21/09/2026
Maalinta Nabadda Aduunka & baaqa SRS ee xoojinta Nabadda.
MOGADISHU-Maanta dunida waxaa laga xusayaa maalinta loo aqoonsaday Maalinta Nabadda Adduunka, iyadoo la adkeynayo maanta oo kale muhiimadda nabadda, la dhiiragalinayo wada-hadalka.
Warbaahintu waxay leedahay door muhiim ah oo ku aaddan horumarinta nabadda iyo xasilloonida bulshada, maadaama ay tahay aalad awood leh oo dadka ku wargelisa, isku xirta bulshada.
Safe Reporters of Somalia - SRS wuxuu aaminsan yahay in warbaahin masuuliyad leh ay kaalin muuqata ka qaadan karto dhiirrigelinta wada-hadalka, xoojinta is-dhexgalka bulshada, ka hortagga hadallada nacaybka .
‘’Xilliyada ay jiraan khilaafaadyo iyo xiisado bulsho, saxafiyiintu waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan in bulshada la siiyo xog dhab ah oo dheellitiran, iyadoo laga fogaanayo warar aan la xaqiijin, hadallo hurin kara colaado iyo xog horseedi karta kala-qaybsanaan ‘’- Afhayeenka SRS Hanad Ali Guled .