Awoodaha is diidan

Awoodaha is diidan Awoodaha is diidan ee caalamka. Bariga Afrika, Bariga Dhexe iyo Europe

30/10/2024

Nuxurka war murtiyeedka shirka golaha wadataahiga qaran
1. Dardar gelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka dhacdo.
2. Horgeynta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod si baarlamaanka uu u dhameystiro.
3. Dhisida gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka ee Heer federaal.
4. Soo dhaweynta markabka sahminta shidaalka ee turkiye.
5. Baaq loo diray xubanaha ka maqan shirka Wada tashiga ee Puntland iyo jubbaland in aay dib Ugu Soo laabtaan miiska wadahadalka.

Horey ayaa loo soconayaa.

Maxaay Kula tahay adiga?

10/10/2024

Baaxada gobollada dalka Soomaaliya iyo Sida ay u Kala weyn yihiin kaga bogo halkaan.

08/10/2024

Awoodaha is diidan ee gudaha dalka.

Putland oo diidan Federaalka.
Jubbaland oo diidan Federaalka.
Koonfur galbeed Maa aaminsana Federaalka.
Federaalka oo diidan dhageysiga SSC.
Puntland ma ogolo taageerida SSC.
Hirshabelle oo Ku milansan Federaalka.

Fikirkaaga saliimka ah ka Soo dhiibo.

Mahadsanid.

07/10/2024

Awoodaha is diidan ee Bariga Afrika:

Ethiopia oo sheeganeysa quwada bariga Afrika ma ogolo horumarka soomaalida dhanka ciidanka iyo horumarinta quwada militariga.

Eriteria ma ogolo xasiloonida Ethiopia waxayna isbaheysi la sameyneysaa gobolka tigreega ee Ethiopia si ay ugula dagaalanto Ethiopia.

Djibouti ma ogolo horumarka somaaliya sida la wada ogyahay waxayna ku dhawaaqday in deked free ah siineyso Ethiopia kadib marki uu dhicisoobay damaci Ethiopia ee dekedaha lughayo ama zeylac.

Kenya ma ogolo xasiloonida somaaliya waana sababta ay jubaland ugu adeegaaneyso arimaheeda qaaska ah iyo xasiloonida dalkeeda iyo xuduudaheeda.

Midowha Afrika iyo beesha caalamka ma ogolo dowlad dhexe ee somaaliya ayagoo og awooda qarsoon ee soomaalida hadii ay si dhab ah u midoobaan.

Address

Howlwadaag
Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Awoodaha is diidan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share