10/09/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐-๐-๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waxaa maanta kulan qada-sharafeed oo si heer sare ah loo soo agaasimay isugu yimid xubnaha Somali Diaspora Returnees Network (SDRN), oo ah qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabatay, iyo qaar ka mid ah duubabka, isimada, odayaasha dhaqanka, imaamyada iyo ugaasyada Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay aqoonyahanno, haween, dhallinyaro iyo ganacsato, iyadoo ujeeddadiisu ahayd isbarasho, kala warqaadasho iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa qurbo-joogta iyo hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray nabadda, dib-u-heshiisiinta, horumarka dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa colaadaha ka jira qaar ka mid ah deegaannada Soomaaliya.
Qurbo-joogta ayaa kulanka ku muujisay garwaaqsiga muhiimadda ay dhaqanka Soomaaliyeed u leeyahay midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada, iyadoo la isku raacay in dhaqanka iyo qurbo-joogtu ay iska kaashadaan arrimaha nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dalka.
Xoghayaha Guud ee SDRN, Eng. Bashiir Soofe, oo kulanka furay, ayaa sheegay in duubabka dhaqanka iyo qurbo-joogtu ay yihiin laba tiir oo muhiim ah oo Soomaaliya ka qeyb qaatay badbaadadeeda xilligii burburka dowladeed iyo kala-guurka, isla markaana ay door muuqda ku leeyihiin horumarka iyo dowlad-wanaagga maanta dalka ka hanaqaadaya.
Dhankiisa, Xaaji Macow Cumar Maxamed, Xoghayaha Dhaqanka iyo Nabadda ee SDRN, iyo Xuriya Xaaji Daahir, Xoghayaha Xiriirka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in kulanku uu qeyb ka yahay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya ay gaarto nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.
Xassan Cabdullaahi Gaabane, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qurbo-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay gacan iyo taageero siiso dadaallada ay iska kaashanayaan qurbo-joogta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo horumarka.
Qaar ka mid ah duubabka, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka qeyb galay kulanka ayaa xusay in nabad waarta aysan ku imaan karin dadaal degdeg ah oo keliya, balse ay u baahan tahay dulqaad, wadahadal, kalsooni-dhisid iyo waqti.
Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabeelle, Xasan Cadaay, ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu diyaar u yahay inuu taageero oo uu gacan ka geysto dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed, Dr. Yuusuf Maxamed Warsame, ayaa sheegay in qurbo-joogta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii dalka looga hirgelin lahaa nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed iyo bulsho.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed, Prof. Cabdullaahi Maxamed Aadan Salaamullaah, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Golaha Qurbo-joogta iyo hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ay midoobaan, ayna si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad guud oo ku aaddan xoojinta xiriirka ka dhexeeya qurbo-joogta, dhaqanka, dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo in la dardargeliyo dadaallada lagu raadinayo nabad waarta oo dalka oo dhan gaarta.
โ DHAMMAAD โ
Affairs Department ุฏุงุฆุฑุฉ ุดุคูู ุงูู
ุบุชุฑุจููOPM SomaliaVilla Somalia