Midowga Dhalinyarada Digil iyo Mirifle

Midowga Dhalinyarada Digil iyo Mirifle Balanteenu waa ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ผ iyo ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฟ

WAR-SAXAAFADEEDKa midowga dhalinyaradda DMKu Gudoomiyaha barlamaanka JFSOG madaxwaynaha Galmudug OG odayaasha dhaqanka r...
05/09/2026

WAR-SAXAAFADEED

Ka midowga dhalinyaradda DM
Ku Gudoomiyaha barlamaanka JFS
OG madaxwaynaha Galmudug
OG odayaasha dhaqanka reer Galmudug

Midowga Dhallinyarada Digil iyo Mirifle wuxuu baaq iyo cabasho rasmi ah u dirayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ah masuul ka mid ah hoggaanka siyaasadeed ee ugu sarreeya ee matala beelaha Digil iyo Mirifle.

Mudane Guddoomiye, waxaan si gaar ah kuugu soo gudbineynaa walaaca xooggan ee ka dhashay kursiga Golaha Wakiillada Galmudug ee beelaha Digil iyo Mirifle ay ku lahaayeen, kaas oo aan fahamsanahay in si aan waafaqsanayn nidaamka matalaadda looga wareejiyey beel kale.

Arrintan waxay dhalisay tabasho siyaasadeed iyo mid bulsho, maadaama ay dhaawacayso nidaamka matalaadda, isku-dheellitirka awoodda iyo xaqa beelaha ee ka qaybgalka siyaasadeed ee Galmudug.

Mudane Guddoomiye, waxaan kaa sugaynaa inaad doorkaaga siyaasadeed iyo masuuliyadda aad bulshada u hayso ka qaadato arrintan, oo aad ka shaqeyso sidii kursiga Golaha Wakiillada Galmudug ee beelaha Digil iyo Mirifle xaqa u lahaayeen loo ilaalin lahaa, loona dhowri lahaa nidaamka matalaadda iyo awood-qaybsiga.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa madaxda Galmudug iyo dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso inay dhowraan nidaamka matalaadda iyo isku-dheellitirka bulshada, kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta tabasho, caddaalad-darro ama khilaaf siyaasadeed.

Midowga Dhallinyarada Digil iyo Mirifle wuxuu aaminsan yahay in matalaadda siyaasadeed lagu saleeyo caddaalad, wada-tashi iyo isku-dheellitirnaan. Kursiga siyaasadeed ee beel walba xaqa u leedahay waa in la ilaaliyaa, lagumana wareejin karo beel kale hannaan aan caddaalad iyo wada-tashi ku dhisnayn.

Dhamaad

WAR-SAXAFADEED.
03/09/2026

WAR-SAXAFADEED.

Midowga Dhalinyarada Digil iyo Mirifle ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Abdifatah Baastey, Guddoomiyihii h**e ee Dhal...
20/08/2026

Midowga Dhalinyarada Digil iyo Mirifle ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Abdifatah Baastey, Guddoomiyihii h**e ee Dhallinyarada Gobolka Baay, oo maanta ka qalin-jabinaya Cavendish University Uganda, isaga oo dhammaystay Master-ka Cilmiga Amniga (Master of Security Studies).

Waxaan rajaynaynaa in aqoonta iyo khibradda uu soo bartay uu ugu adeegi doono dadkiisa iyo dalkiisa, kana qayb qaadan doono horumarka, nabadda iyo amniga bulshada.

Hambalyo Guddoomiye, guul iyo mustaqbal ifaya ayaan kuu rajaynaynaa.

Hoggaaminta Jiilka Soo SocdaGuddoomiye Salman Hussein Ibrahim, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbe...
16/08/2026

Hoggaaminta Jiilka Soo Socda

Guddoomiye Salman Hussein Ibrahim, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka tababar maalmo socday oo ku saabsanaa xirfadaha hoggaaminta jiilka soo socda, kaas oo loo qabtay dhallinyaro iyo arday.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha hoggaaminta, kalsoonida nafta, goโ€™aan-qaadashada, wada-shaqeynta iyo diyaarinta jiil cusub oo hoggaamiyeyaal ah oo mustaqbalka door muuqda ka qaata horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Abdikafi Mohamud Makaran, iyo Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Himilo, Mudane Cumar Muuse Xasan.

Guddoomiye Salmaan ayaa dhallinyarada ku booriyay inay ka faaโ€™iideystaan fursadaha waxbarasho iyo tababarrada, ayna dhistaan hoggaan ku saleysan aqoon, karti, masuuliyad, daacadnimo iyo hufnaan.

Jiilka maanta la maalgeliyo waa hoggaamiyeyaasha dalka berri. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Guul iyo Gobonimo.

