MSF Somalia/Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn Soomaaliya

Website

MSF Somalia/Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn Soomaaliya For over four decades, Médecins Sans Frontières (MSF) teams have been providing medical and humanitarian care to the Somali people across the Horn of Africa.

In Somalia, MSF continues to respond to the medical needs of people displaced by ongoing conflict and extreme weather events, and to support services in Ministry of Health facilities. A significant part of our work focuses on capacity building and specialized training for healthcare staff, improving the quality of healthcare, rehabilitating hospitals, enhancing water, sanitation and hygiene services, and conducting health education sessions to ensure infection prevention and control in health facilities. MSF is currently running medical activities in two locations; Baidoa, Bay Region (Southwest State), and in Galkayo North (Puntland State) and Galkayo South (Galmudug State). In 2024, MSF teams included 798 staff, of whom 668 were Ministry of Health staff incentivized by MSF. Additionally, in 2024 alone, MSF brought approximately 176 tons of medical aid into Somalia to respond to the humanitarian needs in the country.

Mahad*, 18, was brought to Bay Regional Hospital in Baidoa by his uncle in August 2026 after his mental health condition...
22/10/2026

Mahad*, 18, was brought to Bay Regional Hospital in Baidoa by his uncle in August 2026 after his mental health condition returned. He barely slept, was restless and irritable, talked nonstop and wandered long distances without knowing where he was going. His first episode, in 2023, had ended his schooling, and the condition later kept him from working in his shop. “My family would be waiting for me at home with dinner prepared, and I would suddenly find myself in another village, or another town,” he says. People called him “the madman,” a label he hated.

After his family tried other forms of help, MSF mental health counsellors assessed Mahad and began medication and counselling. His family learned about his condition and supported his care, and he attended four follow-up sessions. “Doctors welcomed me here, and then I was given medication, which benefited me greatly,” he says. Mahad now sleeps well, is calmer, communicates more easily and has returned to work. “I was sick for quite some time, but since I started receiving treatment at this hospital, I am getting better,” he says.

MSF works with the Ministry of Health at Bay Regional Hospital to provide free, confidential mental health care, including counselling, psychiatric consultations, medication and follow-up. Through the World Health Organization’s MHGAP programme, doctors from several hospital departments have been trained to diagnose and treat mental health conditions, allowing patients with severe conditions to receive care locally without referral elsewhere. Between January and June 2026, MSF teams conducted 5,267 mental health consultations in Baidoa and Mudug.

*Name changed to protect privacy.

Iqra waxay muddo bilo ah daaweyn u raadinaysay gabadheeda oo jirta toban bilood, iyadoo geysay xarumo caafimaad oo kala ...
21/10/2026

Iqra waxay muddo bilo ah daaweyn u raadinaysay gabadheeda oo jirta toban bilood, iyadoo geysay xarumo caafimaad oo kala duwan. Mar kasta oo ilmuhu soo raynayay, waxaa haddana ku soo noqonayay shuban, matag iyo qandho. Iqra waxay ku nooshahay tuulada Tawakal, iyadoo la deggan ayeeyadeed iyo labadeeda carruur ah. Qoyskeedu wuxuu ku tiirsan yahay taageerada walaalkeed, mana aysan helin wax kaalmo ah oo ay ka hesho hay’adaha ka hawlgala deegaankeeda. Muddo toddoba maalmood oo kale oo ay gabadheedu la ildarnayd shuban iyo matag daran ka dib, ilmihii aad ayuu u tabar-darreeyey, rabitaankii cuntadana wuu ka lumay, nafaqo-darradeeduna way sii xumaatay. Markii xaaladdeedu kasii dartay, Iqra waxay kiraysatay gaari gaar ah oo ay ku tagtay Galkacyo, iyadoo gaadiidkii qaaday siisay10 doollar si ay gabadheeda u geyso Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug.

“Ma aanan haysan wax aan qandhada kaga dejiyo. Waqtigaas keligay ayaan ahaa. Taasi aad bay iigu adkayd,” ayay tiri Iqra. Gabadheeda isbitaalka ayaa la seexiyay si looga daaweeyo nafaqo-darro ba'an iyo dhibaatooyinkii caafimaad ee la socday. Xilliga la waraystay, waxay isbitaalka ku jireen muddo 16 maalmood ah. “Waxaan rajaynayaa in la ifasixi doono marka dhakhaatiirtu gabadhayda xaaladdeeda hagaajiyaan oo ay ii sheegaan in ilmahaygu caafimaad qabo. Waxaan jeclaan lahaa in gabadhaydu caafimaaddo, la daweeyo, oo aysan mar dambe xanuunsan,” ayay tiri.

MSF waxay taageertaa qaybta bukaan-jiifka iyo adeegyada bukaan-socodka ee nafaqo-darrada ee Isbitaalka Gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale taageerta adeegyada hooyada iyo dhallaanka, qaybta carruurta, gurmadka deg-degga ah, iyo adeegyo kale oo caafimaad oo muhiim ah. Dhammaan adeegyadaasi waa bilaash. Qaybta bukaan-jiifka ee nafaqo-darrada, oo leh 28 sariirood, ayaa tan iyo bishii Abriil 2026 shaqaynaysay iyadoo ay jiifaan bukaanno ka badan awooddeeda, mararka qaarkoodna tirada carruurtu waxay gaartay ku dhowaad laba jibbaar marka loo eego awoodda ay qaybtu leedahay. Intii u dhexaysay Janaayo iyo Luulyo 2026, MSF waxay isbitaalka seexisay 1,389 carruur ah oo u baahnaa daaweynta nafaqo-darrada ba'an iyo dhibaatooyinka la xiriira, kuwaas oo 809 ka mid ahi ay qabeen nafaqo-darro daran.

Raac lingaxaan, siina faafi: https://msf.or.ke/news-and-resources/news/somalia-msf-

Mahad*, oo 18 jir ah, ayaa adeerkiis keenay Isbitaalka Guud ee Gobalka Baay ee magaalada Baydhabo bishii Agoosto 2026, k...
20/10/2026

Mahad*, oo 18 jir ah, ayaa adeerkiis keenay Isbitaalka Guud ee Gobalka Baay ee magaalada Baydhabo bishii Agoosto 2026, kadib markii ay ku soo noqotay xaaladdiisii caafimaadka dhimirka. Si dhib ah ayuu u seexan jiray, wuxuuna ahaa qof aan degganayn oo si fudud u xanaaqa. Makala joojin jirin hadalka, wuxuuna lugeyn jiray masaafo dheer isaga oo aan garanayn halka uu u socdo. Markii ugu horreysay ee xaaladdani ku dhacday, sannadkii 2023, ayuu kaharay dugsiga. Markii dambana waxay xaaladdisu ka hor istaagtay inuu ka shaqeeyo dukaankiisa. “Qoyskaygu waxay guriga igu sugi jireen iyaga oo casho ii diyaariyey, aniguna waxaan si kedis ah u arki jiray anoo jooga tuulo kale ama xitaa magaalo kale,” ayuu yiri. Dadku waxay ugu yeeri jireen “Ninkii waalnaa”, oo ah naanays uusan jeclayn.

Kadib markii qoyskiisu isku dayeen habab kale oo daryeel ah, la-taliyeyaasha caafimaadka dhimirka ee MSF ayaa qiimeeyey xaaladdiisa, waxayna u bilaabeen dawo iyo la-talin. Qoyskiisu waxay wax ka barteen xaaladdiisa, waxayna ka qayb qaateen daryeelkiisa. Mahad wuxuu sidoo kale ka qaybgalay afar kulan oo dabagal ah. “Dhakhaatiirtu si wanaagsan ayay ii soo dhaweeyeen, kadibna waxay i siiyeen dawo si weyn ii caawisay,” ayuu yiri. Hadda si fiican ayuu u seexdaa, wuu ka deggan yahay sidii h**e, dadka si fudud ayuu ula xiriiraa, wuxuuna dib ugu noqday shaqadiisii. “Muddo dheer ayaan xanuunsanaa, balse tan iyo markii aan daaweynta ka bilaabay isbitaalkan, waan soo fiicnaanayaa,” ayuu yiri.

MSF waxay la shaqaysaa Wasaaradda Caafimaadka si ay u bixiso adeegyada caafimaadka dhimirka oo bilaash ah, isla markaana xogta bukaannada loo ilaaliyo si qarsoodi ah. Adeegyada waxaa ka mid ah la-talin, la-tashiyada dhakhaatiirta caafimaadka dhimirka, daawayn iyo dabagal joogto ah. Iyadoo loo marayo barnaamijka maanka (mhGAP) ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), dhakhaatiir ka kala socda waaxyaha kala duwan ee isbitaalka ayaa loo tababaray inay aqoonsadaan, ogaadaan oo daweeyaan xaaladaha caafimaadka dhimirka. Tani waxay bukaannada qaba xaaladaha daran u suuragelinaysaa inay daaweyn ka helaan deegaankooda iyaga oo aan meelo kale loo gudbin. Intii u dhexeysay Janaayo iyo Juun 2026, kooxaha MSF waxay Baydhabo iyo Mudug ka fuliyeen 5,267 la-talin oo la xiriirta caafimaadka dhimirka.

