17/07/2026
๐๐จ๐๐๐๐ก๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐ก๐ง๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ก๐ง๐๐ ๐ช๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐ถ๐บ๐ฐ๐ผ; 17/ 7/ 2026: Alxamdulillaah. Maanta waxaa si sharaf iyo walaaltinimo ku dheehan tahay isugu yimid dhammaan macallimiinta Ololaha Bar Oo Badbaadi Bulshadada .
Wuxuu ahaaa kulan lagu milicsaday safarkii quruxda badnaa ee aan soo wada marnay; maalmo ay ka buuxeen casharo nololeed, aanse uga soo wada gudubnay samir, is-garab istaag, isku xirnaan, naf-hurnimo iyo adeeg bulsho oo daacadnimo ku dhisan. Macallin kasta wuxuu qayb ka noqday iftiinka aqoonta ee gaadhay boqollaal carruur ah.
Sidoo kale, kullanka waxaa lagu wadaagay qorshaha wejiga saddexaad ee Ololaha, waxaana la isla qaatay in dib la isugu soo laaban doono xilliga loo asteeyo bilaabashada wejiga seddexaad, si loo sii ambaqaado himiladii ahayd in aqoontu gaarto carruurta danyarta ah ee ku nool xarummaha barakacayaasha .
Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa dhammaan macallimiinta waqtigooda, dadaalkooda, dulqaadkooda ku bixiyay si ay ugu adeegeen bulshada inteeda nugul iyaga oo aan wax abaal-marin ah ka sugin.
Guusha Ololaha ma'aha mid qof keliya leeyahay; waa guul ay wada dhiseen oo ay wada leeyihiin dhammaan macallimiintaan halyeeyadda ah ee wada rumeysan in
๐ฆ๐๐ก๐๐ฃ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐๐๐๐๐๐ก๐ค ๐ฃ๐ค๐ก๐ค๐จ๐๐ ๐ฆ๐ค๐๐ ๐, ๐๐ฆ๐ค๐ค๐ฃ๐ฉ๐ช๐ฃ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐จ๐ค ๐๐ช๐ก๐จ๐๐๐๐.
Mahadsanidiin dhammaan macallimiinta Ololaha. Ilaahay ha idinka abaalmariyo khayrka aad beerteen, hana idin waafajiyo inaan mar kale isugu nimaadno wejiga saddexaad annaga oo leh himilo ka weyn inta aan soo saarnay, karti ka badan inta aan isticmaalnay iyo adeeg bulsho oo sii ballaartay.
๐๐ฎ๐ฟ ๐ผ๐ผ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ ๐ฏ๐๐น๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ.