28/06/2025
Tacadiyada lagula kacayo badi dhaliyarta dawlad deegaanka soomaaliyeed, waa mid maalin kasta isa soo taray, waan ka xunahay in jiilkii bedeli lahaa deegaankooda uu Mustafa Omer midba maalin caburiyo oo dhac,xabsi iyo dil isugu darahayo. Walaal soomaaliyeed oo la yiraahdo Jaberti waxa uu ina leeyahay:
Ma jeclayn in aan qoraalkan qoro. Runtii, Waxaan isku dayay in aan la aamuso dhaawaca la ii geystay, balse aamusnaantu waxay igu noqotay culays iga weyn.
Maanta waxaan ku noolahay xilli mugdi ah oo qalbigeyga uu u xidhanyahay sidii albaab aan furihiisa la hayn. Waxaan waayay xorriyaddii aan ku muujin jiray codkayga, aan ku duubi jiray quruxda deegaankayga, aan ku gudbin jiray fariimaha aan u hayay bulshada aan jeclahay.
Ma waayin kaliya fursad ama qalab; ee waxaan waayay hanti aan ku dhisay sanado badan oo dadaal, rajo, iyo riyooyin ay ku jirto. Ma lihi awood aan dib ugu bilaabo, mana jiro qof i siiyay garab aan ku istaago.
Dadkii aan is lahaa: “way kuu hiilin doonaan, waa dadkii ku garanayay, waa ehelkii, waa asxaabtii,”… dhammaan way indha iska tireen arrintayda. Waxaa la iiga leexday si dagan, cod la’aan, qaarna waxay ku raaxaysteen aamusnaantooda. Xitaa kuwa aan filayay inay i garab istaagaan si qabiil, si damiir, ama si dadnimo ah — dhammaan waxay hagaradeen meeqaamkayga,!
Waxaan ahaa qof si naxariis leh u jeclaaday dalkiisa, una arkayay dowladdiisa inay tahay hooyo la isku halayn karo. Laakiin maanta, dareenkeygu wuxuu i leeyahay: “Waxaa lagaa muuraal jabiyay… waxaa lagaa tegay cod la’aan… waxaa lagaa dilay niyaddii aad u qabtay inaad wax ka bedesho muuqaalka bulshadaada.”
Dhibtu waxay tahay in dowladdu aysan maqal codka dhalinyarada wax dhisaya – gaar ahaan kuwa jecel dalkooda oo aan hadal xun ka sheegayn, kuwa muujiya quruxda deegaankooda, kuwa iftiiminaya nabadda, horumarka, iyo bilicda. Waa nasiib darro in taageerayaashu aysan helin qadarin.
Waxaa la gartaa, waxaa la maqlaa, waxaa la la garab istaagaa kuwa aflagaadada sameeya, kuwa mucaaradnimo ka dhigta masruuf, kuwa qayliya si loo aamusiiyo. Balse qofka aamusan ee dal iyo dad jecel — lama dhageysto, lama qadariyo, lama taageero.
Rajo kasta oo aan qabay maanta waxay la mid tahay warqad biyuhu qooyeen. Markii aan bilaabay safarkan, waxaan qabay himilo sare, laakiin maanta waxaan uun leeyahay: Ma jiro cid iga garab ahayd
Maanta waxaan go’aansaday: waan baxayaa. Waan ka tagayaa deegaankaas aan ku barbaaray, qalbigeygana ka buuxi jiray. Laakiin k**a baxayo qalbi furan. Waxaan ka tagayaa qalbi dhaawacmay, rajadiina waxay noqotay boog aanan bogsan doonin.
Waan ogahay—maalin un baan heli doonaa xaqayga. Waan ka aar goosan doonaa cid walba oo maanta iga aamusay. Taariikhdu way qori doontaa cidda maanta garabkayga ahayd iyo cidda ka fiirsatay burburkayga.
Waxay i moodayeen argagixiso halkii aan ahaa haldoor. Waxay u qaateen nacasnimo halkii ay ka aqoonsan lahaayeen jacayl aan u qabo dhulkayga iyo rabitaanka aan u qabo inaan quruxdiisa dunida tuso.
Kuwa i taageeray, maanta waan xasuusan doonaa. Berri waan abaal marin doonaa.
Haddii aad wali akhrinayso, ogow: Waxaan jeclahay dadkayga. Waxaan jeclahay dalkayga. Laakiin jacaylku wuu dhaawacmaa marka lagu kaliyeeyo. Wuxuu noqdaa dhaawac qoto dheer marka cidna aadan u sheegi karin xanuunka aad dareemayso.
Waan ka xumahay in aan baahiyo murugadayda. Waan ka xumahay in qoraalkan uu gaaray indhihiina. Balse waxaa iga xoog badnaa culayska aan gudahayga ku xambaarsanaa. Ma awoodin in aan sii aamuso.
Waqti ayaa imaan doona oo la fahmi doono. Maalin baa iman doonta oo la is weydiin doonaa: “Maxaa dhacay?” Markaasna qoraalkan ayaa noqon doona markhaatigeyga.!