dhalinyaradda afar Raaxoy

dhalinyaradda afar Raaxoy midnimo iyo walaltimo lagu tanaadaa

01/06/2026

BAYAANKA AFAR RAAXOY EE SADDAX CUMAR

Afar Raaxoy waa laf sharaf leh oo ka tirsan Boqortooyada Sagaal Eylo, waana laf muhiim ah oo saldhig adag ku leh deegaanka Siibaay iyo guud ahaan Hiiraan. Afar Raaxoy ma aha qolo maanta timid ama magac dhawaan samaysatay, balse waa laf taariikh, dhaqan iyo hoggaan ku leh bulshada Saddex Cumar.

Saddex Cumar waxay ka kooban yihiin Eylo, Maadle iyo Reer Ciise, kuwaas oo muddo dheer ku wada noolaa heshiis, is-ixtiraam iyo awood-qaybsi ku dhisan sinaan. Heshiisyadii awoowayaashu dhiseen waxay ku salaysnaayeen in aan cid gaar ahi awoodda isku koobin, isla markaana beel kasta hesho xaqeeda siyaasadeed iyo mid dhaqan.

Afar Raaxoy waxay ka mid yihiin lafaha ugu waaweyn ee Eylo, waxayna mar walba garab taagnaayeen midnimada iyo wadajirka Saddex Cumar. Taariikh ahaan waxay qayb weyn ka qaateen nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo ilaalinta dhaqanka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dareen xooggan oo ku saabsan in matalaaddii siyaasadeed aan si siman loo qaybsan, isla markaana codka iyo doorka Afar Raaxoy aan loo siin miisaankii ay mudnaayeen. Arrintaas waxay abuurtay cabasho soo jiitamaysay muddo dheer.

Afar Raaxoy maanta waxay si cad u sheegayaan in aysan raadinayn wax ka badan xaqooda, mana aqbalayaan in kursiyada iyo matalaadda bulshada lagu koobto dad gaar ah ama qoysas gaar ah. Xilka iyo matalaaddu waa hanti bulsho, mana aha dhaxal lagu kala wareego.

Waxaan ku baaqaynaa in dib loogu noqdo heshiisyadii iyo qiyamkii ay ku heshiiyeen aasaasayaashii Saddex Cumar, kuwaas oo ahaa cadaalad, wada-tashi iyo awood-qaybsi siman.

Waxaa la joogaa waqtigii codka Afar Raaxoy la maqli lahaa, lana siin lahaa kaalinta ay ku leeyihiin hoggaanka iyo matalaadda bulshada. Afar Raaxoy waxay leeyihiin aqoonyahano, waayo-aragnimo, haldoor iyo dhallinyaro karti leh oo diyaar u ah inay bulshada u adeegaan.

Maanta Afar Raaxoy waxay u taagan yihiin midnimo, caddaalad iyo matalaad dhab ah. Waxayna aaminsan yihiin in kursiga senatornimo iyo matalaad kasta oo bulshada ka dhaxaysa lagu saleeyo heshiis, cadaalad iyo rabitaanka bulshada, ee aan lagu saleeyn dano gaar ah.

Afar Raaxoy cod ma baryaane, xaq bay dalbanayaan.
Afar Raaxoy kursi ma tuugsadaan, saamigoodii bay raadinayaan.
Afar Raaxoy kala-qaybin ma wadaan, caddaalad bay doonayaan.
Afar Raaxoy maanta waxay diyaar u yihiin inay qaataan kaalintooda hoggaamineed ee Saddex Cumar.

30/01/2026

WAR SAXAAFADEED

Waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono shirweynaha taariikhiga ah ee dhalinyarada tolweynaha Afar Raaxoy, oo diiradda lagu saari doono midnimada, wada-tashiga iyo hoggaanka dhalinyarada.

Address

Mogadishu_somalia
Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when dhalinyaradda afar Raaxoy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share