Asal reer Xamar Jajab

Asal reer Xamar Jajab Boggani waa Bogga rasmiga ah Asal Xamar jajab waa madal lagu soo gudbiyo Taariikhda ,Hogaanka iyo Xasuuusta degmada xamar jajab. Mideynta Bulshada:
2.

Asalku waa aynu nahay ,magaca waa bulshadeena Shaqooyinka Asal Reer Xamar Jajba waxaa ka mid ah
1. Difaaca Danaha Bulshada:
3. Horumarinta Dhaqanka iyo Hidaha:
4. Taageerada Waxbarashada iyo Wacyigelinta:
5. Iskaashi iyo Wadajir:
6. Nabadda iyo Xasiloonida

01/11/2025

Caasimadda Iyo Ciyaaraha Dagmoyinka Gobalka Banaadir.
Isha Muuqaalka :Banaadir TV

DABEECADDA KU-MEELGAARKA AH EE AWOODDA IYO XIGMADDA IS-TUURKA (HUMILITY)Awooddu ma aha mid weligeed jirta — faa’iidada m...
01/11/2025

DABEECADDA KU-MEELGAARKA AH EE AWOODDA IYO XIGMADDA IS-TUURKA (HUMILITY)

Awooddu ma aha mid weligeed jirta — faa’iidada maanta la hayo berri waxay noqon kartaa khasaarahaaga. Dadka si caddaalad ah ula dhaqan, maxaa yeelay noloshu waxay leedahay hab ay jagooyinka iyo xaaladaha u beddesho.

1. AWOODDU WAA XILLI IS-BADALAYA

Ma jiro xil, darajo ama saameyn sii joogta weligeed. Taariikhdu marar badan waxay muujisay in kuwii awoodda lahaa la beddelay, la illoobay ama lagu xusuusto kaliya cashar.
Awooddu waa sida dabaysha — mar waa dhinacaan, marna waa dhinaca kale. Qofka caaqilka ahi wuu garwaaqsadaa taas, wuxuuna awoodda u adeegsadaa si masuuliyad leh, ma aha si lagu faano.

2. IS-TUURKA (HUMILITY) WUXUU ILAALIYAA WEYNIDA

Kibirku wuxuu yareeyaa cimriga awoodda. Dad badan ayaa ku dhacay ma aha aqoon la’aan, balse kibir ayaa indhahooda ka riday xaqiiqda.
Is-tuurka ayaa beddelka keena: wuxuu dheereeyaa saamaynta, wuxuuna keenaa kalsooni. Qofka is-hoosaysa waa mid wax dhageysta, wax barta, kana taliya qalbi naxariis leh.
Weynida dhabta ahi kuma jirto inta ku adeegta, balse inta adigu aad u adeegto.

3. AWOODDU WAA IMTIXAAN DABEECADDA

Awooddu ma beddesho dadka — waxay kaliya muujisaa ciddii ay dhab ahaan yihiin. Markuu qof xukun helo, waxa qarsoon ayaa bannaanka imanaya.
Qaar waxay awoodda u adeegsadaan dulmi, qaarna u adeegsadaan daryeel. Farqigaas waxaa sameeya dabeecad.
Hogaamiye aan daacad ahayn wuxuu noqdaa cadaalad-diid, balse hogaamiye xigmad leh wuxuu noqdaa barako.

4. IS-BEDDELKA LAMA HURTADA AH EE JAGOYINKA

Noloshu waa wareeg. Qofka aad maanta hoos u dhigto berri wuu kaa sarreyn karaa.
Duruufo way is rogaan — maal way timaadaa wayna tagtaa — balse naxariistu waa mid aan dhammaan.
Markaad dadka si sharaf leh ula dhaqanto xilliga ay daciif yihiin, waxaad beeraysaa rahmo laguu fidin doono mustaqbalka.

5. XIGMADDA KU DHAQANKA DADKA

Awoodda waxaa lagu miisaamaa naxariis. Saameyn aan naxariis lahayn waa madhan.
Hogaamiye xigmad leh wuu dhageystaa, wuu qadariyaa, wuxuuna ku hoggaamiyaa faham iyo dulqaad.
Waa xoog in lagu sii ahaado jilicsan markaad awood u leedahay inaad noqoto adag. Xigmad dhab ahna waa in la cafiyo markaad awood u leedahay inaad ciqaabto.

6. MARKA AWOODDA SI SAX AH LOO ADEEGSADO

Awoodda marka loo adeegsado caddaalad, run iyo jacayl, waxay noqotaa waddo horumar iyo barwaaqo.
Hogaamiyeyaasha wanaagsan waxay awooddooda ugu adeegaan sidii ay dadka u kicin lahaayeen, u difaaci lahaayeen runta, uguna abuuri lahaayeen fursado.
Awoodda dhabta ahi waa adeeg, ma aha is-kor u qaadid. Kuwa sidaas u adeegsada awoodda, magacoodu ma dabar go’o xitaa marka ay xilka ka tagaan.

7. SHARCI NAFSI AH OO LAMA HURTAA AH

Ficil kasta wuxuu leeyahay natiijo. Qofka dadka dulmiya, maalintaas wuu wajihi doonaa dulmigii uu sameeyay.
Noloshu waxay leedahay miisaan Ilaahay dejiyay oo abaalmarisa wanaagga, oo muujisa kibirka.
Sidaad dadka ula dhaqanto xilliga aad awoodda hayso ayaa go’aaminaysa sida laguu dhaqmi doono marka xaaladdu is beddesho.
Dooro naxariis halkii aad ka dooran lahayd musuq, dooro caddaalad halkii aad ka dooran lahayd eex — waayo wixii aad beerto markaad awood haysato, adiga ayaa goosan doona markaad tabarto.

QODOBADA MUHIIMKA AH EE LAGA FAA’IIDAYO

Awooddu waa la amaahday, lama laha — si xushmad leh ula macaamil.

Is-tuurku waa xoogga dhabta ah ee sii haya saamaynta.

Dabeecaddu waa saldhigga awoodda xasilloon.

Noloshu mar walba way rogmataa — hoggaami caddaalad iyo naxariis.

Awoodda dadka loogu adeego way ka cimri dheer tahay tan lagu adeegto nafta.

Caqli iyo is-hoosaysi ayaa hogaaminta dhabta ah lagu gartaa, waayo berri adiga ayaa laga yaabaa in laguu naxariisto.

Asal Xamar Jajab

Laga bilaabo Abu Dhabi ilaa Boosaaso iyo El-Faashir… Buundada dhimashada ee ay dhistay Imaaraatka, ay fududeysay Puntlan...
01/11/2025

Laga bilaabo Abu Dhabi ilaa Boosaaso iyo El-Faashir… Buundada dhimashada ee ay dhistay Imaaraatka, ay fududeysay Puntland, laguna xasuuqay Sudan

Darfur: halka dhimashadu aysan u baahnayn oggolaansho

El-Faashir — magaalada masiibadu ku habsatay ee Suudaan — waxay wajahayso musiibo cusub kadib markii ay gacanta u gashay ciidanka Rapid Support Forces (RSF).
Warbixino la hubo ayaa sheegaya in in ka badan 2,000 oo rayid ah lagu dilay maalmo gudahood, halka in ka badan 250,000 qof ay wali ku go’doonsan yihiin gaajo iyo barakicin qasab ah.

Laakiin xaqiiqdu way ka sii weyn tahay Sudan oo keliya; waxaa jira cid dabka sii hurineysa iyo cid fududeyneysa in dilaayaashu ay gaaraan dadka rayidka ah.

(Sheekadu waxay ka bilaabataa Boosaaso)

Kumanaan kiiloomitir oo u jirta Darfur, magaalada Boosaaso ee waqooyiga Soomaaliya, siyaasadda iyo dhiiggu way is bartaan.
Sida ay sheegayaan baaritaanno caalami ah (oo ay ka mid yihiin Africa Intelligence), garoonka iyo dekedda Boosaaso ayaa loo beddelay xarumo lagu diro ciidan iyo hub u socda dagaalka Sudan.

Duulimaadyada iyo rar-gudbinta laga dirayo Boosaaso ma wataan badeecooyin caadi ah — waxay sideen ciidan la tababaray, hub culus iyo rasaas loo adeegsado dilka rayidka ee Darfur.

(Puntland – kaalin muuqata oo danbiyeed)

Puntland ma aha daawade.
Iyadoo u oggolaatay shirkadaha Imaaraadka inay si xor ah uga shaqeeyaan dekedda iyo garoonka Boosaaso, ayna u beddeleen xarumo ciidan, Puntland waxay noqotay ka qaybgal toos ah oo danbiga ah.
Duulimaad kasta oo qaada dagaalyahan iyo konteenar kasta oo hub ah oo soo mara Boosaaso wuxuu caddeynayaa in dhul Soomaaliyeed loo adeegsaday dagaal shisheeye, maamulka deegaanka ayaana fududeeyay arrintaas.

(Imaaraatka – maskaxda ka dambeysa buundada dhimashada)

Sida ay caddeeyeen ururka Amnesty International iyo Africa Intelligence, Imaaraatka Carabta waxay maamulaan shabakad adag oo lagu gudbiyo hubka iyo dagaalyahanada laga soo qaado saldhigyadooda ilaa Sudan, iyada oo la sii maro Boosaaso.

Warbixinahaas waxay muujinayaan:

Dib-u-soo-dhoofinta hub casri ah iyo rasaas loo sii mariyo ganacsato xiriir la leh Abu Dhabi.

Qandaraas lagu qoran yahay dagaalyahano laga keenay Kolombiya iyo Bariga Afrika si ay ugu biiraan RSF.

Diyaarinta garoonka Boosaaso si loogu beddelo xarun ciidan oo leh astaan rayid ah, laguna maamulo shabakad Imaaraad ah.

Tani waxay ka dhigtay dagaalka Darfur mid si toos ah ugu xiran qorshe dibadeed, Puntlandna waxay leedahay masuuliyad qayb ahaan ah sababtoo ah waxay fududeysay isticmaalka dhulkeeda.

(Dowladda Federaalka – aamusnaan laga shakiyo)

Haddaba su’aashu waa:
Ma ogtahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa dhulkeeda ka socda?
Mise waxay lumisay awooddii ay ku kormeeri lahayd gobolka arrin khatar ku ah amniga qaranka?

Aamusnaanta aan sababta lahayn waxay muujineysaa ka qaybgal dadban, halka Puntland ay ka noqotay ciyaaryahan dhab ah oo gacan ka geysanaya buundada dhimashada ee u dhaxeysa Boosaaso iyo El-Faashir.

---

(Natiijada – Darfur waa la laayaa, Soomaaliya waxay taagan tahay tijaabo anshaxeed)

Inta u dhaxeysa Boosaaso iyo El-Faashir waxaa ku fidsan shabakad dhiig ah: dagaalyahano, hub, qalab, iyo kumanaan rayid ah oo aan waxba galabsan.
Aamusnaanta ama fududeynta waxay ka dhigeysaa Soomaaliya mid ku lug leh, xitaa haddii aysan si toos ah u dagaallamayn.
Dhulka lagu isticmaalo gudbinta hubka iyo dagaalyahanada waa in la ilaaliyaa, haddii kale mas’uuliyadda akhlaaqeed iyo siyaasadeed waxay dusha ka saaran tahay dhammaan: Dowladda Federaalka, Puntland iyo beesha caalamka.

(Baaq loogu yeerayo damiirka Soomaaliyeed)

Dowladda Federaalka waa in ay furtaa baaritaan madax-bannaan iyo hufan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa garoonka iyo dekedda Boosaaso.

Puntland waa in ay si cad u sharaxdaa xiriirka ay la leedahay shirkadaha Imaaraadka, ayna xaqiijisaa in aan loo isticmaalin dhulkeeda dagaallo shisheeye.

Warbaahinta gudaha iyo tan caalamkaba waa in ay si joogto ah u daba-gasho arrintan oo ay soo bandhigaan shabakadda hubka iyo dagaalyahanada.

Aamusnaanta maanta micnaheedu waa ka-qaybgal, waxaana halis ah in Soomaaliya loo isticmaalo sidii buundo dhiig lagu daadiyo dagaal aan iyadu qayb ka ahayn — mid aan si fudud looga tirtiri doonin xusuusta shacabka.

✍️ Waxaa qoray:
Cabdirashiid Muxyadiin Kalmoy
Saxafiga & Dhaqdhaqaaqe Soomaaliyeed

إنالله وإناإليه راجعونكل نفس ذائقة الموتAllaha u naxariisto Walaalkeena    janadii firdowso Allaha ka waraabiyo qabrigee...
01/11/2025

إنالله وإناإليه راجعون
كل نفس ذائقة الموت
Allaha u naxariisto Walaalkeena janadii firdowso Allaha ka waraabiyo qabrigeeda Allaha u waasiciyo kitaabkiisa gacanta midig Allaha ka siiyo marti la Jecel yahay Allaha ka dhigo, ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Allaha kasiiyo.

🔦 𝗧𝗼𝗼𝘀𝗵𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗵𝗱𝗮 Asal Xamar Jajab 𝙈𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙤𝙤 𝙅𝙞𝙢𝙘𝙤 𝙖𝙝, 𝙬𝙖𝙭𝙖 uu 𝙞𝙛𝙩𝙞𝙞𝙢𝙞𝙣𝙖𝙮𝙖 𝙝𝙖𝙡𝙮𝙚𝙮𝙜𝙞𝙞 𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙖 𝙚𝙚 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙖𝙝𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖,  -𝙝𝙖𝙖...
31/10/2025

🔦 𝗧𝗼𝗼𝘀𝗵𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗵𝗱𝗮 Asal Xamar Jajab
𝙈𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙤𝙤 𝙅𝙞𝙢𝙘𝙤 𝙖𝙝, 𝙬𝙖𝙭𝙖 uu 𝙞𝙛𝙩𝙞𝙞𝙢𝙞𝙣𝙖𝙮𝙖 𝙝𝙖𝙡𝙮𝙚𝙮𝙜𝙞𝙞 𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙖 𝙚𝙚 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙖𝙝𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖,
-𝙝𝙖𝙖𝙙𝙞 ( ). Abdalla Alhaadi

𝙒𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙙𝙝𝙖𝙨𝙝𝙖𝙮 𝙙𝙚𝙜𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙓𝙖𝙢𝙖𝙧 𝙅𝙖𝙟𝙖𝙗, 𝙝𝙖𝙡𝙠𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙨𝙤𝙤 𝙗𝙖𝙧𝙗𝙖𝙖𝙧𝙖𝙮.
𝙔𝙖𝙧𝙖𝙖𝙣𝙩𝙞𝙞𝙨𝙖, 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙙𝙝𝙖𝙢𝙚𝙮𝙨𝙩𝙖𝙮 𝘿𝙪𝙜𝙨𝙞𝙜𝙖 𝙌𝙪𝙧’𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪𝙣𝙖 𝙟𝙚𝙘𝙡𝙖𝙖 𝙠𝙪𝙗𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙘𝙖𝙜𝙩𝙖. 𝙄𝙨𝙡𝙖 𝙭𝙞𝙡𝙡𝙞𝙜𝙖𝙖, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙗𝙖𝙧𝙩𝙖𝙮 𝙭𝙞𝙧𝙛𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙢𝙖𝙠𝙖𝙖𝙣𝙞𝙠𝙖𝙙𝙖 𝙗𝙖𝙖𝙗𝙪𝙪𝙧𝙩𝙖, 𝙭𝙞𝙧𝙛𝙖𝙙 𝙪𝙪 𝙢𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙠𝙖𝙜𝙖 𝙨𝙝𝙖𝙦𝙚𝙚𝙮𝙤 #𝙈𝙖𝙧𝙚𝙮𝙠𝙖𝙣𝙠𝙖.

𝙈𝙖𝙧𝙠𝙞𝙞 𝙗𝙪𝙧𝙗𝙪𝙧𝙠𝙞𝙞 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖 𝙙𝙝𝙖𝙘𝙖𝙮, 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞 𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙪 𝙦𝙖𝙭𝙖𝙮 #𝙔𝙖𝙢𝙖𝙣, 𝙝𝙖𝙡𝙠𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝙪𝙪 𝙠𝙪𝙡𝙖 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙖𝙮 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙩𝙤𝙮𝙙𝙞𝙞 𝙓𝙪𝙡𝙠𝙖 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙚𝙚 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖 𝙚𝙚 𝙦𝙖𝙭𝙖𝙮 𝙭𝙚𝙧𝙖𝙙𝙞𝙞 𝘼𝙡-𝙅𝙖𝙭𝙞𝙞𝙢.
𝘾𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙩𝙤𝙮𝙙𝙞𝙞 𝙪𝙪 𝙠𝙪𝙡𝙖 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙖𝙮 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙠𝙖 𝙢𝙞𝙙 𝙖𝙝𝙖𝙖: 𝘾𝙪𝙨𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙈𝙖𝙮𝙚 𝙎𝙠𝙤𝙙, 𝙓𝙖𝙖𝙟𝙞 𝘾𝙪𝙨𝙢𝙖𝙖𝙣, 𝙉𝙪𝙪𝙧 𝘾𝙖𝙣𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞 𝙈𝙖𝙘𝙖𝙡𝙞𝙢 𝙉𝙪𝙪𝙧 𝙂𝙪𝙧𝙚𝙮, 𝘼𝙐𝙉 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙎𝙝𝙖𝙧𝙞𝙞𝙛 “𝙆𝙞𝙡𝙡𝙚𝙧”, 𝘾𝙪𝙢𝙖𝙧 𝘿𝙝𝙤𝙤𝙠𝙝𝙚𝙮𝙚, 𝘼𝙗𝙙𝙞𝙧𝙞𝙨𝙖𝙦 𝘽𝙖𝙙𝙢𝙖𝙘𝙚𝙮, 𝙞𝙮𝙤 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙩𝙤𝙮 𝙠𝙖𝙡𝙚 𝙤𝙤 𝙗𝙖𝙙𝙖𝙣.

𝙆𝙖𝙙𝙞𝙗, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙪 𝙬𝙖𝙧𝙚𝙚𝙜𝙖𝙮 𝙎𝙖𝙘𝙪𝙪𝙙𝙞𝙜𝙖, 𝙝𝙖𝙡𝙠𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝙪𝙪 𝙠𝙖 𝙦𝙚𝙮𝙗 𝙜𝙖𝙡𝙖𝙮 𝙩𝙖𝙧𝙩𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙟𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙚𝙚𝙙 𝙚𝙚 𝙢𝙖𝙜𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙𝙖 𝙅𝙞𝙙𝙖.

𝙎𝙖𝙣𝙖𝙙𝙠𝙞𝙞 1996, #𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙪𝙨𝙤𝙤 𝙡𝙖𝙗𝙩𝙖𝙮 𝙈𝙪𝙦𝙙𝙞𝙨𝙝𝙤, 𝙤𝙤 𝙭𝙞𝙡𝙡𝙞𝙜𝙖𝙖𝙨 𝙠𝙖 𝙨𝙤𝙘𝙙𝙖𝙮 𝙝𝙤𝙧𝙮𝙖𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙪𝙜𝙪 𝙦𝙞𝙞𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙨𝙝𝙖𝙘𝙗𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙗𝙖𝙙𝙖𝙣 𝙚𝙚 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖.

𝙒𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙗𝙞𝙞𝙧𝙖𝙮 𝙉𝙖𝙖𝙙𝙞𝙜𝙞𝙞 𝙅𝙝𝙤𝙣 𝙆𝙖𝙧𝙡𝙤 (𝙝𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙡𝙤𝙤 𝙮𝙖𝙦𝙖𝙖𝙣𝙤 𝘿𝙖𝙠𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖). 𝙒𝙖𝙧𝙚𝙚𝙜𝙞𝙞 𝙡𝙖𝙗𝙖𝙖𝙙 𝙚𝙚 𝙝𝙤𝙧𝙮𝙖𝙖𝙡𝙠𝙖, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙙𝙖 𝙠𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙬𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙞𝙣𝙖𝙮 𝙜𝙖𝙖𝙧𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙖𝙖𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙨𝙖𝙙𝙖𝙭𝙖𝙖𝙙.

𝙃𝙤𝙧𝙮𝙖𝙖𝙡𝙠𝙞𝙞 𝙭𝙞𝙜𝙖𝙮, 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙙𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙡𝙤𝙤𝙜𝙪 𝙢𝙖𝙜𝙖𝙘 𝙙𝙖𝙧𝙖𝙮 𝘿𝙖𝙠𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖, 𝙝𝙖𝙡𝙠𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞 𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙪𝙪 𝙠𝙚𝙚𝙣𝙖𝙮 𝙛𝙞𝙣𝙖𝙡 𝙖𝙛𝙖𝙧𝙙𝙝𝙖𝙢𝙖𝙖𝙙𝙠𝙞𝙞, 𝙞𝙨𝙖𝙜𝙤𝙤 𝙠𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙬𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙙𝙖 𝙞𝙣𝙖𝙮 𝙠𝙖 𝙗𝙖𝙙𝙞𝙮𝙖𝙖𝙣 𝙎.𝙏.𝙎.

