07/09/2026
, 5 Sebteembar 2026:
Xubnaha Korjoogtada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka socday shabakadda Somalia Non State Actors, iyaga oo loo marayo Barnaamijka Korjoogteynta Baarlamaanka ee GoleKaab, ayaa maanta korjoogteeyey Kulankii 12aad ee Kalfadhiga 8aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,, iyagoo gudanaya doorkooda ku aaddan dhiirrigelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo korjoogteynta bulshada ee howlaha Baarlamaanka.
Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana kulanka lagu furay kooram dhan 147 Xildhibaan.
Ajendaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dakhliga Qaranka, kaas oo h**ey u soo jeedisay Wasaaradda Maaliyada XFS. Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa Golaha Shacabka u soo bandhigay warbixintooda ku saabsan Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Maxamed Haaruun, ayaa sheegay in Guddigu tixgeliyey aragtiyihii iyo walaacyadii ay Xildhibaanadu soo jeediyeen intii lagu jiray Akhrinta Labaad, isla markaana lagu daray talooyinkii ku habboonaa qodobbada Hindise Sharciyeedka. Guddigu wuxuu soo jeediyey in Hindise Sharciyeedka si buuxda loo ansixiyo kulanka xiga.
Intii ay dooddu socotay, lix Xildhibaan ayaa aragtidooda ka dhiibtay Hindise Sharciyeedka. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa walaac ka muujiyey in aan lagu darin qaar ka mid ah aragtiyihii ay h**e uga dhiibteen Hindise Sharciyeedka intii uu marayey Akhrinta Labaad, iyagoo sheegay in ay maalinta ansixinta ka keeni karaan dood ama diidmo.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dakhliga Qaranka la filayo in cod loo qaado kulanka xiga ee Golaha, isagoo sidoo kale xusay in Xildhibaanada qaba wax dood ama diidmo ah ay soo gudbin karaan iyagoo raacaya Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.