20/04/2026
Kulankii ugu h**eeyay ee isbarasho iyo iskaashi ee aan la yeelanay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali:
Maalintii jimcaha oo ay taariikhdu ku beegneed 17/04/2026, waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhaxeeyay maamulka & qeyb ka mid ah aqoonyahanada dhalinyarada Cali Urgaale iyo xildhibaanka ku matala Golaha Shacabka xildhibaan Maxamed Cabdi Cali.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, wuxuu ku qabsoomay jawi is-faham, ixtiraam iyo wada shaqeyn ku dhisan. Intii uu socday kulanka, waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay arrimo muhiim u ah horumarka bulshada uu matalo xildhibaanka guud ahaan, gaar ahaan bulshada Cali Urgaale.
Gudoomiyaha dhalinyarada Cali Urgaale, Mudane: Ismaaciil Cabdullahi Axmed (Tahliil) oo marka h**e u mahad celiyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali, ayaa kulanka waxa uu kusoo bandhigay aragtida iyo ajandooyinka Dhalinyarada Cali Urgaale. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay in ay yihiin bulsho mideesan oo bilaabay in ay ka shaqeeyaan horumarka bulshadadooda iyo arimo kale oo muhiim ah.
Waxa uuna kusoo gabagabeeyay: ururkaan waxa uu uga duwanyahay ururada kale iyo waxa uu ka faaiidi karo Xildhibaanka.
Dhankiisa, xildhibaanku wuxuu si diirran u soo dhaweeyay dadaalladeena, waliba waxa uu tilmaamay in uu la socday aasaaski ururkaan Cali Urgaale Community, isagoo muujiyay diyaar u ahaansho buuxda oo ku aaddan la shaqeynta ururka, taageeridda fikradaha wax ku oolka ah, iyo dhiirrigelinta doorka dhalinyarada ee hoggaaminta iyo goโaan qaadashada.
Ugu dambeyn, kulankan wuxuu ahaa bilow wanaagsan oo dhidibada u taagay iskaashi miro dhal ah, waxaana rajeyneynaa in uu noqdo mid sii socda oo horseeda natiijooyin wax ku ool ah oo faaโiido u leh bulshada guud ahaan, gaar ahaan bulshada Cali Urgaale.
Mahadsanidiin.