Somali Human Rights Advocates SHRA

Somali Human Rights Advocates SHRA Waxa aan u taaganahay bulshada Soomaaliyeed ee la dulmiyey oo deegaanka kasta lagu dhibaateeyey.

19/09/2025
Waa wax laga xumaado in inan yar oo derbi jiif ahaa, oo xaq loo siin waayey nolol iyo in uu noqdo qof wax la baro ama xi...
15/09/2025

Waa wax laga xumaado in inan yar oo derbi jiif ahaa, oo xaq loo siin waayey nolol iyo in uu noqdo qof wax la baro ama xirfado lagu dhiso, inuu maanta Somaliland maxbuus u yahay.

Xuseen Mandeela oo loo yaqaanay Afhayeenka Darbi Jiifka waa Rajay iyo Agoon aan Aabbe iyo Hooyo toona lahayn isla markaasna ku koray Nolol adag.

Muddo Sannad iyo 6 Bilood ah ayuu kuxiranyahay Xabsiga Mandheera ee Somaliland. Xuseen waxyaabaha lagu haysto waxaa kamid ah in uu yiri " Madaxweynahaygu waa Farmaajo" iyo in uu kahadlay Dagaalkii Laascaanood.

Xuseen cid udooda cid udamqata iyo cid xabsiga kubooqata majirto, waxaana lagu dhex ilaaway Xabsiga, waxaa xirtay xukuumadii h**e ee Muuse Biixi.
Wasaaradda Caddaaladda JSL

30 nin oo bajaajley ah in ka badan ayaa maalintii shalay ahayd kufsi ugu gaysatay gabadhaan xaafada dayniile ee muqdisho...
07/07/2025

30 nin oo bajaajley ah in ka badan ayaa maalintii shalay ahayd kufsi ugu gaysatay gabadhaan xaafada dayniile ee muqdisho.

Waxaa la sheegay in mudo shansaac ku dhow gabadhan oo miyir daboolan ay taalay goobta uu ka dhacay kufsiga ugu danbayna laamaha amniga ayaa geeyey goib cafimaad.

Miyaad maqashay arintaan halista ee foosha xun awayse dadka markasta tabin jiray dhacdooyinka biniaadannimada ka baxsan

Xogasho= kadaba taga waxa qarsoon

Tacadiyada lagula kacayo badi dhaliyarta dawlad deegaanka soomaaliyeed, waa mid maalin kasta isa soo taray, waan ka xuna...
28/06/2025

Tacadiyada lagula kacayo badi dhaliyarta dawlad deegaanka soomaaliyeed, waa mid maalin kasta isa soo taray, waan ka xunahay in jiilkii bedeli lahaa deegaankooda uu Mustafa Omer midba maalin caburiyo oo dhac,xabsi iyo dil isugu darahayo. Walaal soomaaliyeed oo la yiraahdo Jaberti waxa uu ina leeyahay:

Ma jeclayn in aan qoraalkan qoro. Runtii, Waxaan isku dayay in aan la aamuso dhaawaca la ii geystay, balse aamusnaantu waxay igu noqotay culays iga weyn.

Maanta waxaan ku noolahay xilli mugdi ah oo qalbigeyga uu u xidhanyahay sidii albaab aan furihiisa la hayn. Waxaan waayay xorriyaddii aan ku muujin jiray codkayga, aan ku duubi jiray quruxda deegaankayga, aan ku gudbin jiray fariimaha aan u hayay bulshada aan jeclahay.

Ma waayin kaliya fursad ama qalab; ee waxaan waayay hanti aan ku dhisay sanado badan oo dadaal, rajo, iyo riyooyin ay ku jirto. Ma lihi awood aan dib ugu bilaabo, mana jiro qof i siiyay garab aan ku istaago.

Dadkii aan is lahaa: “way kuu hiilin doonaan, waa dadkii ku garanayay, waa ehelkii, waa asxaabtii,”… dhammaan way indha iska tireen arrintayda. Waxaa la iiga leexday si dagan, cod la’aan, qaarna waxay ku raaxaysteen aamusnaantooda. Xitaa kuwa aan filayay inay i garab istaagaan si qabiil, si damiir, ama si dadnimo ah — dhammaan waxay hagaradeen meeqaamkayga,!

Waxaan ahaa qof si naxariis leh u jeclaaday dalkiisa, una arkayay dowladdiisa inay tahay hooyo la isku halayn karo. Laakiin maanta, dareenkeygu wuxuu i leeyahay: “Waxaa lagaa muuraal jabiyay… waxaa lagaa tegay cod la’aan… waxaa lagaa dilay niyaddii aad u qabtay inaad wax ka bedesho muuqaalka bulshadaada.”

