Madasha Dhalinyarada Abakar Culus

Madasha Dhalinyarada Abakar Culus Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Madasha Dhalinyarada Abakar Culus, Community Center, Mogadishu.

Madasha Dhalinyarada Abakar Culus waxaa loo aas-aasay ka shaqeynta iyo iskuxirka dhalinyadara, aqoon-yahanada , waxgaradka, iyo siyaasiinta Beesha Abakar Culus, wacyigelintooda iyo dareensiinta mas’uuliyada ka saaran dadkooda iyo Degaankooda.

 !Dhalinyarada Galbarwaaqo oo kaa shanaya maamulka dagmada Galburwaqo ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay aargo casri ah ...
13/09/2024

!

Dhalinyarada Galbarwaaqo oo kaa shanaya maamulka dagmada Galburwaqo ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay aargo casri ah oo dhawaan laga hergelin doono dagmada Galbarwaaqo.

Share garee oo gaarsii saxiibadaada

11/09/2024

Madasha Dhalinyarada Abakar Culus Waxa ay bogaadinaysaa hormarka waxbarasho ee ka hana-qaaday Degmada Gal-barwaaqo.

Sido kle Madashu waxa ay si gaar ah ugu mahad celinaysaa Agaasime Abshir Xaashi Cali Canshuur oo kormeerkaan ugu tagay ardayda Dhigata Schoolka Gal-barwaaqo,
Asaga oo hadiyado kala duwan gudoon siiyay ardayda kuna dhiira-galiyay inay ka faaidaystaan waqtidooga qaaligaa ayna ku didaalaan waxbarashada .

Madasha Dhalinyarada Abakar Culus Waxa ay Soo dhaweynayaan daahfurka Scholka hoose dhexe Ee Degmada Gal-barwaaqo.Munaasa...
10/09/2024

Madasha Dhalinyarada Abakar Culus
Waxa ay Soo dhaweynayaan daahfurka Scholka hoose dhexe Ee Degmada Gal-barwaaqo.

Munaasabada Xaflada Daahfurka Schoolka
Waxa soo qaybgalay Xildhibaano katirsan ✓Barlamaanka Galmudug
✓Gudoomiyaal Kasocday Wasarada waxbarashada Galmudug
✓Maamulka Degmada Gal-barwaaqo
✓Odayaasha Dhaqanka Degmada
✓Dhalinyaro, Haween, culuma awdiin Iyo Dhamaan Bulshada qaybaheeda Kala duwan ee reer Gal-barwaaqo.

Madashu Waxa u Mahad celinaysaa Cidkasta oo gacan ka gaysatay dib u howl-gelinta Scholka Degmada Gal-barwaaqo
Sido kle Madashu waxa ay ugu Baaqaysaa bulsha weynta Rer Galbarwaaqo inay ka faaidaystaan Fursadaha waxbarasho ee deegaanka kusoo kordhay✍️🇸🇴

09/09/2024

Hadafka Madasha Dhalinyarada Abakar Culus
----------------------------------------------------------------------

1) Objective= (Hadafka Madasha Dhalinyarada Abakar Culus) Madasha Dhalinyarada Abakar Culus Ujeedka loo aasaasay waa in dhamaan dhalinyarada, waxgaradka, aqoon-yahanada , siyaasiyinta beesha Abakar Culus lagu mideeyo qaraabo jaceyl iyo dal jaceyl si loo baadi-goobo midnimada dhalinyarada Beesha loona Helo dalad guud ay ku midaysan yihiin Dhamaan Beesha Abakar Culus.

Qodobada ugu waaweyn ujeedka Madasha Dhalinyarada Abakar Culus:
✓In la helo dhalinyaro ay kujirto dareen baraarug oo ku aadan Dadkooda iyo deegaan kooda.
✓In la helo waxgaradka ay kuweyntahay wadajirka Dhalinta Beesha

✓ Isku xirka dhamaan dhalinyarada Beelweynta Abakar Culus iyo wadajir kooda.

✓ Dabar goynta jahliga iyo qabyaaladda.
✓ Horumarinta dhulkeena iyo dadkeena.
✓ Horumarinta Cilmiga iyo dhaqaalaha .
✓In la helo Waxgarad , siyaasiin , aqoonyahano iyo dhaliyaro u taagan Hormarinta Beesha Abakar Culus .

Madasha Dhalinyarada Abakar Culus waxaa loo sameeyay ka shaqeynta iyo iskuxirka dhalinyadara , aqoonyahanada , waxgaradka, iyo siyaasiinta Abakar Culus wacyigelintooda dareensiinta mas’uuliyada ka saaran dadkooda .

2) Vision (Aragtida fog ee Madasha Dhalinyarada Abakar Culus)
Madasha Dhalinyarada Abakar Culus waxa ay utaagan tahay soo muujinta doorka dhalinyarada, waxgaradka , aqoon-yahanada , culimada, siyaasiinta iyo ganacsatada dhalinteenu waa in la dareensiiyo ahmiyada ama qiimaha ay beeshu leedahay, si Dhalinyaradu u helaan dhiira-gelin iyo kalsooni ay ku howl galaan hormuud iyo horseedna ay ugu noqdaan Beesheena, sidoo kale Madashu waxa ay utaagantahay in xooga dhalinyarada ee curdunka ah sifiican looga faa,ideysto haday ahaan lahayd Maankooda ,maskaxdooda iyo muruqooda.

✓ Madasha Dhalinyarada Abakar Culus waa aragti ku dhisan hogaamin sax ah oo micno iyo miisaan ugu fadhisa dhamaan Dhalinyarada Abakar Culus taas oo ay saldhig u tahay cadaalad iyo sinaan ay kularantahay ehelnimo .

sidoo kale madasha dhalinyarada Abakar Culus waxay ka shaqeynaysaa hawlgelinta waxyaha ugu muhiimsan .
1. Ka shaqeynta waxbarashada Ama Horumarinta Garaadka .
2. Qeybta caafimaadka iyo daryeelka.
3. Hormarinta iyo sare u qaadida deegaanada beesha Abakar Culus degto .
4. Isku xirka dhalinyarada beelweynta Abakar Culus.

Madasha Dhalinyarada Abakar Culus waxaa loo aas-aasay ka shaqeynta iyo iskuxirka dhalinyadara, aqoon-yahanada , waxgaradka, iyo siyaasiinta Beesha Abakar Culus, wacyigelintooda iyo dareensiinta mas’uuliyada ka saaran dadkooda iyo Degaankooda.

Address

Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Dhalinyarada Abakar Culus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share