Somali Diaspora Awards

Somali Diaspora Awards Somali Diaspora Awards is an org.

dedicated to encouraging, recognizing, and awarding Somali diaspora, who have made tangible contributions to the development of Somalia.The Org also conducts research to better understand the role of returnee diaspora.

26/05/2026

Maalinta Carafo

Waa maalinta ducada iyo danbi dhaafka, Nabigeena suuban (NNKH) waxa uu yiri: "Ducada ugu khayrka badan waa ducada maalinta Carafo."

لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

22/11/2025

''Muqdishu Waxa ay dhawaan Martigelin doontaa oo ka qabsoomi doona munaasibadda sanadlaha ah ee Somali Diaspora Awards 2025,,

Marwo Aamina Cabdi Cali

18/11/2025

Muqaal ka hadlaya Abaalmarinta Qurba-joogta Soomaaliyeed (Somali Diaspora Awards) oo cinwaankeedu yahay Dadkii aan dalka ka tegin, xitaa markii ay tageen.

15/10/2025

SOMALIA DIASPORA AWARDS 2025

Madasha Abaalmarinadda qurba-joogta Soomaaliyeed (Somali Diaspora Awards) waa madal sanadle ah oo lagu maamuuso laguna abaalmariyo haldoorka qurba-joogta Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu soo laabtay kana qeyb qaatay dib-u-dhiska dalka iyo dowladnimada, isla markaana wax la taaban karo ku soo kordhiyay dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshada.

Taariikh ahaan Qurba-joogta Soomaaliyeed waxay soo ifbaxeen 1960-meeyadii ka dib markii Soomaaliya xorriyadda qaadatay, xilligaas oo arday iyo shaqaale xirfadlayaal ah ay u guureen waddamada Carabta, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika si ay u helaan waxbarasho iyo fursado shaqo.

Markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 1991, waxaa si weyn u kordhay qaxootiga iyo tahriibka, taasoo sababtay in malaayiin Soomaali ah ay ku kala firdhaan dunida dacalladeeda. Qurbajoogtaasi waxay u noqdeen laf-dhabar nololeed qoysaskooda, iyagoo sanad kasta soo dira lacag fara badan (remittances) oo lagu qiyaaso malaayiin doolar ah, taas oo wax weyn ka qabatay dhaqaalaha dalka iyo nolosha dadka.

Intaasi ka sokow, qurba-joogta Soomaaliyeed waxay door muuqda ka qaateen, Dib u dhiska dalka iyagoo qeyb ka noqday ganacsiga iyo maalgashiga, Horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, horumarinta dhaqanka iyo fanka, Samafalka iyo nabadeynta, iyagoo taageero siiyay bulshooyinka nugul.

Maanta, qurba-joogta Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin qurbajoogta ugu firfircoon Afrika, iyadoo saameyn bulsho oo xooggan ku leh dalalka ay ku noolyihiin sida Mareykanka, UK, Kanada, Nederland, Sweden, Norway, Finland, Australia iyo waddamada Khaliijka, Doorkooda dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed wuxuu weli yahay tiir muhiim ah oo lagu taageero horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaama qurba-joogta Soomaaliyeed ay dadaaladaas bixiyeen waxay Somali Diaspora Awards go'aansatay in Abaalmarino lagu maamuuso guulaha iyo saameynta muuqata ee ay ka gaareen dhinacyada kala ah:

1.Horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha,

2.Waxbarashada iyo caafimaadka.

3.Hal-abuurka iyo tiknoolajiyada.

4.Hogaaminta bulshada.

5.Nabadda iyo samafalka.

6.Horumarinta dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo guud ahaan adeegyada bulshada.

Munaasabaddan oo ka dhici doonta Muqdisho, 13-ka November 2025, waxaa ka qeyb geli doona Hogaamiyaasha siyaasadda iyo bulshada, Ganacsatada, hal-abuurayaasha, Aqoonyahannada, dhallinyarada, Iyo Haldoorka qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida.

Somali Diaspora Awards waxay si sharaf leh ugu casuumeeysaa shirkadaha ganacsiga, hey’adaha iyo dhammaan daneeyayaasha doonaya inay ka qeyb noqdaan safarkan lagu maamuusayo haldoorka qurba-joogteena Soomaaliyeed, si loo dhiirrigeliyo kaalintooda wax ku oolka ah ee lagu taageerayo horumarinta dalka.

📢 Shaacin Rasmi ahWaxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaan ku dhawaaqno qabsoomidda Xafladda Abaalmarinta Qurbajoogta S...
25/09/2025

📢 Shaacin Rasmi ah

Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaan ku dhawaaqno qabsoomidda Xafladda Abaalmarinta Qurbajoogta Soomaaliyeed (Somali Diaspora Awards).

Xafladan oo ah mid lagu maamuusayo guulaha, dadaalka iyo waxqabadka qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa noqon doonta madal lagu xuso hal-abuurka, hoggaanka iyo doorka ay bulshada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen Hormarka Horumarka iyo Dhismaha Dawladnimada Dalkeena sida , dhisida Kaabayaasha Dhaqalaha, Caafimaadka, Waxbarashada,waxsosaarka Beeraha iyo Badda, Hal abuurka Teknooliyada Casriga ah IWM.

✨ Nala joog si aad u noqoto ka qeybgalayaasha xafladdan taariikhiga ah!

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Diaspora Awards posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share