Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA the Somali Youth Development Association SYDA has worked on the Development of Somali Youth

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA) oo ka Qayb Galay Daahfurka Madasha SOYPA Vision HubGudd...
24/10/2025

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA) oo ka Qayb Galay Daahfurka Madasha SOYPA Vision Hub

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Mudane Maslah Shariif Ibrahim ayaa maanta ka qeyb galay daahfurka madasha SOYPA Vision Hub, oo ah madal loogu tala galay in lagu xoojiyo hal-abuurka, iskaashiga iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madashan ayaa ujeeddadeedu tahay in ay dhalinyarada ku dhiirrigeliso hal-abuurnimo, hogaamin iyo iskaashi wax ku ool ah, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha SYDA, Mudane Maslah Shariif Ibrahim, ayaa madasha ka jeediyey hadal dhiirrigelin iyo bogaadin ah, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed la siiyo meel ay ku kobciyaan fikirradooda iyo xirfadahooda, si ay mustaqbal wanaagsan u dhisaan.

Ururka SYDA ayaa ka mid ah ururrada sida dhow ula shaqeeya hay’adaha iyo madalaha taageera dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo hormuud ka ah barnaamijyo badan oo dhallinyaro lagu horumarinayo.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA) ee Jubbalandayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay carruurta danta ya...
16/10/2025

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA) ee Jubbaland
ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay carruurta danta yar ee uu ururku u deeqay waxbarasho bilaash ah (free education).

Intii lagu guda jiray xafladda, Guddoomiyaha SYDA ee Jubbaland, Marwo Naciimo Farxaan, ayaa sheegtay in ururku sii wadi doono dadaallada lagu taageerayo waxbarashada carruurta aan haysan awoodda ay ku helaan fursad waxbarasho.

Waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay waalidiinta iyo bulshada in ay ka qeyb qaataan kobcinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed iyada oo waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo nabadda mustaqbalka dalka.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA) ee Jubbaland, Marwo Nicmo Farxan, ayaa booqasho dhiirri...
14/10/2025

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA) ee Jubbaland, Marwo Nicmo Farxan, ayaa booqasho dhiirrigelin iyo daryeel isugu jirta ku tagtay dadka danta yar ee aan haysan fursad waxbarasho oo ku nool magaalada Kismaayo.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu ururka SYDA ugu jiro kor u qaadidda nolasha dhalinyarada iyo dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa u baahan taageero dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha nolosha.

Guddoomiyaha ayaa inta lagu guda jiray booqashada la kulantay waalidiin iyo caruur u baahan waxbarasho, iyadoo balanqaadday in SYDA ay ka shaqeyn doonto sidii carruurtaasi u heli lahaayeen fursado waxbarasho iyo kaalmo joogto ah.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA), Mudane Maslah Shariif Ibrahim, ayaa ka qeyb galay xafl...
13/10/2025

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA), Mudane Maslah Shariif Ibrahim, ayaa ka qeyb galay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay buug cusub oo la magac baxay “Xusuus Reebkii Carta.”

Buuggan waxaa qoray mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna si qoto dheer uga hadlayaa waayo-aragnimooyin iyo dhacdooyin muhiim ah oo taariikhi ah oo la xiriira dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan shirkii Carta ee dib-u-heshiisiinta.

Munaasabadda daah-furka ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay, iyadoo ay goobta ka jeediyeen hadallo dhiirrigelin ah mas’uuliyiin iyo haldoor dhalinyaro ah.

Guddoomiyaha SYDA, Mudane Maslah Shariif Ibrahim, ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dhiirrigelin iyo bogaadin ah, isaga oo amaanay dadaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhinaca aqoonta iyo hal-abuurka. Wuxuu ku booriyay in la sii wado qorista iyo kaydinta taariikhda dalka, si ay jiilasha soo socda uga faa’iideystaan.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed! Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta o...
12/10/2025

Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, munaasabadda 12-ka October, oo ah Maalinta Calanka Qaranka Soomaaliyeed.

Maalintan waxaa lagu xusuustaa 71 sano ka hor markii ummadda Soomaaliyeed ay caalamka ku yeelatay baadisooc iyo astaan mideysa — Calanka buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA),
Mudane Jamal Mahamed Geele
ayaa ugu hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed maalintan qiimaha leh, isagoo ku boorinaya dhalinyarada Soomaaliyeed in ay dhowraan, xushmeeyaan, oo ay ku faanaan Calanka Qarankooda.

