08/01/2026
Qudbada Gudoomiye ururka codka isbadalka dhalinyarada
Mudane: xassan abdi ali
BISMILLAAHIR-RAXMAANIR-RAXIIM
Walaalayaal dhalinyarada Soomaaliyeed,
Hooyooyin, aabayaal, aqoonyahanno iyo dhammaan shacabka sharafta leh ee Soomaaliyeed
Maanta waxaan halkaan idiinkula hadlayaa qalbi gubanaya, maskax ka fakaraysa mustaqbalka ummadda, iyo
dareen ka tarjumaya xanuunka ay ku jirto dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dalkayna maanta ma aha mid ay ka
muuqato rajo buuxda, cadaalad iyo hoggaan daacad ah, balse waxa hareeyay dhibaatooyin is-biirsaday oo
ay sabab u yihiin siyaasiyiin caado-qaatayaal ah, damiir la'aan ku shaqeeya, kana doorbiday danahooda
gaarka ah danaha qaranka.
Dhalinyaradii Soomaaliyeed-kuwaas oo ah laf-dhabarta ummadda-waxay maanta ku nool yihiin xaalad
adag: shaqo la'aan baahsan, fursado xaddidan, waxbarasho tayo hooseysa, iyo niyad jab ka dhashay
hoggaan ku fashilmay masuuliyaddii loo igmaday. Halkii dhalinyarada la horumarin lahaa, la dhiirrigelin lahaa,
lana siin lahaa doorka ay xaqa u leeyihiin, waxaa la geliyay wareeg mugdi ah oo mustaqbal la'aan ah.
Waxaa nasiib darro ah in dalkii qani ku ahaa khayraadkiisa, taariikhdiisa, iyo dadkiisa geesiyaasha ah, maanta
lagu kala gato miisas shisheeye, iyadoo ay saxiixayaan siyaasiyiin aan matalin rabitaanka shacabka, kana
shaqeynaya dano shisheeye oo lid ku ah midnimada, madaxbannaanida, iyo sharafka Soomaaliya.
Ururka UCID wuxuu si cad u taagan yahay:
In dhalinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa isku duuban, ka feejigan khiyaamada siyaasadeed, una
istaaga difaaca mustaqbalkooda.
Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan:
Ha u ogolaanina in la idinku ciyaaro magaca qabiil, dano been ah, ama ballanqaadyo marran. Isku
duubnaada. Aqoon ku hubeysnaada. Ka shaqeeya isbeddel dhab ah oo ku dhisan wacyi, midnimo, iyo
mas'uuliyad qaran.
UCID ma aha kaliya urur: waa codka isbeddelka, waa madal ay dhalinyaradu ku mideysan karaan, kuna
muujin karaan rabitaankooda ku aaddan Soomaaliya xor ah, midaysan, oo ay hoggaaminayaan dad daacad
ah.
Ugu dambayn, waxaan leeyahay:
Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacmahiinna.