15/07/2026
๐ HAMBALYO IYO BOGAADIN ๐
Maamulka Sare iyo dhammaan xubnaha Midowga Dhalinyarada Abakar Culus (MDHABC) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Agaasimaha Maaliyadda , Mudane Eng. Mohamed Abdi Hussein, oo si guul leh uga qalin-badashay Shahaadada Heerka 1-aad (Bachelor's Degree) ee Jaamacadda.
Qalin-jabintani waa guul mudan in lagu faano, waxayna ka tarjumaysaa dadaal, karti, dulqaad iyo adkaysi. Waxaan rajaynaynaa in aqoonta uu soo bartay ay u noqoto mid uu ugu adeego diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana uu door muuqda kaga qaato horumarka bulshada.
Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu ku gallado guul, caafimaad, cilmigiisana uga dhigo mid anfaca bulshada, una fududeeyo marxaladaha xiga ee noloshiisa iyo xirfaddiisa.
Hambalyo markale Eng. Mohamed Abdi Hussein. Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo isdaba joog ah. ๐๐ธ๐ด
DHAMMAAD
Abdihakin Dahir Mohamud [Faraxsane]
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Midowga Dhalinyarada Beesha Abakar Culus (MDHABC)
๐ง [email protected]