Midowga Beelaha Dirta Koonfureed

Midowga Beelaha Dirta Koonfureed MIDOWGA BEELAHA DIR KOONFUR

DIGNIIN.Midowga Dhalinyarada Beelaha Dir Koonfureed waxa ay aad uga xunyihiin sharaf dhaca iyo magac dilka ay dad abaabu...
28/05/2026

DIGNIIN.

Midowga Dhalinyarada Beelaha Dir Koonfureed waxa ay aad uga xunyihiin sharaf dhaca iyo magac dilka ay dad abaabulan u geysanayaan Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Gen Abdalla Abdalla Mohamed.

Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadeenaynaa in ay been abuur iyo waxba k**a jiraan tahay wararka sheegaya in Gen Abdalla Abdalla xilka laga qaadi doono ama xabsi guri ah ay dowladdu qorsheenayso in ay ka dhigto.

Waxaan uga digaynaa bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu h**eeyaan Saxaafadda in ay ka digtoonaadaan faafinta wararka been abuurka ah, cidii lagu helana sharciga lala tiigsan doono.

—DHAMMAAD—

FAAFIN DEG DEG AH (PRESS RELEASE)Midowga Dhlinyarada Beelaha Dirka Koonfureed waxay aad u cambaareenaayaan ugana xunyihi...
08/05/2026

FAAFIN DEG DEG AH (PRESS RELEASE)

Midowga Dhlinyarada Beelaha Dirka Koonfureed waxay aad u cambaareenaayaan ugana xunyihiin af-duubka iyo xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Agaasimaha Warfaafinta Midowga Dhalinyarada Beelha Dirka Koonfureed Same-fasho Marwo Nimco Keyf Ismaaciil, oo si af-duub ah ay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed hadda ugu xireen Magaalada Muqdisho.

Midowga Dhalinyarada Beelaha Dirka Koonfureed, waxay cod dheer ku dalbanayaan in si shuruud la’aan ah xuriyadeeda loo siiyo Agaasime Nimco Keyf Ismciil oo ah mid kamid ah dhalinyarada haldoorka ee Beelaha Dirka Koonfureed.

Midowgu waxa uu ka arinsan doonaa in la qabto banaanbaxyo lagu dalbanayo in Marwo Nimco Keyf xuriyadeeda la siiyo, haddii ay Booliisku ku soo deyn waayaan mudada uu Midowga u qabtay taas oo ah muddo 24 saacadood.

Ugu dambayn, Mudowga Dhalinyarada Beelaha Dirka Koonfureed waxay ugu baaqaayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed qayb kasta oo kamid ah, in ay si iskumid ah uga dhiidhiyaan af-duubka iyo xarigga aan sharciga waafaqsanayn ee ay Booliiska Soomaaliyeed kula kaceen Marwo Nimco Keyf Ismaaciil.

—DHAMMAAD—

BAYAAN.Midowga Dhlinyarada Beelaha Dirka Koonfureed waxay aad u cambaareenaayaan ugana xunyihiin af-duubka iyo xarigga s...
08/05/2026

BAYAAN.

Midowga Dhlinyarada Beelaha Dirka Koonfureed waxay aad u cambaareenaayaan ugana xunyihiin af-duubka iyo xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay gudoomiye ku-xigeenkii h**e ee D/Hodan Mudane Amb Abdihamid, oo maalintii labaad si af-duub ah ugu xiran saldhigga Booliiska D/Hodan.

Midowga Dhalinyarada Beelaha Dirka Koonfureed, waxay cod dheer ku dalbanayaan in si shuruud la’aan ah xuriyadiisa loo siiyo Mudane Abdihamid Abdikarim oo ah mid kamid ah dhalinyarada haldoorka Soomaaliyeed.

Midowgu waxa uu ka arinsan doonaa in la qabto banaanbaxyo lagu dalbanayo in Mudane Abdihamid xuriyaddiisa la siiyo, haddii ay Booliisku ku soo deyn waayaan mudada uu Midowga u qabtay taas oo ah muddo 24 saacadood.

Ugu dambayn, Mudowga Dhalinyarada Beelaha Dirka Koonfureed waxay ugu baaqaayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed qayb kasta oo kamid ah, in ay si iskumid ah uga dhiidhiyaan af-duubka iyo xarigga aan sharciga waafaqsanayn ee ay Booliiska Soomaaliyeed kula kaceen Mudane Abdihamid Abdikarim Hussein.

—DHAMMAAD—

  :- kulan afur-wadareed ay yeesheen Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Biimaal, iyo Golaha Sare ee Hoggaanka Dhaqanka iyo Siyaa...
07/03/2026

:- kulan afur-wadareed ay yeesheen Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Biimaal, iyo Golaha Sare ee Hoggaanka Dhaqanka iyo Siyaasadda Beelaha Biimaal, goob-joogna ay ahaayeen Cuqaasha, Wax-gqradka, Odayaasha iyo Aqonyahanada Beelaha Biimaal ayaa intiisa badan looga hadlay halista kasoo cosboonaatay G/ Shabeellaha Hoose.