𝘾𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙩𝙞𝙞 𝙛𝙞𝙣𝙖𝙡𝙠𝙖, 𝘿𝙖𝙠𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙮 𝙡𝙖 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙚𝙚𝙣 𝙉𝙖𝙖𝙙𝙞𝙜𝙖 𝙀𝙡𝙢𝙖𝙣 𝙤𝙤 𝙠𝙖 𝙙𝙝𝙖𝙘𝙙𝙖𝙮 𝙜𝙖𝙧𝙤𝙤𝙣𝙠𝙖 K𝙤𝙣𝙞𝙨 𝙎𝙩𝙖𝙙𝙞𝙪𝙢.

𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙙𝙝𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙮 𝙜𝙤𝙤𝙡𝙠𝙖 𝙠𝙤𝙤𝙬𝙖𝙖𝙙 𝙚𝙚 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙙𝙖 𝘿𝙖𝙠𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖, 𝙡𝙖𝙖𝙠𝙞𝙞𝙣 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙩𝙖 𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙠𝙪 𝙙𝙝𝙖𝙢𝙢𝙖𝙖𝙩𝙖𝙮 1-1. 𝙍𝙞𝙜𝙤𝙤𝙧𝙖𝙮𝙖𝙖𝙨𝙝𝙞𝙞 𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙙𝙖 𝙀𝙡𝙢𝙖𝙣 𝙨𝙞𝙞𝙨𝙖𝙮 𝙠𝙤𝙤𝙗𝙠𝙖 29𝙖𝙖𝙙, 𝙗𝙖𝙡𝙨𝙚 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞 𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙖𝙝𝙖𝙖 𝙡𝙖𝙛-𝙙𝙝𝙖𝙗𝙖𝙧𝙩𝙖 𝙉𝙖𝙖𝙙𝙞𝙜𝙖 𝘿𝙖𝙠𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖, 𝙞𝙨𝙡𝙖 𝙢𝙖𝙧𝙠𝙖𝙖𝙣𝙖 𝙢𝙖𝙜𝙖𝙘 𝙬𝙚𝙮𝙣 𝙠𝙪 𝙡𝙖𝙝𝙖𝙖 𝙗𝙖𝙝𝙙𝙖 𝙨𝙥𝙤𝙧𝙩𝙞𝙜𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖 𝙜𝙖𝙖𝙧 𝙖𝙝𝙖𝙖𝙣 𝙈𝙪𝙦𝙙𝙞𝙨𝙝𝙤.

𝙆𝙤𝙤𝙭𝙙𝙖 𝘿𝙖𝙠𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙮 𝙨𝙞𝙙𝙤𝙤 𝙠𝙖𝙡𝙚 𝙨𝙖𝙛𝙖𝙧 𝙠𝙪 𝙩𝙖𝙜𝙩𝙖𝙮 𝙐𝙜𝙖𝙣𝙙𝙖, 𝙩𝙖𝙧𝙩𝙖𝙣𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙧𝙞𝙜𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝘽𝙖𝙧𝙩𝙖𝙢𝙖𝙝𝙖 𝘼𝙛𝙧𝙞𝙠𝙖, 𝙝𝙖𝙡𝙠𝙖𝙖𝙨 𝙤𝙤 𝙖𝙮 𝙡𝙖𝙗𝙖 𝙠𝙪𝙡𝙖𝙣 𝙠𝙖 𝙗𝙖𝙙𝙞𝙮𝙚𝙚𝙣, 𝙠𝙪𝙡𝙖𝙣𝙖 𝙗𝙖𝙧𝙚𝙚𝙟𝙤 𝙜𝙖𝙡𝙚𝙚𝙣. 𝙓𝙪𝙡𝙠𝙖 𝙦𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖, 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞 𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙖 𝙢𝙞𝙙 𝙖𝙝𝙖𝙖 𝙟𝙪𝙪𝙣𝙮𝙖𝙧𝙠𝙞𝙞 𝙪𝙜𝙪 𝙝𝙤𝙧𝙚𝙚𝙮𝙖𝙮 𝙚𝙚 𝙗𝙪𝙧𝙗𝙪𝙧𝙠𝙞𝙞 𝙠𝙖𝙙𝙞𝙗, 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖𝙣𝙖 𝙪𝙪 𝙪 𝙨𝙖𝙛𝙧𝙖𝙮 𝙬𝙖𝙙𝙖𝙣𝙠𝙖 𝘼𝙣𝙜𝙤𝙤𝙡𝙖, 𝙞𝙨𝙖𝙜𝙤𝙤 𝘾𝙖𝙥𝙩𝙖𝙞𝙣 𝙠𝙖 𝙖𝙝𝙖𝙖 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙞 𝙅𝙤𝙤𝙣.

