Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal

Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal Madasha Aaya ka Tashiga Beelaha Biimaal

OGEYSIIS MUHIIM AHGolaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal waxa uu si cad u shaacinayaa in uusan jirin w...
22/03/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal waxa uu si cad u shaacinayaa in uusan jirin wax shir ah oo ka qabsoomaya Magaalada Marka oo uu Goluhu iclaamiyey.

Sidoo kale, Golaha waxa uu ugu digayaa shaqsiyaad ku lug leh abaabulka arrimahaas, kuwaas oo lagu yaqaan Hagardaamo iyo Xatooyada Xoolaha Beelaha Biimaal, in sii wadaan kala qaybinta Beesha

Sidaa darteed, Golaha waxa uu u caddaynayaa shacabka Degmada Marka iyo Maamulka in shirkaasi yahay mid dhagar maleegid ah, laguna doonayo in lagu Abaabulo Dagaal Beesha dhexdeeda ah Sidaas darteedna ay ka hor tagaan Shirkaasi

Ugu dambayn, Golaha waxa uu ugu baaqayaa Maamulka iyo Laamaha Amniga ee Magaalada Marka in ay si degdeg ah uga hortagaan shir kasta oo noocaas ah, si loo ilaaliyo midnimada, sharafta iyo wadajirka Beesha.

— Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal

Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Biimaal, ayaa kulan Afur iyo is-xog-weysi ah la yeeshay Golaha Sare ee Hoggaanka Dhaqanka iyo...
06/03/2026

Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Biimaal, ayaa kulan Afur iyo is-xog-weysi ah la yeeshay Golaha Sare ee Hoggaanka Dhaqanka iyo Siyaasadda Beelaha Biimaal.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaan Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Biimaal, ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladaha iyo hawlaha ka taagan deegaannada ay Beesha degto, ayadoo la is dhaafsaday talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta iyo midnimada Beesha iyo Sidii Meel loogu soo wadajeesan lahaa Shaqsiyaadka hagardaamada ka dhex wada Beesha.

Go’aamada iyo qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay shirka ayaa dhawaan la shaacin doonaa Insha’Allah.

25/11/2025

Afhayeenka Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Bidhaan TV.
Afhayeenku wuxuu si cad u qeexay dhibaatooyinka iyo sidbursiga ah ee lagu hayo beelaha dega Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in ay socdaan kulamo looga tashanayo aayaha Gobolka Sh/Hoose, isla markaana uu dhammaaday waqtigii cabashada oo loo gudbay waqtii go’aan cad laga qaadan lahaa Maamulka Bay iyo Bakool isku koobay

– Kabogo | Wareysiga Qaybtiisa 1-aad

21/11/2025

Nabadoon Macallin Barre, oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal, ayaa maanta shir muhiim ah kaga hadlay arrimaha xasuuqii laga geystay Magaalada Jamaame.

Intii shirka lagu jiray, waxa uu ku dhawaaqay Guddiga Gurmadka ee loo xilsaaray u istaagidda dhibaatooyinka soo gaaray shacabka masaakinta ah ee Jamaame.

Guddiga Gurmadka:
1️⃣ Sheikh Gedow Ahmed Suubow
2️⃣ Muumin Alj Muumin
3️⃣ Marwo Sacdiyo Ali Abdi

Golaha Hoggaanka waxa uu ugu baaqayaa bulshada in ay garab istaagaan guddigan iyo howlaha gurmad ee socda, si loo taageero qoysaska dhibaatadu saamaysay.

19/11/2025

“Siyaasiyiinteena maanta waxa ay u muuqdaan kuwo shaqadoodu ku koobantahay kaliya in ay screenshot ka qaadaan hadallada iyo qoraallada dadka danaha beesha ka hadla ay ku soo bandhigaan baraha bulshada, kaddibna u gudbiyaan dad ay aaminsan yihiin in ay kuraasta ku hayaan.

Arrintan waxaa si cad uga hadlay Abdirizak Mohamed Abukar, oo ka mid ah qoysaska dhibanayaasha ee lagu gumaaday magaalada Jamaame, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yihiin in mas’uuliyiin dowladeed ay ka gaabiyaan doorkii ay ku lahaayeen difaaca nolosha iyo xuquuqda shacabka.”

19/11/2025

Gudoomiyaha Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal ayaa su kulul ugu hadlay Xasuuqii foosha xumaa ee loo geystay Shacabka Magaalada Kismaayo

19/11/2025

Afhayeenka Golaha Hoggaanka iyo Siyaasadda Beelaha Biimaal, Mudane Hussein Gacal Raasaday, ayaa ka hadlay xasuuqii loo geystay shacabka magaalada Jamaame, kadib kulan ay soo agaasimeen Hoggaanka Golaha oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

19/11/2025
19/11/2025
19/11/2025

Ugaaska Guud Beelaha Biimaal oo ka hadlay Xasuuqii loo geystay Dadka maaskiinta ahaa ee lagu laayey Magaalada Jamaame

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Biimaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share