29/01/2026
Ayadoo ay sii kordhayso saameynta Abaaraha iyo biyo la'aanta ka taagan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Bay ayaa waxaa socda dadaalo bulshadu isugu gurmanayaan, waxaana boqolaal qoys oo kunool magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ay ka faaidaysteen howlo biyo dhaamin ah oo Hay'adda (Jawaari Foundation) ka bilowday.
Qoysaska danyarta ah ee kunool qaar kamid ah kaamamka magaalada Baydhabo iyo deegaanka lagu magacaabo Germegil oo Qiyaastii in ka badan 10 km u jirta magalada baydhabo ayaa ka faaideystay biyo dhaamintaasi,taasi oo wax ka bedeli doonto xaaladaha biyo la'aanta ah.
Qaar kamid ah dadkii gargaarka biyo dhaaminta ah loo sameeyey ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta hay'adda (Jawaari Foundation) garab istaaga ay muujiyeen,waxayna codsadeen in la joogteeyo gargaarka baniaadanimo. Cod
Howlaha biyo dhaaminta ayaa horey looga sameeyey degmada Buurhakaba oo kamid ah deegaanada abaaruhu ay saameeyeen ee gobolka Baay, waxaana sii socon doona ololaha kale oo lahu gaarsiinayo qoysas hor leh.
Tani ayaa dhiirogelinaysa in bulshada dhexdeeda ay xoojiyaan isku gurmashada xiliyada ay jiraan dhibaatooyinka dabiiciga ah. Sida xaaladaha dhinaca nolosha ah.