Dhibtu waxay tahay in dowladdu aysan maqal codka dhalinyarada wax dhisaya – gaar ahaan kuwa jecel dalkooda oo aan hadal xun ka sheegayn, kuwa muujiya quruxda deegaankooda, kuwa iftiiminaya nabadda, horumarka, iyo bilicda. Waa nasiib darro in taageerayaashu aysan helin qadarin.

Waxaa la gartaa, waxaa la maqlaa, waxaa la la garab istaagaa kuwa aflagaadada sameeya, kuwa mucaaradnimo ka dhigta masruuf, kuwa qayliya si loo aamusiiyo. Balse qofka aamusan ee dal iyo dad jecel — lama dhageysto, lama qadariyo, lama taageero.

Rajo kasta oo aan qabay maanta waxay la mid tahay warqad biyuhu qooyeen. Markii aan bilaabay safarkan, waxaan qabay himilo sare, laakiin maanta waxaan uun leeyahay: Ma jiro cid iga garab ahayd

Maanta waxaan go’aansaday: waan baxayaa. Waan ka tagayaa deegaankaas aan ku barbaaray, qalbigeygana ka buuxi jiray. Laakiin k**a baxayo qalbi furan. Waxaan ka tagayaa qalbi dhaawacmay, rajadiina waxay noqotay boog aanan bogsan doonin.

Waan ogahay—maalin un baan heli doonaa xaqayga. Waan ka aar goosan doonaa cid walba oo maanta iga aamusay. Taariikhdu way qori doontaa cidda maanta garabkayga ahayd iyo cidda ka fiirsatay burburkayga.

Waxay i moodayeen argagixiso halkii aan ahaa haldoor. Waxay u qaateen nacasnimo halkii ay ka aqoonsan lahaayeen jacayl aan u qabo dhulkayga iyo rabitaanka aan u qabo inaan quruxdiisa dunida tuso.

Kuwa i taageeray, maanta waan xasuusan doonaa. Berri waan abaal marin doonaa.

Haddii aad wali akhrinayso, ogow: Waxaan jeclahay dadkayga. Waxaan jeclahay dalkayga. Laakiin jacaylku wuu dhaawacmaa marka lagu kaliyeeyo. Wuxuu noqdaa dhaawac qoto dheer marka cidna aadan u sheegi karin xanuunka aad dareemayso.

Waan ka xumahay in aan baahiyo murugadayda. Waan ka xumahay in qoraalkan uu gaaray indhihiina. Balse waxaa iga xoog badnaa culayska aan gudahayga ku xambaarsanaa. Ma awoodin in aan sii aamuso.

Waqti ayaa imaan doona oo la fahmi doono. Maalin baa iman doonta oo la is weydiin doonaa: “Maxaa dhacay?” Markaasna qoraalkan ayaa noqon doona markhaatigeyga.!

Dorraad ayaa xilli duhurkiiya ay u diyaargarowday inay aado/tagto madarasad Qur’aanka ay ka dhigan jirtay, ka dib meelah...
27/06/2025

Dorraad ayaa xilli duhurkiiya ay u diyaargarowday inay aado/tagto madarasad Qur’aanka ay ka dhigan jirtay, ka dib meelaha 12:30pm ayaa cid ugu dambaysay xaafaduna waxay moodayeen inay ku maqan tahay madarasadiii.

Ka dib galabtii way iman wayday fiidkii ayaa la raadiyay waa la waayay ilaa habeenkii intii la raadin karayay waa la raadiyay, waxba war iyo wacaal midna lama helin.

Shalay subaxnimadii baa adeerkeed isoo diray sawirka iyo warbixinta, ka dibna waynu baafinay, goor dambe oo casarkii ah baa meydkeeda lag helay xaafd ka mida xaafdaha jigjiga deegaanka soomaalida.

Baadhis ayaa lagu sameeyay waxay noo sheegen qolyaha caafimaadku in la kufsaday, ka dibna la dilay islamarkanaa lagu soo tuuray meel carrada guryha lagu dhiso laga qodo, waana meesha laga soo helay meeshaasi!

Intaa wax dhaafsan oo ilaa imka la hayaa ma jirto, laamaha amaanka iyo kuwa caddaalada ayay Ugbaad yar sugaysaa inay bal wuxuun raad soo helaan, ama tixraac ilmahaasi waxa sidaa bilaa arxanka ah u dilay, inay caddaalada hor keenaan.

Alle qalbiga ha uga reebo waalidkeedii oo ilaa xalay murugada iyo walbahaarka ka muuqday uu igaga darnaa geerida saqiirka yar.

W/Q: Mowliid Axmed Ismaaciil.

Address

Number4 Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Human Rights Advocates SHRA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share