United Nations OCHA Somalia

  • Home
  • United Nations OCHA Somalia

United Nations OCHA Somalia The official page of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia. Coordination Saves Lives.
(1)

24/05/2026
29/04/2026
29/10/2025

Joojinti deeqaha ee ay sameeyeen qaar ka mid ah deeq bixiyeyaasha ayaa ku qasbay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iney hakiyaan howlihii gurmadka bini’aadannimo ee ka socday qeybo badan oo ka mid ah dalka. 4.4 milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya xaalada cunno yari ba’an guud ahaan waddanka, arrintan oo ay wehliso in inta badan qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha ay xaaladdoodu aad u liidato.

Kyoko Ono, oo ah Ku-xigeenka Waaxda Gurmadka Xasaradaha ee United Nations OCHA ayaa booqatay magaalada Baydhabo oo ay ku noolyihiin kumannaan qoys oo ay soo barakiciyeen colaado iyo mashaqooyin ka dhashay is beddelka cimilada. Waxay nala wadaageysaa wixii ay soo aragtay.

29/10/2025

Joojinti deeqaha ee ay sameeyeen qaar ka mid ah deeq bixiyeyaasha ayaa ku qasbay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iney hakiyaan howlihii gurmadka bini’aadannimo ee ka socday qeybo badan oo ka mid ah dalka. 4.4 milyan oo qof ayaa wajahaya xaalada cunno yari ba’an guud ahaan waddanka, arrintan oo ay wehliso in inta badan qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha ay yihiin kuwa ugu liita.

Kyoko Ono, oo ah Ku-xigeenka Waaxda Gurmadka Xasaradaha ee Nations OCHA ayaa booqatay magaalada Baydhabo oo ay ku noolyihiin kumannaan qoys oo ay soo barakiciyeen colaado iyo mashaqooyin ka dhashay is beddelka cimilada. Waxay nala wadaageysaa wixii ay soo aragtay.

Roobab mahiigaan ah oo ka da'ay magaalada Muqdisho 9kii bishan May ayaa waxaa ka dhashay daadad sababay dhimashada 9 qof...
14/05/2025

Roobab mahiigaan ah oo ka da'ay magaalada Muqdisho 9kii bishan May ayaa waxaa ka dhashay daadad sababay dhimashada 9 qof. Daadadku waxay saameeyeen 24,600 oo qof waxa kale oo burbur xoog lihi soo gaaray kaabayaashii magaalada iyo waddooyinkii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhistay guddi ay ku jiraan wasiirro, maamulka gobolka iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka si ay mashaqadan uga jawaabaan. Qeybaha samafalka iyo maamullada ayaa weli qiimeynaya saameynta.

Laga soo bilaabo bartamihii bisha April, 17 qof ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen kaddib daadad ku soo rogmaday deegaanno kala duwan oo waddanka ka mid ah.

Maamullada iyo hay’adaha gargaarka ayaa sara u qaaday gurmadka sida cunnada, hoyga iyo lacagta caddaanka ah.

https://reliefweb.int/report/somalia/somalia-2025-gu-april-june-seasonal-floods-flash-update-no3-13-may-2025

28ddii April, United Nations OCHA Somalia waxay qabatay shirkii billaha ahaa ee arrimaha bini’aadannimada looga hadlaaya...
29/04/2025

28ddii April, United Nations OCHA Somalia waxay qabatay shirkii billaha ahaa ee arrimaha bini’aadannimada looga hadlaayay. Madashan oo si baaxad leh ay uga soo qeyb galaan daneeyayaasha iyo saamileyda arrimaha gargaarka waxaana lagu lafaguraa masahaqooyinka bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya iyo gurmadka bini'aadannimada.

Inkastoo uu jiro hoos-u-dhac ballaaran oo ku yimid deeqaha bini’aadannimada ee lagu socodsiiyo mashaariicda gargaarka, samafalayaasha waxaa ka go’an iney u qareemaan Soomaalida tabaaleysan baahidoodana ay ka jawaabaan.

Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolalda qaar iyo daadad ka dhashay roobka ayaa sababy dhimashada 4 qof oo saddex ka mid ah...
23/04/2025

Roobab xoog leh oo ka da’ay gobolalda qaar iyo daadad ka dhashay roobka ayaa sababy dhimashada 4 qof oo saddex ka mid ah ay caruur yihiin halka dad ku dhow 30,000 oo qof roobabku saameeyeen.

Roobabkan oo ka dhigan curashada xilli-roobaadkii Gu’ga ayaa si xooggan uga da’ay maamullada Puntland iyo Koofur-Galbeed. Waddooyin ayaa go’ay kaabayaal Kalana waxyeello ayaa soo gaartay.

Maamullada ayaa codsanaya garab istaag. Waxaana la bilaabay qiimeyn lagu sameynayo baaxadda waxyeellada si ay u sahlaanto gurmadka bini’aadannimada inkastoo ay jirta dhaqaalo xumo ba’an oo ka dhalatay deeqdii dhowaan la hakiyay.

In ka badan 30,000 oo qof ayaa guryahooda ka barakacay Gobolka Shabeeellaha Dhexe sababo la xiriiro isku dhacyo hubeysan...
12/03/2025

In ka badan 30,000 oo qof ayaa guryahooda ka barakacay Gobolka Shabeeellaha Dhexe sababo la xiriiro isku dhacyo hubeysan oo weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka.

29,600 oo dadkan ka mid ah waxay ku qaxeen isla gobolka gudihiisa halka tiro lagu qiyaasay 1,300 oo qof ay soo gaareen Gobolka Banaadir. Lambarradan ayaa mar kasta is beddeli kara maadaama ay weli taagantahay xaaladda degganaan la'aanta.

Hay'adaha samafalka waxay isku howlayaan sidii ay gurmad ula gaari lahaayeen dadkan waxyeelladu soo gaartay laakiin waxaa jirta dhaqaale yari iyo isu socodka oo aan sahlaneyn.

Ku dhufo link-gan: https://shorturl.at/EIlFp

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when United Nations OCHA Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to United Nations OCHA Somalia:

  • Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization?

Share