08/11/2025
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Muqdisho, 8da Nofeembar 2025: Hiil Legal Aid waxay ka walaacsan tahay dhacdadii dhawaan ka dhacday Isbitaalka Banaadir kaas oo laga arkay hooyo Soomaaliyeed oo aan si degdeg ah u helin gargaar caafimaad, iyadoo ku umushay banaanka Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir.
Hiil Legal Aid oo u taagan difaaca cadaaladda, xuquuqda aadanaha iyo saraynta sharciga, waxay arrintan u aragtaa mid khuseysa xuquuqda nolosha, karaamada iyo helitaanka adeeg caafimaad, sida uu qabo Dastuurka Kumeelgaarka ah qodobada 15aad iyo 27aad iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Waxaan soo dhoweyneynaa tallaabada ay qaaday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taas oo sheegtay in ay bilaabeen baaritaan rasmi ah si loo xaqiijiyo masโuuliyadda iyo isla xisaabtanka. Si kastaba ha ahaatee, Hiil Legal Aid waxay aaminsan tahay in masโuuliyaddu aysan intaas ku ekaan, balse loo baahan yahay kormeerka iyo ilaalinta bukaanka.
๐๐ข๐ข๐ฅ ๐๐๐ ๐๐ฅ ๐๐ข๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐ข๐ง๐๐ฒ ๐ญ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐๐๐ ๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ๐จ ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ญ๐๐๐ ๐ฅ๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ญ๐๐ฒ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ค๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐ฅ๐ ๐ฆ๐ข๐๐ค๐ ๐๐ก, ๐ข๐ฒ๐๐๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ฒ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐๐ฅ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐.
Waxaan ku baaqeynaa:
1. Baaritaan daahfuran oo natiijada kasoo baxdo lala wadaago bulshada;
2. Isla xisaabtan iyo ilaalinta bukaanka;
3. Tababaro joogto ah oo ku saabsan anshaxa, daryeelka bukaanka iyo adeegyo ku dhisan xuquuqda muwaadinka;
4. Wacyigelin guud oo ku saabsan xuquuqaha bukaanada iyo sida bukaanada u raadsan karaan cadaalad haddii la dayaco.
Hiil Legal Aid waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso Wasaaradda Caafimaadka, ururrada bulshada rayidka ah iyo hayโadaha xirfadlayaasha caafimaad si loo horumariyo ilaalinta xuquuqda hooyada iyo isla xisaabtan hayโadaha caafimaadka ee Soomaaliya.
Hooyo walba waxay mudan tahay daryeel, kawarqab iyo kalsooni โ ka hor, inta lagu jiro, iyo kadib umusha.
โ DHAMMAAD โ