Magaca waa la beddelay si loo ilaaliyo asturnaanta qofka.

8,172 mental health consultations in 2025.That’s 8,172 moments where someone said, “I need help.” 8,172 conversations ab...
19/10/2026

8,172 mental health consultations in 2025.

That’s 8,172 moments where someone said, “I need help.”
8,172 conversations about loss, fear, trauma, and survival.
8,172 reminders that mental health care is as essential as any other form of care.

In Somalia, MSF teams listen—because healing often begins with being heard.

Muddo saddex sano ah, Fatuma* waxay la noolayd xanuunka isku dardarsanka ee loo yaqaan psychosis, kaas oo sababay inay m...
18/10/2026

Muddo saddex sano ah, Fatuma* waxay la noolayd xanuunka isku dardarsanka ee loo yaqaan psychosis, kaas oo sababay inay maqasho codad aanay dadka kale maqlayn, isla markaana ay si joogto ah u dareento in la ilaalinayo. Xaaladdaani waxay ka qaaday hurdadii iyo rabitaankii cuntada, waxayna ku reebtay daal iyo kacsanaan joogto ah. Markii h**e, qoyskeedu ma rumaysnayn in xaaladdeedu ahayd xanuun caafimaad oo dhab ah, daaweyntii ay h**e u heshayna waxba k**a tarin.

“Dadku waxay igala hadli jireen madaxayga gudihiisa,” ayay tiri Fatuma. “Xaaladdani saamayn weyn ayay igu yeelatay, muddo saddex sano ahna ma awoodin inaan seexdo.”

Bishii Diseembar 2025, walaalkeed ayaa geeyay Isbitaalka Gobolka Bay ee magaalada Baydhabo. Markii ay halkaas gaadhay, kooxaha caafimaadka dhimirku waxay siiyeen dawooyin, la-talin iyo dabagal joogto ah. Walaalkeedna wuxuu si firfircoon uga qayb qaatay taageeridda daryeelkeeda.
Muddo ka dib, markii ay heshay daaweyn iyo xeelado ay kula tacaasho xaaladdeeda, codadkii way yaraadeen. Fatuma waxay dib u heshay hurdadeedii, rabitaankii cuntada iyo awooddii ay nolol maalmeedkeeda si madax-bannaan ugu maareyn lahayd. “Waxay wax badan ka beddeshay noloshayda, waxayna igu abuurtay rajo,” ayay tiri. “Horumar ayaan sameeyay, waana guursaday markii aan dareemay inaan caafimaadkaygii dib u helay.”

Magaalada Baydhabo, hay’adda MSF waxay la shaqaysaa Wasaaradda Caafimaadka si ay u bixiso adeegyo bilaash ah oo sirtooda la dhowro, kuwaas oo ay ka mid yihiin la-tashiyada caafimaadka ee la xidhiidha xanuunka dhimirka, la-talinta iyo daryeelka dhimirka ee takhasuska leh.

Lixdii bilood ee u dhexaysay bilihii Janaayo iyo Juun 2026, kooxaha MSF waxay qaabileen in ka badan 5,200 oo la-tashi oo la xiriira caafimaadka dhimirka, kuwaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo iyo gobolka Mudug.

Magaca waxaa loo beddelay arin shakhsi ah

Halima Hassan Hussein waxay wiilkeeda ku dhashay Isbitaalka Gobolka Mudug. Sannadkan ayeyse dib ugu soo celisay isaga oo...
17/10/2026

Halima Hassan Hussein waxay wiilkeeda ku dhashay Isbitaalka Gobolka Mudug. Sannadkan ayeyse dib ugu soo celisay isaga oo aad u tabar daran, aan awoodin inuu fariisto ama naaska nuugo, kaddib markii uu la kulmay matag, shuban iyo cunto-xumo. Halima waxay la nooshahay aabbaheed oo muruqmaal ah, qoyskooduna wuxuu la daalaa dhacayaa helitaanka cuntada. Ka hor intaysan gaarin Isbitaalka Gobolka Mudug, waxay wiilkeeda geysay laba xarumood oo caafimaad oo u dhow, balse labaduba waa ay xirmeen kaddib markii ay baxeen hay’adihii taageeri jiray.
Dhanka kale dagaallo dhacay ayaa qoyskeeda ku khasbay inay barakacaan, taas oo laba toddobaad dib u dhigtay safarkoodii imaatinka isbitaalka. Maadaama aysan haysan lacagtii safarka, aabbaheed ayaa bixiyay US$20 si ay isbitaalka usoo gaaraan. “Noloshu way adag tahay,” ayay tiri. “Mararka qaarkood cunto waan helnaa, mararka qaarkoodna ma helno.” Markii ay ugu dambayn gaareen Isbitaalka Gobolka Mudug, wiilkeeda waxaa la dhigay qaybta nafaqo-darrada, halkaas oo lagu daweeynayey muddo lix maalmood ah.
MSF waxay taageertaa qaybta bukaan-jiifka ee nafaqo-darrada, hooyada iyo dhallaanka, qaybta carruurta, daaweynta qaaxada, go’doominta bukaannada qaba cudurrada faafa, adeegyada gurmadka deg-degga ah iyo caafimaadka dhimirka. Waxa kale oo ay bixisaa adeegyo bukaan-socod oo bilaash ah oo loogu talagalay carruurta aan u baahnayn in isbitaalka la seexiyo.

Qaybta nafaqo-darradu waxay leedahay 28 sariirood, balse tan iyo Abriil 2026 waxay qaabilaysay bukaanno ka badan awooddeeda, iyadoo mararka qaarkood ay tirada carruurtu gaartay ku dhowaad laba jibbaar awoodda sariiraha. Guud ahaan gobolka Mudug, maalgelin la’aanta gargaarka ayaa sababtay in la xiro xarumo caafimaad iyo kuwo nafaqo, taas oo carruur badan ku khasabtay inay isbitaalka yimaadaan kaddib markii ay ay waayeen daryeel kale oonn udhow gurigooda.
Intaysan Halima ka bixin qaybta nafaqo-darrada, waxay ka warrantay bogsashada wiilkeeda. “Markii aan halkan keenay, ma aanan filayn inuu noolaan doono,” ayay tiri. “Hadda wuu caafimaad qabaa, wuuna ciyaarayaa.”

Raac lingaxaan, siina faafi: https://msf.or.ke/news-and-resources/news/somalia-msf-

Hawa Abdisalam waxay leedahay afar carruur ah. Laba ka mid ah ayaa ku jira isbitaalka guud ee Gobalka Mudug ee magaalada...
15/10/2026

Hawa Abdisalam waxay leedahay afar carruur ah. Laba ka mid ah ayaa ku jira isbitaalka guud ee Gobalka Mudug ee magaalada Galkacyo; mid waxaa laga daweynayaa xanuunka nafaqo-darrada; kan kalena gawracato. Hawa iyo seygeedu waa xoolo-dhaqato ku nool meel u dhow deegaanka Balibusle, noloshooduna waxay ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha. Muddo shan ilaa lix bilood ah wax roob ah uma di’in. Xoolihii way tabar-darreeyeen, caannana malahan, taasoo Meesha ka saartay ilihii ugu muhiimsanaa ee nafaqada carruurta. “Xooluhu caano ma lahan. Carruurtuna way tabar-darreeyeen oo nafaqo-darro ayaa haleeshay,” ayay Hawa tiri.

Markii carruurtu xanuunsadeen, Hawa iyo seygeedu waxay u safreen Galkacyo iyagoo sii maray degmada Burtinle. Waxay ku hakadeen xarun caafimaad, halkaas oo carruurta laga siiyay kaniini qandhajabin ah, dabadeedna waxay sii wateen safarkoodii. Waxay iibiyeen qaar ka mid ah xoolihii u haray si ay u bixiyaan kharashaadka safarka. “Ma aanan xisaabin kharashka, balse lacag badan ayay ahayd,” ayay tiri. Markii ay soo gaareen Isbitaalka Gobolka Mudug ee ay taageerto hay’adda MSF, hal cunug ayaa laga helay gawracato, halka kan kalena laga helay xanuunka nafaqo-darrada.

MSF waxay taageertaa qaybta bukaan-jiifka nafaqo-darrada ee isbitaalka, taas oo leh 28 sariirood, balse tan iyo bishii Abriil 2026 waxa ay bukaannadu noqdeen xad dhaaf. Mararka qaarkood, tirada carruurtu waxay gaartay ku dhowaad laba jibbaar marka loo eego awoodda qaybta-nafaqadarrada ee isbitaalka. MSF waxay sidoo kale si bilaash ah u bixisaa adeegyada hooyada iyo dhallaanka, daryeelka carruurta, gurmadka deg-degga ah, iyo adeegyo kale oo caafimaad.

