10/10/2026
, 10 Oktoobar 2026:
Xubnaha kormeerayaasha bulshada rayidka ah ee Somalia Non State Actors, iyagoo adeegsanaya Hindisaha Kormeerka Baarlamaanka ee GoleKaab, ayaa maanta kormeeray kulanka 22-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 141 Xildhibaan, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, H.E. Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, H.E. Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajendaha kulanka waxaa ku jiray dhammaystirka doodda Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Lr. 130, ee soo baxay 22-kii Abriil 2012, iyo soo-jeedinta warbixinta Akhrinta Labaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka.
Toddoba Xildhibaan ayaa ka qaybgalay doodda lagu soo gabagabaynayey hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe, iyagoo su’aalo iyo aragtiyo la wadaagay Guddiga Miisaaniyadda. Sidoo kale, sagaal Xildhibaan ayaa ka qaybgalay doodda warbixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga ee iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka.
Intii uu kulanku socday, Xildhibaano dhowr ah ayaa qaatay qodobbo habraac (Points of Order), halka qaar kalena ay ka hadleen arrimo ka baxsan ajendaha, oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka iyo ganaaxyada laga jaray gunnooyinka Xildhibaanada, kuwaas oo dhaliyey dood dheeraad ah.
Labada hindise-sharciyeed iyo heshiisba waxaa loo gudbiyey Akhrinta Saddexaad, si loogu tixgeliyo aragtiyaha iyo talooyinka ay Xildhibaanadu ka dhiibteen doodaha.
Gebagebadii, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada faray inay ku ekaadaan qodobada ku jira ajendaha kulanka, isagoo ka digay in makarafoonka laga damin doono Xildhibaanka ka hadla arrimo aan ajendaha khusayn.
Kulankan ayaa qabsoomay kaddib markii saddex kulan oo isku xigay oo Golaha Shacabka ah ay u qabsoomi waayeen kooram la’aan, taas oo maanta Golaha u suuragelisay inuu dib u bilaabo hawlihiisa kalfadhiga guud.