24/08/2026
Iskaashi dhab ah oo loogu adeegayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed
Maanta, Ururka Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay ee Soomaaliyeed (SNAPH) wuxuu sharaf iyo masโuuliyad weyn u arkaa inuu ka qayb qaatay hirgelinta xarun caafimaad oo dhameystiran oo loogu talagalay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.
Iskaashi dhexmaray SNAPH iyo Ururka Ganacsatada Daawooyinka Soomaaliyeed (SOMIDA), iyadoo lala shaqeynayo Hayโadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), ayaa suurageliyay in xarunta lagu qalabeeyo dawooyin iyo agab caafimaad oo ku filan in adeegyada xaruntu ku shaqeeyaan muddo hal sano ah.
๐ฅ Xaruntan waxay bixin doontaa:
* Baaritaanno caafimaad oo h**e iyo qiimeyn caafimaad.
* Daaweyn iyo adeegyo caafimaad oo aasaasi ah.
* Gargaarka iyo daryeelka xaaladaha degdegga ah.
* Taageero iyo daryeel loogu talagalay dadka qaba cudurrada daba-dheeraada.
* Gudbin iyo daryeel dheeraad ah marka bukaanku u baahan yahay adeeg ka baxsan awoodda xarunta.
๐ฌBaaritaanka h**e waa muhiim
Muwaadiniinta dalka kusoo laabanaya waxay ka imaan karaan deegaanno iyo xaalado kala duwan. Sidaas darteed, baaritaanka caafimaad ee h**e wuxuu muhiim u yahay ogaanshaha iyo xakameynta cudurrada faafa, ilaalinta caafimaadka qofka iyo ka hortagga khataraha caafimaad ee bulshada.
SNAPH waxay sidoo kale caddeyneysaa in haddii baahida caafimaad ee qofka ay ka weyn tahay awoodda xarunta, isbitaallada gaarka loo leeyahay ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan gudbinta, daaweynta iyo daryeelka bukaannada.
๐ค Dowlad + Private Sector + Bulsho = Nidaam Caafimaad oo Adag
SNAPH waxay aaminsan tahay in horumarinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya aysan ku imaan karin dadaal hal dhinac ah. Wada shaqeyn dhab ah oo dhex marta Dowladda, qaybta gaarka loo leeyahay iyo bulshada ayaa ah furaha lagu gaari karo nidaam caafimaad oo tayo leh, la isku halleyn karo, bulshada oo dhanna u adeegaya.
SNAPH waxay mar walba diyaar u tahay inay garab istaagto dowladda iyo hayโadaha ay khuseyso, si loo xoojiyo adeegyada caafimaad loona gaaro dadka Soomaaliyeed ee ugu baahida badan.
Maanta waxaan dhisnay xarun; berrina waxaan rajeynaynaa inaan sii dhisno iskaashi iyo nidaam caafimaad oo xooggan.
๐ธ๐ด Caafimaadka Soomaaliya โ Masโuuliyad Wadajir ah.