𝙎𝙞𝙙𝙤𝙤 𝙠𝙖𝙡𝙚, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙖 𝙢𝙞𝙙 𝙖𝙝𝙖𝙖 𝙭𝙪𝙡𝙠𝙖 #𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙖𝙮 #𝘾𝙖𝙢𝙚𝙧𝙤𝙤𝙣 𝙤𝙤 𝙖𝙮 𝙡𝙖 𝙙𝙝𝙚𝙡𝙚𝙚𝙣 𝙭𝙪𝙡𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙖𝙙𝙪𝙪𝙣𝙠𝙖, 𝙞𝙮𝙖𝙙𝙤𝙤 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙩𝙤𝙮𝙙𝙖 𝘾𝙖𝙢𝙚𝙧𝙤𝙤𝙣 𝙖𝙮 𝙠𝙖𝙨𝙤𝙤 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙚𝙚𝙣 𝙝𝙤𝙧𝙮𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙𝙖 𝙏𝙖𝙡𝙮𝙖𝙖𝙣𝙞𝙜𝙖, 𝙄𝙣𝙜𝙞𝙧𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖, 𝙞𝙮𝙤 𝙁𝙖𝙧𝙖𝙣𝙨𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖.

𝙆𝙖𝙙𝙞𝙗, 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙪𝙡𝙖𝙝𝙞 𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙖 𝙩𝙖𝙜𝙖𝙮 𝘿𝙖𝙠𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪𝙣𝙖 𝙠𝙪 𝙗𝙞𝙞𝙧𝙖𝙮 𝙉𝙖𝙖𝙙𝙞𝙜𝙖 𝙀𝙡𝙢𝙖𝙣, 𝙠𝙖𝙙𝙞𝙗𝙣𝙖 𝙪 𝙬𝙖𝙧𝙚𝙚𝙜𝙖𝙮 𝙎.𝙄.𝙏.𝙏 𝘿𝙖𝙡𝙖𝙡𝙤, 𝙪𝙜𝙪 𝙙𝙖𝙢𝙗𝙚𝙮𝙣𝙩𝙞𝙞𝙣𝙖 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙨𝙤𝙤 𝙜𝙖𝙗𝙖𝙜𝙖𝙗𝙚𝙚𝙮𝙖𝙮 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙞𝙝𝙞𝙞𝙨𝙖 𝙉𝙖𝙖𝙙𝙞𝙜𝙖 𝙁𝙚𝙮𝙣𝙪𝙪𝙨.

𝙄𝙣𝙩𝙖 𝙪𝙪 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙖𝙮, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙜𝙪𝙪𝙡𝙚𝙮𝙨𝙩𝙖𝙮 𝙠𝙤𝙤𝙗𝙖𝙗 𝙗𝙖𝙙𝙖𝙣, 𝙜𝙖𝙖𝙧 𝙖𝙝𝙖𝙖𝙣 𝙩𝙖𝙧𝙩𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙗𝙞𝙨𝙝𝙖 𝙍𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖𝙣 𝙚𝙚 𝙈𝙪𝙦𝙙𝙞𝙨𝙝𝙤.

𝙎𝙖𝙣𝙖𝙙𝙠𝙞𝙞 2002, 𝙏𝙖𝙛𝙖𝙧𝙚 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙖 𝙩𝙖𝙜𝙖𝙮 𝙓𝙖𝙢𝙖𝙧, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙠𝙪 𝙣𝙤𝙤𝙡𝙖𝙖 𝙈𝙖𝙨𝙖𝙧, 𝙠𝙖𝙙𝙞𝙗𝙣𝙖 𝙪 𝙬𝙖𝙧𝙚𝙚𝙜𝙖𝙮 𝙈𝙖𝙧𝙚𝙮𝙠𝙖𝙣𝙠𝙖.

𝘾𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙞𝙮𝙖𝙝𝙖𝙣𝙠𝙖𝙣 𝙡𝙚𝙜𝙚𝙣𝙙-𝙠𝙖 𝙖𝙝, 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙬𝙚𝙡𝙞 𝙠𝙖 𝙢𝙞𝙙 𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙩𝙤𝙮𝙙𝙞𝙞 𝙪𝙜𝙪 𝙢𝙖𝙜𝙖𝙘 𝙬𝙚𝙮𝙣𝙖𝙖 𝙚𝙚 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖, 𝙞𝙨𝙖𝙜𝙤𝙤 𝙠𝙖 𝙩𝙖𝙜𝙚𝙮 𝙧𝙖𝙖𝙙 𝙢𝙪𝙪𝙦𝙙𝙖 𝙤𝙤 𝙘𝙞𝙮𝙖𝙖𝙧𝙖𝙝𝙖 𝙙𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙠𝙖 𝙙𝙝𝙞𝙜𝙖𝙮.

𝙈𝙖𝙘𝙖𝙡𝙞𝙢𝙞𝙞𝙣𝙩𝙞𝙞𝙨𝙞𝙞 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙠𝙖 𝙢𝙞𝙙 𝙖𝙝𝙖𝙖:
𝘼𝙐𝙉 𝙓𝙪𝙨𝙚𝙚𝙣 𝘾𝙤𝙤𝙣𝙠𝙖,𝘼𝙗𝙙𝙞 𝘾𝙖𝙨𝙞𝙞𝙨 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙈𝙖𝙝𝙙𝙞
𝙔𝙖𝙭𝙮𝙚 𝘼𝙖𝙮𝙤𝙬,𝙕𝙖𝙠𝙖𝙧𝙞𝙮𝙚 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙪𝙙
𝘼𝙐𝙉 𝘾𝙖𝙗𝙚𝙚𝙮,𝘼𝙐𝙉 𝙅𝙞𝙢𝙘𝙖𝙖𝙡𝙚 𝙓𝙖𝙖𝙮𝙤𝙬,𝘾𝙖𝙡𝙞 𝙎𝙖𝙘𝙞𝙞𝙙
#𝗔𝘀𝗮𝗹𝗫𝗮𝗺𝗮𝗿𝗝𝗮𝗷𝗮𝗯 #𝗟𝗲𝗴𝗲𝗻𝗱𝗧𝗮𝗳𝗮𝗿𝗲 fans
#𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗮𝗦𝗽𝗼𝗿𝘁 #𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 #𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼 #𝗗𝗮𝗸𝗮𝗱𝗵𝗮 #𝗛𝗼𝗿𝘆𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗮

🎞️✨ 𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 – 𝐁𝐚𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐬𝐚𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐚𝐫 𝐉𝐚𝐣𝐚𝐛 ✨🎞️Waa koox qaadatay Tababarkii Tiiraanyo-Bixinta ee degmada Xamar Ja...
31/10/2025

🎞️✨ 𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 – 𝐁𝐚𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐬𝐚𝐥 𝐗𝐚𝐦𝐚𝐫 𝐉𝐚𝐣𝐚𝐛 ✨🎞️

Waa koox qaadatay Tababarkii Tiiraanyo-Bixinta ee degmada Xamar Jajab (2011–2012).

Kooxdaan 50-ka Tiiraanyo-Bixinta kakooban ayaa lagu soo tababaray City Place, ayagana markooda waxay 50 kale kusii tababareen Ex-Aqoondarsad School.

Macallimiinta mashruuca hormuudka ka ahaa waxaa kamid ahaa:
👤 Guddoomiyihii ururka Dhalinyarada xilligaasi, haatan Gudoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Waaberi, Ali Abdilkadir Farah Karaama iyo 👤 Daljir Mohamed Aadan Rooble

📍 Goobta sawirka: Iskuulka Ex-Aqoondarsad
🗓️ Sanadihii: 2011 – 2012

💬 Wejiyada sawirka ma taqaan?
🖋️ Faallo ku qor xusuustaada, magaca qof ama dhacdo aad la xasuusato!
❤️ Like & Share si saaxiibadaa ay iyaguna uga faa’iideystaan taariikhdan muhiimka ah!

#𝐀𝐬𝐚𝐥𝐗𝐚𝐦𝐚𝐫𝐉𝐚𝐣𝐚𝐛 | #𝐗𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐑𝐞𝐞𝐛 | #𝐓𝐢𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧𝐲𝐨𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 | #𝐗𝐚𝐦𝐚𝐫𝐉𝐚𝐣𝐚𝐛𝐘𝐨𝐮𝐭𝐡 | #𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐝𝐚𝐫𝐬𝐚𝐝

31/10/2025

🇸🇴🪖 𝐓𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈𝐈 𝐒𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐂𝐈𝐈𝐃𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀 𝐗𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐄𝐃 🪖🇸🇴
(𝟣𝟫𝟨𝟢 ➤ 𝟤𝟢𝟤𝟦)
𝐌𝐢𝐝𝐤𝐞𝐞 𝐮 𝐟𝐢𝐢𝐜𝐚𝐧𝐚𝐚? 𝐌𝐢𝐝𝐤𝐞𝐞𝐬𝐚 𝐚𝐝 𝐠𝐚𝐫𝐚𝐭𝐚𝐲? 🤔

👤 Faallo ku qor magaca taliyaha aad xasuusato inuu ahaa geesi, karti, iyo dhiirranimo astaan u ah ciidanka Soomaaliyeed.

👇 Ka qeyb qaado doodda taariikhiga ah! 👇


#𝐒𝐇𝐄𝐄𝐑𝐆𝐀𝐑𝐄𝐄𝐘
#𝐄𝐯𝐞𝐫𝐲𝐨𝐧𝐞𝐇𝐢𝐠𝐡𝐥𝐢𝐠𝐡𝐭𝐬

𓆩💫𓆪 𝑺𝒖𝒃𝒂𝒙 𝒘𝒂𝒏𝒂𝒈𝒔𝒂𝒏, 𝑱𝒊𝒎𝒄𝒐 𝒃𝒂𝒓𝒂𝒌𝒂𝒚𝒔𝒂𝒏,𝒏𝒂𝒃𝒂𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝒋𝒂𝒄𝒂𝒚𝒍 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒎𝒂𝒂𝒏𝒕𝒊𝒊𝒏 Bahada Asal Xamar Jajab . 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒍𝒍𝒂𝒉𝒂 𝒌𝒂 𝒍𝒂 𝒃𝒂𝒓𝒚𝒂𝒚𝒏...
31/10/2025