Raac lingaxaan, siina faafi: https://msf.or.ke/news-and-resources/news/somalia-msf-

Markii ilmaheeda oo jira 11 bilood uu soo ritay matag iyo shuban, Sabrin Axmed waxay isku dayday wax kasta oo ay awooddo...
14/10/2026

Markii ilmaheeda oo jira 11 bilood uu soo ritay matag iyo shuban, Sabrin Axmed waxay isku dayday wax kasta oo ay awooddo. Xarumaha ku yaalla mgaalada ay ku nooshahay ee Caabudwaaq waa ay awoodi waayeen inay caawiyaan, halka caanihii daaweynta ee gaarka u ahaa carruurta nafaqo-darradu hayso ay gabaabsi noqdeen. Maalmo kadib, ilmaheeda yar waxaa ku dhacay nafaqo-darro aad u daran.

Markii ay dhammaadeen fursadihii daryeel ee laga heli karay deegaanka, Sabrin waxay gashay safar adag oo qaatay 12 saacadood, oo ay u soo gashay Isbitaalka Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo. Safarkaasi wuxuu ugu kacay $50 — lacag aysan qoyskeedu awoodin.

“Markii aan joogney Caabudwaaq, suurtagal nooma ahayn inaan helno dawooyinkii loo baahnaa iyo caanihii daaweynta,” ayay tiri Sabrin.

Markii ay Gaalkacyo soo gaareen, isla markiiba waxaa ilmaheeda la seexiyay qaybta bukaan-jiifka ee lagu daweeyo nafaqo-darrada. Halkaas ayey ka heshay daaweynta naf-badbaadinta ah iyo daryeelkii caafimaad ee ay ubaahnayd si ay usoo kabato — dhammaantoodna waa bilaash.

MSF waxay taageertaa qaybta bukaan-jiifka ee daaweynta nafaqo-darrada ee Isbitaalka Gobolka Mudug, waxayna carruurta ay hayaan xaaladaha caafimaad ee halista ku ah noloshooda siisaa daryeel caafimaad oo bilaash ah.

Guud ahaan gobolka Mudug, hoos udhaca ku yimid maalgelinta gargaarka banii’aadanimo ayaa sababay in la xiro xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaanka, taas oo qoysas badan ku khasabtay inay masaafo dheer u safraan si ay u helaan daryeel caafimaad oo markii h**e laga heli jiray meelaha u dhow guryahooda.

Sabrin oo isu diyaarinaysa inay gurigeedii kula noqoto ilmaheeda oo si buuxda uga soo kabtay xanuunkii hayey, ayaa ka hadashay dhibaatada ay qoysas badani wajahayaan: “Haddii adeeg caafimaad oo sidan oo kale ah laga heli lahaa Caabudwaaq, dadkeennu kuma khasbanaadeen inay galaan safarkan dheer ee kharashka badan.”

Raac lingaxaan, siina faafi: https://msf.or.ke/news-and-resources/news/somalia-msf-calls-treatment-malnutrition-be-restored-across-mudug-

For three years, Fatuma* lived with psychosis, hearing voices and feeling constantly watched. The condition stole her sl...
13/10/2026

For three years, Fatuma* lived with psychosis, hearing voices and feeling constantly watched. The condition stole her sleep and appetite, leaving her exhausted and agitated. Her family initially didn't believe it was a real medical condition, and past treatment hadn't worked.

“People used to speak inside my head,” Fatuma recalls. “It had a massive impact on me, and for a period of three years, I could not sleep.”

In December 2025, her brother brought her to Bay Regional Hospital in Baidoa. There, mental health teams provided her with medication, counselling, and continuous follow-up. Her brother actively joined in supporting her care.
With time, medication, and coping strategies, the voices eased. Fatuma regained her sleep, appetite, and daily independence.

“It changed many things in my life and brought me hope,” she says. “I made progress and got married once I felt healthy again.”

In Baidoa, MSF works with the Ministry of Health to provide free, confidential mental health consultations, counselling, and psychiatric care. Between January and June 2026 alone, MSF teams held over 5,200 mental health consultations across Baidoa and Mudug.

*Name changed to protect privacy.

Many people in Baidoa and Mudug first come to hospital with complaints of headaches, chest tightness or stomach pain. Of...
12/10/2026

Many people in Baidoa and Mudug first come to hospital with complaints of headaches, chest tightness or stomach pain. Often, the cause is persistent stress, worry or low mood.

Between January and June 2026, MSF teams held 5,267 mental health consultations at the hospitals we support in Baidoa and Mudug. With very few psychiatrists in Somalia, we have trained doctors from several hospital departments to diagnose and treat mental health conditions. Counselling, psychiatric care and follow-up are free and confidential.

This , we are asking for mental health care to be treated as a core health service in Somalia, like care for physical illness, with trained mental health staff, a reliable supply of psychiatric medication and services close to where people live.

Address

Buula Hubey Village, Wadajir District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MSF Somalia/Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share