Waxay si adag uga arinsadeen in Cumareey Cali oo h**ey uga tirsanaa Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal, ay nasiib darro tahay in uu maanta noqday nin ambaday oo qaaday waddo aan ahayn tii lagu heshiiyay, isaga oo sheegay in uu yahay Hogaamiye Kooxeed ka shaqeenaya in jufadiisa hoose uu u dagaalamo isagana qaraab ku raaddsado isagoo isticmaalaya magaca, dhaqaalaha iyo sharafka Golaha Hoggaanka iyo Siyaasadda Beelaha Biimaal oo h**ey loogu aaminay balse dhawaan laga saaray.

Golaha ayaa sheegay in ay dooran doonaan hogaamiye cusub iyaga oo ka digay in shacabka ay ku kadsoomaan hogaamiye kooxeed Cumareey oo hadda bilaabay in uu ka shaqeeyo arimo liddi ku ah nabadda iyo wadajirka Beelaha Biimaal.

Goluhu waxa ay ugu danbeen sheegeen in ajandihii Golaha ee ahaa in Beesha la xureeyo, maamul u gaar ah yeelato, iyo in ay hesho xaquuqaha uga maqan Jubbaland iyo DFS uu maanta Cumareey Cali diiday oo uu ku adkeysanayo in ay ahmiyadda koowaad tahay in isaga xil helo, islamarkaana aan waqti la isaga lumin ajandayaasha oo uu sheegay in aysan intooda badan muhiim u ahayn isaga.

BAYAAN.Midowga Dhalinyarada Beelaha Dir Koonfureed oo qaadacay Shirka ay Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelah...
02/03/2026

BAYAAN.
Midowga Dhalinyarada Beelaha Dir Koonfureed oo qaadacay Shirka ay Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal, ku dhawaaqeen dhammaadka bishan.

Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha sare, Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Midowga Dhaliyarada Beelaha Dirka Koonfureed maanta oo Isniin ah 02/03/2026, ayaa lagu go’aamiyay in Midowga Dhalinyarada Dirka Koonfureed in ay qaadaceen shir la sheegay in ay Magaalada Marka ku qabanayaan Golaha Hogaanka Beelaha Biimaal.

Midowga waxa uu si adaga u cogsaday in shirkan uu lidi ku yahay midowga, wadajirka iyo Danaha Beelaha Biimaal iyo guud ahaan Beelaha Dirka Koonfureed, waxayna kaga digeen dhammaan Beelaha Dirka koonfureed gaar ahaan Beelaha Biimaal ka qaygalka Shirkaas.

Midowga Dhalinyarada Beelaha Dirka Koonfureed waxaa ka go’an ilaalinta qadiyadda iyo bad-qabka dhammaan bulshada Beelaha Dirka Koonfureed, sidaasi darteed waxay si adag u cambaareenaayaan in la qabto shir aan loo dhamayn, islamarkaana halis ku ah danaha iyo nolosha iyo nabadda Beelaha Biimaal.

Ugu dambayn, Midowga Beelaha Dirka Koonfureed ayaa isku raacay in ay ka tashadaan xaaladaha soo kordhay, dhaqdhaqaaqa Golaha Hogaanka Beelaha Biimaal uu ka wado magaalada Marka oo ay Midowga Dhalinyarada Beelaha Biimaal u arkaan mid halis ku ah bulshada Beelaha Biimaal iyo guud ahaan Beelaha Dirka Koonfureed.

——DHAMMAAAD——

Ali Isse, waa mid kamid ah dhalinyarada aqonyahanada ah ee academica ah kana howlgala mid kamid ah hay’adaha privateka a...
10/11/2025

Ali Isse, waa mid kamid ah dhalinyarada aqonyahanada ah ee academica ah kana howlgala mid kamid ah hay’adaha privateka ah ee ugu tunka weyn Soomaaliya, waxa uu kamid ah dhalinyarada Midowga Beelaha Dir Koonfureed.

Mohamed Jubba, Waa sarkaal sare oo Military ah, kana mid ah dhalinyarada Midowga Beelaha Dir Koonfureed.
10/11/2025

Mohamed Jubba, Waa sarkaal sare oo Military ah, kana mid ah dhalinyarada Midowga Beelaha Dir Koonfureed.

10/11/2025

Abdirashid Mohamed, waxa uu ka tirsanyahay hoggaanka Midowga Dhalinyarada Beelaha Dir Koonfureed.

10/11/2025

Shiimaay Yare, waxa uu katirsanyahay hoggaanka Midowga Dhalinyarada Beelaha Dir Koonfureed .

Fariinta Gudoomiye Mucaawiye Muudey.
07/11/2025

Fariinta Gudoomiye Mucaawiye Muudey.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Beelaha Dirta Koonfureed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share