𓆩💫𓆪 𝑺𝒖𝒃𝒂𝒙 𝒘𝒂𝒏𝒂𝒈𝒔𝒂𝒏, 𝑱𝒊𝒎𝒄𝒐 𝒃𝒂𝒓𝒂𝒌𝒂𝒚𝒔𝒂𝒏,
𝒏𝒂𝒃𝒂𝒅 𝒊𝒚𝒐 𝒋𝒂𝒄𝒂𝒚𝒍 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒎𝒂𝒂𝒏𝒕𝒊𝒊𝒏 Bahada Asal Xamar Jajab .
𝒘𝒂𝒙𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒍𝒍𝒂𝒉𝒂 𝒌𝒂 𝒍𝒂 𝒃𝒂𝒓𝒚𝒂𝒚𝒏𝒂𝒂 𝒊𝒏 𝒖𝒖 𝒏𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒂𝒇𝒐 𝒅𝒂𝒎𝒃𝒊𝒚𝒂𝒅𝒂, 𝒏𝒂 𝒃𝒐𝒈𝒔𝒊𝒚𝒐 𝒃𝒖𝒌𝒂𝒂𝒏𝒏𝒂𝒅𝒂, 𝒏𝒂 𝒈𝒆𝒍𝒊𝒚𝒐 𝒓𝒂𝒂𝒍𝒍𝒊𝒏𝒊𝒎𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒂, 𝒒𝒂𝒍𝒃𝒊𝒚𝒂𝒅𝒆𝒏𝒏𝒂 𝒅𝒆𝒋𝒊𝒚𝒐, 𝒏𝒂 𝒔𝒊𝒚𝒐 𝒌𝒉𝒂𝒚𝒓𝒌𝒂 𝒏𝒐𝒍𝒐𝒔𝒉𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝒈𝒆𝒆𝒓𝒊𝒅𝒂, 𝒏𝒂 𝒇𝒐𝒈𝒆𝒚𝒐 𝒄𝒂𝒅𝒂𝒂𝒃𝒕𝒂, 𝒔𝒊𝒅𝒐𝒐 𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒏𝒂𝒅𝒆𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒎𝒆𝒆𝒍 𝒔𝒂𝒓𝒆 𝒐𝒐 𝒋𝒂𝒏𝒏𝒂𝒅𝒂 𝒂𝒉
𝒂𝒏𝒂𝒈𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒂𝒍𝒊𝒅𝒌𝒆𝒆𝒏, 𝒂𝒔𝒙𝒂𝒂𝒃𝒕𝒆𝒆𝒏𝒂, 𝒊𝒚𝒐 𝒎𝒖𝒔𝒍𝒊𝒎𝒊𝒊𝒏𝒕𝒂 𝒐𝒐 𝒅𝒉𝒂𝒏 🤲🏽 ‎اللهم آمين 🤲 🤲🏽


30/10/2025

TOOS: DAAH-FURKA TAALLADA NABADDA EE CARTA

Carta 2000: Goobtii Rajadda Soomaaliyeed Dib Ugu Dhalatay25 sano ka hor, magaalada yar ee Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti...
30/10/2025

Carta 2000: Goobtii Rajadda Soomaaliyeed Dib Ugu Dhalatay

25 sano ka hor, magaalada yar ee Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti waxay isu beddeshay xarunta rajada Soomaaliyeed. Burbur iyo dawlad la’aan kaddib, Soomaalida daalaneyd waxay halkaas u tageen iyagoo doonaya hal shay oo keliya: dawlad Soomaaliyeed oo ay iyagu dhistaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh, isagoo martigeliyay shir ay dunidu ka shaki qabtay balse ay Soomaalidu ku tiirsaneyd. Jabuuti waxay bixisay kalsooni, daryeel iyo garab — taasoo sababtay in maanta lagu yiraahdo: Carta waa abaal lagu xasuusto dadaalkii Reer Jabuuti.

Shirku wuxuu noqday mid isku daray oohin iyo rajo. Telefishanka RTD iyo idaacadda HornAfrik ayaa si toos ah looga daawan jiray, lagana arki jiray iyadoo calanka buluugga ah la ruxayo, dadkuna ay mar kale dareemayaan midnimo.

Markii Madaxweyne Abdiqasim Salaad Xasan loo doortay Madaxweyne, waxaa la yiri: “Ma aha kaliya doorasho, waa dhalashada rajo.”
Wejiyada hoggaamiyeyaasha dalalka Deriska la ah Soomaaliya sida Meles Zenawigii Itoobiya, Isaias Afwerkiga Eratariya, Cali Cabdalla Saalaxii Yemen iyo kuwa kalenaba oo goobta caleema saar Madaxweynaha joogay ayaa muujinayey dareen kala duwan — balse dadka Soomaaliyeed waxay arkeen keliya iftiin cusub oo soo baxay.

Carta ma xallin dhammaan dhibaatooyinkii, balse waxay ahayd tallaabadii ugu horreysay ee Soomaaliya ku noqotay qaran laga maqsuudo.

Carta waa maalin la xasuusto — waa maalintii
Soomaaliya dib u dhalatay.
w/Q ustad Abdiweli

 #اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على ابراهيم وعلى ال ابراهيم انك حميد مجيد. اللهم بارك على سيدنا م...
30/10/2025

#اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على ابراهيم وعلى ال ابراهيم انك حميد مجيد.
اللهم بارك على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على ابراهيم وعلى ال ابراهيم في العالمين انك حميد مجيد.
#انيروا ليلة الجمعة بالصلاة على النبي صلى الله عليه وسلم.
#شارك المنشور وذكر به غيرك فإن الذكرى تنفع المؤمنين جزاكم الله خيرا.❤🌹❤🌹❤🌹❤🌹❤🌹

Waxaa la sheegay in tartankii la baajiyay Laakiin sababta  Maxay tahay❓
30/10/2025

Waxaa la sheegay in tartankii la baajiyay
Laakiin sababta Maxay tahay❓

Address

Xamar Jajab
Mogadishu
+252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Asal reer Xamar Jajab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share