21/12/2025
Gadoomiye ku xigeenka Midowga Dhalinyarada Digil Hon Abdullahi Yusuf Mohamed iyo Afhayeenka Midowga Dhalinyarada Digil Hon Yusuf Mohamed Aden ayaa ka qeyb galay Shirka 7aad ee Sanadlaha ah ee Adkeysiga Dhalinyarada (Youth Resiliency Conference) oo lagu qabtay Hotel Jazeera, Muqdisho, kuna saabsanaa “Beyond Borders: Youth Shaping a Resilient & Peaceful Future”.
Ka-qeybgalka mas’uuliyiintan ayaa muujinaya doorka firfircoon ee Midowga Dhalinyarada Digil ee horumarinta nabadda, adkeysiga, iyo isku xirka dhalinyarada, iyagoo la wadaagay aragtiyo wax ku ool ah oo ku aaddan mustaqbal nabdoon oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada.