynta Cuntada
• Tirinta Karbohaydrayt-ka:
• Baro ilmaha inuu qiyaaso inta karbohaydrayt ku jirta cuntada si insulin loogu waafajiyo.
• Cunto Caafimaad Leh:
• Cunto isku dheelli tiran oo ay ku jiraan khudrad, badarka aan la sifeynin, hilib aan baruur lahayn, iyo dufan caafimaad leh.
• Yaree cabitaannada sonkorta leh iyo nacnaca badan.
• Cunto fudud:
• Had iyo jeer hayso cunto caafimaad leh si looga hortago ama loogu daaweeyo sonkor-hoos u dhac (hypoglycemia).
4. Jimicsi & Dhaqdhaqaaq Jireed
• Jimicsiga joogtada ah wuxuu caawiyaa xakamaynta sonkorta dhiigga.
• Ka hor jimicsiga:
• Hubi sonkorta dhiigga.
• Haddii hoos u dhac laga filayo, sii cunto fudud.
• Kormeer calaamadaha sonkor-hoos u dhaca inta lagu jiro iyo ka dib jimicsiga.

Maareynta Hypoglycemia (Sonkor-hoos u dhac)
Calaamadaha:
• Dhidid, gariir, wareer, xanaaq, jahawareer, garaaca wadnaha oo degdeg ah.
Waxa La Sameeyo:
• Sii 15 garaam oo karbohaydrayt degdeg ah (sida casiirka ama kiniinnada glucose).
• Dib u hubi 15 daqiiqo gudahood. Haddii ay weli hooseyso, ku celi.

SCDO
Mahadsinid

Address

Visit Us Inside OASIS Hospital
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:30 - 16:00
Tuesday 09:30 - 16:00
Wednesday 09:30 - 16:00
Saturday 09:30 - 16:00
Sunday 09:30 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SCDO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share