28/06/2026
Madasha Jiil Mideysan ayaa si sharaf leh uga qeyb gashay casuumad qiimo badan oo ay soo qabanqaabisay Madasha Himilo Youth.
Barnaamijkan oo ahaa tababar iyo aqoon-is-weydaarsi ayaa diiradda lagu saaray mowduucan
Dhibaatooyinka Casriga ah ee Horyaalla Gabdhaha Muslimiinta iyo Doorka Islaamku Ku Leeyahay Xallintooda.
Tababarka waxaa soo jeedisay Drs. Sacido Maxamed Xaashi, oo ah Senior Lecturer, iyadoo soo bandhigtay aqoon iyo wacyigelin ku saabsan caqabadaha casriga ah ee gabdhaha Muslimiinta iyo sida Islaamku u tilmaamayo xalalkooda.
Madasha Jiil Mideysan waxaa halkaas ku matalay Guddoomiye Ku-xigeenka madasha Hinda Abdinour.
Waxaan uga mahadcelineynaa Madasha Himilo Youth martiqaadka iyo dadaalka ay geliyeen qabashada barnaamijkan muhiimka ah.