26/06/2025
26-ka Juun 1960 – Maalin Dahabi ah oo aan xasuus gaar ah u hayno.
Waa maalintii calankii buluuga ahaa ee Soomaaliyeed uu markii ugu horreysay cirka u kacay magaalada Hargeysa, taasoo calaamad u ahayd xornimada gobollada Waqooyi (British Somaliland).
Waa maalintii shacabka Soomaaliyeed uu muujiyey geesinimo, isutag, iyo rabitaan qaranimo. Halgameyaashii nafahooda u huray gobannimada maanta waxay mudan yihiin in la xasuusto, la maamuuso, lana dhaqan galo hamigii ay u dhintaan — Qaran mid ah, xor ah, cadaalad ah.
Xusuusnow: Taariikhda lama iloobo, la iskuma dhaxalwareejiyo, balse waa la difaacaa oo lagu faanaa!
Hambalyo 26-ka Juun! 🇸🇴