Calankeennu waa astaan midnimo, sharaf iyo qaranimo.
Noolow Calanka Soomaaliyeed!

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Madax waxbarshada iyo tababarada oo had kajediyay  shirweynahy ururda bulshada rayidka somaliyeed mudane cali mohamed nu...
06/10/2025

Madax waxbarshada iyo tababarada oo had kajediyay shirweynahy ururda bulshada rayidka somaliyeed mudane cali mohamed nuur

Hadal jedinta gudomiyaha ururka Horumarinta Dhalinyarada somaliyed SYDA  Mudane Maslah Shariif Ibrahim  ee shir weeynaha...
06/10/2025

Hadal jedinta gudomiyaha ururka Horumarinta Dhalinyarada somaliyed SYDA Mudane Maslah Shariif Ibrahim ee shir weeynahay ururda bulshada rayidka somali

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA  Ururka SYDA wuxuu aaminsan yahay in waxbarashadu ay tahay tiirka ugu wey...
04/10/2025

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA

Ururka SYDA wuxuu aaminsan yahay in waxbarashadu ay tahay tiirka ugu weyn ee horumarka dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay door muhiim ah ku leedahay dhismaha mustaqbal wanaagsan iyo horumarinta bulshooyin adkaysi leh.

Waxaan ka shaqeyneynaa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursado waxbarasho iyo horumarineed, si ay mustaqbalkooda iyo kan dalka Soomaaliyeedba ugu dhisaan aqoon iyo karti.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

29/09/2025

Madax Xiriirka Gobolka Gedo mudame Hon Abdifitah Abdi Bulle ee Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA

Balad Xaawo – 29/09/2025Abdifitaax Haji Abdi Bule, oo ah Madaxda Xiriirka Gobolka Gedo ee Ururka Horumarinta Dhalinyarad...
29/09/2025

Balad Xaawo – 29/09/2025

Abdifitaax Haji Abdi Bule, oo ah Madaxda Xiriirka Gobolka Gedo ee Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYDA) Jubbaland, ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta iskuulka Bananey Primary School, oo ka mid ah iskuulada magaalada Balad Xaawo.

Intii lagu guda jiray booqashada, wuxuu ku ammaanay qaabka waxbaridda ee iskuulka iyo dadaalka maamulka iskuulka uu ku bixinayo kobcinta waxbarashada carruurta.

Sidoo kale, waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Gudoomiye Ku-xigeenka iskuulka, Musbaax Maxamed Abshir, oo ku qaabilay xafiiska maamulka.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Baydhabo – Kulanka Wada-tashiga ee Qorshayaasha Istiraatiijiga ah ee BooliiskaGuddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyara...
25/09/2025

Baydhabo – Kulanka Wada-tashiga ee Qorshayaasha Istiraatiijiga ah ee Booliiska

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA laanta Koonfur Galbeed, Mudane Abdirizack Ali Hassan, ayaa maanta ka qeyb galay kulan muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu falanqeeyay Qaabka Cusub ee Booliiska Soomaaliya (New Policing Model), iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada amniga iyo wada-shaqeynta bulshada.

Ururka SYDA waxa uu mar walba diyaar u yahay inuu kaalin muuqata ka qaato dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo horumarka bulshada.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Iskaashi Waxbarasho – SYDA & Iskuulka Ganane Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA laanta Jubaland oo ay hoggaa...
23/09/2025

Iskaashi Waxbarasho – SYDA & Iskuulka Ganane

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA laanta Jubaland oo ay hoggaamiso Guddoomiso DRS Nimco Farxaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Jubaland Mudane Mohamed Khadar Diriye Mohamed, ayaa heshiis iskaashi waxbarasho la galay Iskuulka Ganane.

Ujeeddada iskaashigan waa in la xoojiyo taageerada waxbarasho ee carruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee aan haysan fursado waxbarasho, iyadoo la iska kaashanayo sidii loo gaarsiin lahaa aqoon iyo horumar.

Xafiiska Warfaafinta
Ururka Horumarinta Dhalinyarada somaliyed SYDA
252614855032 252684546492
[email protected]

Address

Isgoysaka Shaqalaha
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Horumarinta Dhalinyarada Somaliyed SYDA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share