Soreca - Somali Real Estate and Construction Association

Soreca - Somali Real Estate and Construction Association Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Soreca - Somali Real Estate and Construction Association, Nonprofit Organization, Airport Road, Mogadishu.

جمعة مباركةAllaha naga aqbalo acmaasha wanaagsan,hana inagu gallado naxariistiisa
01/05/2026

جمعة مباركة

Allaha naga aqbalo acmaasha wanaagsan,
hana inagu gallado naxariistiisa

SORECA congratulates HASCO GROUP on being recognized as Business of the Year 2025 at the Somali Night Awards.This recogn...
29/04/2026

SORECA congratulates HASCO GROUP on being recognized as Business of the Year 2025 at the Somali Night Awards.

This recognition reflects the growing strength, innovation, and leadership emerging from Somalia’s private sector. remains committed to advancing a strong, competitive, and well-coordinated industry that drives national development.

SORECA congratulates Kulmiye General Services  on being recognized as the Construction Company of the Year 2025 at the S...
28/04/2026

SORECA congratulates Kulmiye General Services on being recognized as the Construction Company of the Year 2025 at the Somali Night Awards.

This recognition underscores the rising excellence of Somalia’s construction sector. SORECA remains steadfast in advancing a strong, competitive, and well-coordinated industry.

23/04/2026

𝗛𝗔𝗗𝗔𝗟𝗝𝗘𝗘𝗗𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗕𝗢𝗢𝗥𝗞𝗔 𝗗𝗔𝗟𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗥𝗘𝗖𝗔

Guddoomiyaha Boorka Dalladda Somali Real Estate & Construction Association (SORECA), Mudane Cabdirisaaq Warsame, ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee ay dalladdu ku leedahay horumarinta kaabayaasha dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo mideynta aragtiyaha iyo dadaallada, si loo dardargeliyo horumarinta magaalooyinka casriga ah iyo dhismaha nidaamsan ee dalka.

𝗗𝗔𝗟𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗥𝗘𝗖𝗔 𝗢𝗢 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗛𝗔𝗪𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗚𝗨𝗨𝗗 𝗟𝗔 𝗬𝗘𝗘𝗟𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗞𝗨𝗟𝗔𝗡 𝗪𝗔𝗗𝗔𝗧𝗔𝗦𝗛𝗜 𝗔𝗛 𝗢𝗢 𝗞𝗨 𝗦𝗔𝗔𝗕𝗦𝗔𝗡 𝗛𝗢𝗥𝗨𝗠𝗔𝗥𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗞𝗔𝗔𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗠𝗔𝗚𝗔...
15/04/2026

𝗗𝗔𝗟𝗟𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗥𝗘𝗖𝗔 𝗢𝗢 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗛𝗔𝗪𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗚𝗨𝗨𝗗 𝗟𝗔 𝗬𝗘𝗘𝗟𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗞𝗨𝗟𝗔𝗡 𝗪𝗔𝗗𝗔𝗧𝗔𝗦𝗛𝗜 𝗔𝗛 𝗢𝗢 𝗞𝗨 𝗦𝗔𝗔𝗕𝗦𝗔𝗡 𝗛𝗢𝗥𝗨𝗠𝗔𝗥𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗞𝗔𝗔𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗠𝗔𝗚𝗔𝗔𝗟𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔

Dalladda Somali Real Estate & Construction Association (SORECA) ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Soomaaliya kulankaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Sen. Ayub Ismail Yusuf

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Dalladda SORECA, si loo mideeyo mudnaanta horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka dalka, loona abuuro hannaan wada-shaqeyn oo wax ku ool ah oo taageera kobaca iyo nidaaminta qaybta dhismaha.

Guddoomiyaha Boorka Dalladda SORECA, Mudane Cabdirisaaq Warsame, ayaa kulanka ku soo bandhigay doorka muhiimka ah ee ay dalladdu ku leedahay horumarinta dhismaha iyo kaabayaasha dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha xubnaha ka ah SORECA.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha jira, iyadoo Maamulaha Guud ee SORECA Mudane Khaalid Axmed uu soo bandhigay waxqabadka iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaataan horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha casriga ah.