Daah-furka Barnaamijka Cilmi-baarista Gasaargude SultanateGuddoomiye Salman Hussein Ibrahim, ahna Xildhibaan ka tirsan G...
16/08/2026

Daah-furka Barnaamijka Cilmi-baarista Gasaargude Sultanate

Guddoomiye Salman Hussein Ibrahim, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta ka qeybgalay xafladda daah-furka Barnaamijka Cilmi-baarista Gasaargude Sultanate, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana ay soo qabanqaabisay Machadka Cilmi-baarista, Falanqaynta iyo Wadahadalka (IRAD).

Daraasadda ayaa waxaa soo bandhigay Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow, iyadoo fursad muhiim ah loo helay in si cilmiyeed loo derso taariikhda, sooyaalka iyo dhaxalka Saldanaddii Gasaargude.

Guddoomiye Salmaan ayaa bogaadiyay dadaalka IRAD, aqoonyahannada iyo cilmi-baarayaasha ku hawlan barnaamijkan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in taariikhda iyo dhaxalka Soomaaliyeed si cilmiyeed loo diiwaangeliyo, loo ilaaliyo, loona gudbiyo jiilasha maanta iyo kuwa soo socda.

Taariikhda la barto waa aqoon; taariikhda la diiwaangeliyana waa dhaxal ay jiilasha soo socda leeyihiin.

16/08/2026

Guddoomiye Salman oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dhireyn Qaran.

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดWaxaan ka qeyb-galnay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, oo l...
16/08/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Waxaan ka qeyb-galnay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Guddoomiye Salman Hussein Ibrahim, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Afhayeenka Midowga Dhallinyarada Abdiwahaab Abdirahim Abdirahaman, iyo Wakiilka Gobolka Banaadir Mohamed Idow Abdirahman.

Maalintani waa fursad muhiim ah oo lagu xuso kaalinta dhallinyaradu ku leeyihiin dhismaha dalka, nabadda, horumarka iyo mustaqbalka Soomaaliya. Waa muhiim in dhallinyarada la awood-siiyo, lana abuuro fursado ay ku xaqiijiyaan himilooyinkooda, ugana qeyb qaataan horumarka iyo dowlad-dhiska dalka.

Hambalyo dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

16/08/2026

Kulan Wacyigelin ah

Kulan wacyigelin ah oo ay qabatay Dalladda Bulshada Digil iyo Mirifle ee Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe.

Abukaate Mukhtaar Axmed ayaa bulshada Digil iyo Mirifle ee Garoowe u jeediyay casharro muhiim ah oo ku saabsan fahamka sharciga iyo xuquuqda aadanaha, isagoo bulshada la wadaagay aqoon iyo wacyigelin ku saabsan garashada xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka.

Kulamadan noocan ah waxay muhiim u yihiin kor u qaadista wacyiga bulshada iyo fahamka sharciga.

Guddoomiye Salmaan oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dhirayn QaranGuddoomiye Salman Hussein Ibrahim ayaa maanta kulan muhiim ...
16/08/2026

Guddoomiye Salmaan oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dhirayn Qaran

Guddoomiye Salman Hussein Ibrahim ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay hoggaanka Ururka Dhirayn Qaran, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, iskaashiga iyo taageerada dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay howlaha iyo mashaariicda uu Ururka Dhirayn Qaran ka wado dalka, gaar ahaan dhir-beerista, ilaalinta deegaanka, nadaafadda iyo wacyigelinta bulshada.

Guddoomiye Salmaan ayaa bogaadiyay dadaallada Ururka, isagoo muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dhirayn Qaran, kana qeyb qaato dadaallada lagu horumarinayo deegaanka iyo dhisidda Soomaaliya cagaaran.

Hoggaanka Ururka Dhirayn Qaran ayaa dhankooda uga mahadceliyay Guddoomiye Salmaan taageerada iyo sida uu u garab taagan yahay dadaallada deegaanka.

Hambalyo Qalin-jabin ๐ŸŽ“Midowga Dhalinyarada D&M wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Eng. Adam Jeilani Bashiir, iyo Dr. ...
13/08/2026

Hambalyo Qalin-jabin ๐ŸŽ“

Midowga Dhalinyarada D&M wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Eng. Adam Jeilani Bashiir, iyo Dr. Mohamed Ahmed Osman, oo si guul leh uga qalin-jabiyey heerka Koowaad ee Jaamacadda.

Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, aqoon waxtar leh iyo guulo badan oo aad ugu adeegtaan bulshada iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hambalyo mar kale, aqoontiinnuna ha noqoto mid bulshada anfaca. ๐ŸŽ“

Address

Mogadishu
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Dhalinyarada Digil iyo Mirifle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share