Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka Halgan

Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka Halgan Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka halgan

HAMBALYO 20-GUURADA AASAASKA ISKUULKA HALGAN πŸŽ‰Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Qalin-jabiyayaasha Iskuulka Halgan, waxaa...
01/08/2026

HAMBALYO 20-GUURADA AASAASKA ISKUULKA HALGAN πŸŽ‰

Anigoo ku hadlaya magaca Midowga Qalin-jabiyayaasha Iskuulka Halgan, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan bahda Iskuulka Halgan munaasabadda 20-guurada aasaaska dugsiga.

20 sano oo ay ka soo wareegtay aasaaska Iskuulka Halgan waa taariikh mudan in lagu faano, waana 20 sano oo lagu soo saaray jiilal aqoon, akhlaaq iyo karti leh.

Waxaan uga mahadcelinayaa maamulka, macallimiinta iyo dhammaan shaqaalaha Iskuulka Halgan dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen horumarinta waxbarashada iyo kobcinta mustaqbalka ardayda.

Waxaan Alle uga baryayaa Iskuulka Halgan inuu sii wado guulaha, horumarka iyo adeegga waxbarasho ee uu bulshada u hayo.

Hambalyo 20 sano guuro wacan Iskuulka Halgan! 🎊

Guddoomiyaha Midowga Qalin-jabiyayaasha Iskuulka Halgan

20/05/2026
20/05/2026
06/05/2026

TARTAN AQOONEEDKA ISKUULKA HALGAN

Waxaa si xiiso leh u socda Semi Final-ka tartanka aqooneedka dugsiga Halgan, waxaana foodda is dari doona labo fasal oo adag oo kala ah:

πŸ† Grade 7 πŸ†š Grade 8

πŸ“… Talaado, 5/May/2026
⏰ 7:30 Subaxnimo
πŸ“ Xarunta Iskuulka Halgan

Kaalay oo taageer kooxdaada, daawo tartan aqoon iyo hibbo leh.

YAAD GUUSHA U RAJAYNAYSAA


Ismail Hassan Abdulle

06/05/2026

πŸŽ‰ DABAALDEGGA 20 GUURADA ISKUULKA HALGAN πŸŽ‰

Muddo 20 sano ah, Iskuulka Halgan wuxuu ahaa il aqoon, akhlaaq iyo horumar.
Waxaan ku faaneynaa dadaalka, guulaha, iyo jiilalka aqoonta leh ee kasoo baxay. πŸ‘

Maanta waxaan u dabaaldegaynaa:
β€œ20 Sano oo Tacliin iyo Tayo Joogto ah”

Mahad gaar ah dhammaan macalimiinta, ardayda, waalidiinta iyo bulshada nala garab istaagtay.
Mustaqbal ifaya ayaan sii dhiseynaaβ€”Halgan mar walba waa hormuud! 🌟




Ismail Hassan Abdulle

27/04/2026

πŸŽ“ Casuumaad Rasmi ah πŸŽ“

Waxaa si sharaf leh loogu casuumayaa dhammaan qalin-jabiyaashii Iskuulka Halgan inay kasoo qayb galaan Kulanka Weyn ee Midowga Qalin-jabiyaasha.

πŸ“… Taariikh: 1-da May 2026 (Jimco)
⏰ Waqti: 3:00 galabnimo
πŸ“ Goob: Xarunta Iskuulka Halgan

πŸ“ž Faahfaahin: +252 612581313

Midnimo, Horumar iyo Mustaqbal Wanaagsan

............................MAGACAABIS RASMI AH............................Madaxa Isku Xirka Ardayda Mudane Ismail Hassa...
20/04/2026

............................MAGACAABIS RASMI AH............................
Madaxa Isku Xirka Ardayda Mudane Ismail Hassan Abdulle wuxuu si rasmi ah u magacaabay Mudane Liibaan Daa'uud Aadan (Madaale) inuu noqdo Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka Halgan Magacaabistan waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo midnimada, wada shaqeynta, iyo horumarinta Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka Halgan.
Waxaan u rajeyneynaa Guddoomiyaha cusub inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, kana shaqeeyo horumarinta iyo isku xirka qalinjabiyaasha.

Mahadsanidiin
Waxii faahfaahin ah kala xariir
61 2581313

WARGELIN MUHIIM AH.KULAN WAYNAHA Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka  Halgan Waxuu Dhici Doonaa 1da May 2026
19/04/2026

WARGELIN MUHIIM AH.

KULAN WAYNAHA Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka Halgan Waxuu Dhici Doonaa 1da May 2026

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Qalinjabiyaasha Iskuulka Halgan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share