Dhinaciisa, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa xusay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay qaybta gaarka loo leeyahay, isagoo sidoo kale tilmaamay in dhawaan la daahfuri doono mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin wadooyin halbowle u ah isku socodka iyo horumarinta kaabayaasha dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo rajo wanaagsan oo ku saabsan in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar waara oo dhinaca kaabayaasha iyo magaalooyinka ah.

– DHAMMAAD –

SORECA notes the recognition of DOCOL GROUP  as Best Construction Company of the Year 2025 by East Africa Somali Awards....
10/04/2026

SORECA notes the recognition of DOCOL GROUP as Best Construction Company of the Year 2025 by East Africa Somali Awards.

SORECA remains committed to supporting a strong, competitive, and well-coordinated industry.

SORECA acknowledges the recognition of Hadiid Industries Group  as Best Steel Structure Company of the Year 2025 by East...
10/04/2026

SORECA acknowledges the recognition of Hadiid Industries Group as Best Steel Structure Company of the Year 2025 by East Africa Somali Awards.

Such milestones reflect the growing standards, competitiveness, and professionalism within Somalia’s construction and real estate sectors.

SORECA remains committed to supporting a strong, competitive, and well-coordinated industry for all members.

Our Website is live now!Waxaan shaacinaynaa in la dhameystiray dhismaha website-ka SORECA oo si rasmi ah hadda hawada ug...
02/04/2026

Our Website is live now!

Waxaan shaacinaynaa in la dhameystiray dhismaha website-ka SORECA oo si rasmi ah hadda hawada ugu jira. Si aad wax badan uga ogaato booqo: www.soreca.so

We are officially announcing that our website, www.soreca.so, is now live. Welcome!

📢 DAAHFUR RASMI AHWaxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaan bulshada, bah-wadaagta, iyo daneeyayaasha ku wargelinno in X...
02/04/2026

📢 DAAHFUR RASMI AH

Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaan bulshada, bah-wadaagta, iyo daneeyayaasha ku wargelinno in Xafladda Daahfurka SORECA si rasmi ah loo qaban doono dhowaan, Insha Allah.

SORECA waa dallad mideyneysa shirkadaha dhismaha iyo hantida maguurtada, una taagan horumarinta, tayeynta, iyo casriyeynta shirkadaha dhismaha iyo hantida maguurtada ee Soomaaliya.

📌 Faahfaahinta xafladda daahfurka (taariikhda, goobta, iyo jadwalka) waxaa lagu soo bandhigi doonaa boggan dhawaan.

CIID WANAAGSANDALLADDA HANTIDA MAGUURTADA & DHISMAHA SOOMAALIYA (SORECA)Waxaan hambalyo diirran u diraynaa dhammaan umma...
19/03/2026

CIID WANAAGSAN

DALLADDA HANTIDA MAGUURTADA & DHISMAHA SOOMAALIYA (SORECA)

Waxaan hambalyo diirran u diraynaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga.

SORECA waxay idiin rajaynaysaa Ciid Wanaagsan. Ilaahay ha inaga dhigo kuwii laga aqbalay soonkii, salaaddii iyo sadaqadii, iyo dhamaan acmaashi wanaagsanayd.

Ciid Mubarak dhammaantiin.

Waxaan si diirran u soo dhaweyneynaa shirkadda Kulmiye Construction Company oo si rasmi ah uga mid noqotay bahda SORECA....
23/02/2026

Waxaan si diirran u soo dhaweyneynaa shirkadda Kulmiye Construction Company oo si rasmi ah uga mid noqotay bahda SORECA.

Kulmiye Construction Company waxay ka shaqeysaa adeegyada dhismaha iyo fulinta mashaariic kala duwan, iyadoo gacan ka geysanaysa horumarinta kaabayaasha iyo kobcinta deegaanka magaalooyinka.

Ku soo dhowaada Dalladda Hantida Maguurtada iyo Dhismaha Soomaaliya – SORECA.

Si wadajir ah ayaan u dhisaynaa mustaqbal magaalooyin casri ah oo waara.

Address

Airport Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Soreca - Somali Real Estate and Construction Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share