GASO organization

GASO organization Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from GASO organization, Nonprofit Organization, Mogadishu.

Halkani waa boga rasmiga ah Ee Golaha Ardayda somaliyed ee GASO
waxadna kala socon dontan workshop yada iyo Aqon kororsiga iyo Talaloyinka waxtarka uleh ardayda somaliyed

(GASO HILKA ARDAYDA SOMALIYED)

Ogeysiis  Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare  waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iy...
20/12/2025

Ogeysiis
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025.
Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha.

Haddaba, Wasaaraddu waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyey doorashooyinka in ay si habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
Maalmaha la hakiyey waxbarashada, waxaa gadaal looga dari doonaa kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025-2026.

DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir
Agaasinka warfaafinta iyo xiriirka Bulshada.
Abdiaziz Wali
[email protected]

10/12/2025

Qaladki ardayda farxada katanbadatay ay sameyen waxan kabixinay jawab dag dag ah marnaba ralikama noqoneyno in magacena iyo magaca Wasarad Waxbarashada iyo Tacliinta Sare in lasurad xumeyo.

Ardaydi falkas qaldana ku kacdana waxan lenahay waxatihin ubax curdan ah oo laraba inlobar bariyo samata bixinta somalia idilked ee wanajiya dalkina iyo dadkisa.




GASO organization

Hambalyo Malinka malinka somaliyed waa malin qiimo goniya ino leh hadanahay bahda waxbarshada waxana lenahay dhaman maca...
23/11/2025

Hambalyo Malinka malinka somaliyed waa malin qiimo goniya ino leh hadanahay bahda waxbarshada waxana lenahay dhaman macaliminta sonaliyed melwaliba ay jogan hambalyo cimri dher iyo eebe haidinku manesto.



Guddoomiyaha Golaha Ardeyda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay barnaamij ay soo agaasimeen CRSC, Yeco Somalia iyo Naad oo ku s...
24/10/2025

Guddoomiyaha Golaha Ardeyda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay barnaamij ay soo agaasimeen CRSC, Yeco Somalia iyo Naad oo ku saabsanaa “Youth, Peace and Security”

Guddoomiyaha Golaha Ardeyda Soomaaliyeed ayaa ka qaybgalay barnaamij muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen CRSC (Centre for Research and Social Change), Yeco Somalia, iyo Naad, kaas oo diiradda lagu saarayay doorka dhalinyarada ee dhismaha nabadda iyo amniga bulshada.

Barnaamijkan oo socday muddo saddex bilood ah ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu kobciyo fahamka dhalinyarada ee ku aaddan muhiimadda ay nabaddu u leedahay horumarka bulshada, lana dhiirrigeliyo ka qaybqaadashadooda go’aan qaadashada iyo xal u helidda caqabadaha amni ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Ardeyda Soomaaliyeed ayaa kulankaas ku lahaa kaalin firfircoon, isagoo ka mid ahaa ka qaybgalayaasha si qotodheer uga dooday doorka dhalinyaradu ku leeyihiin nabadeynta iyo horumarinta dalka.

Golaha Ardeyda Soomaaliyeed ayaa mar walba u heelan ka qaybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo bulshada, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, amniga, horumarinta aqoonta iyo bulshada rayidka ah.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale fursad u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed inay isdhaafsadaan fikrado, khibrado iyo aragtiyo ku saabsan sida nabad iyo amni loogu dhisi karo bulsho mideysan oo horumar leh.

08/10/2025

Tarbiya wanagsan waxay so sarta jiil cusub oo aqan iyo aqlaq ku hubaysan.


GASO organization

Aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Ardeyda Soomaaliyeed (GASO), marka aan tixgelinay doorka muhiimka ah ee isku xirka jaama...
06/09/2025

Aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Ardeyda Soomaaliyeed (GASO), marka aan tixgelinay doorka muhiimka ah ee isku xirka jaamacadaha dalka, kor u qaadista iskaashiga ardayda Soomaaliyeed iyo Baahida loo qabo hoggaan karti leh oo mideeya laamaha iyo jaamacadaha kala duwan ee dalka.waxaan go’aansaday in aan u magacaabo Mohamed Ahmed Wadhowr xilka Agaasimaha Isku Xirka Jaamacadaha ee Golaha Ardeyda Soomaaliyeed (GASO).Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa laga bilaabo taariikhda maanta 06/09/2025, waxaana kaa sugaynaa inaad xilkan cusub ku gudato si hufnaan, kalsooni iyo dadaal dheeraad ah, adigoo ku shaqeynaya mabda’a midnimada iyo horumarinta ardayda Soomaaliyeed.Waxaan kuu rajaynayaa guul iyo horumar shaqadaada cusub, anigoo ku kalsoon inaad si sharaf leh u gudan doonto xilka lagugu aaminay.


📅 26 Agoosto 2025📍 Muqdisho – SoomaaliyaHambalyo!Golaha Ardeyda Soomaaliyeed (GASO) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dira...
26/08/2025

📅 26 Agoosto 2025
📍 Muqdisho – Soomaaliya

Hambalyo!

Golaha Ardeyda Soomaaliyeed (GASO) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda kaalmaha h**e ka gashay imtixaankii shahaadiga dugsiga sare ee sanad-dugsiyeedka ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ardayda guusha gaartay waxaa kamid ah:

1️⃣ Caa’isha Aadan Ugaas Xirsi – kaalinta 1aad (91.99)

2️⃣ Khalid Abdinor Hussien Hamud – kaalinta 2aad (91.93)

3️⃣ Feisal Mohamed Ibrahim Ali – kaalinta 3aad (91.51)

Guushan waxay astaan u tahay dadaal, adkaysi iyo hiigsi waxbarasho.

Golaha Ardeyda Soomaaliyeed (GASO) waxa uu ku dhiirrigelinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed inay halganka waxbarashada sii wadaan, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal mustaqbal ifaya u horseeda dalka iyo dadkaba.

“Waxbarashadu waa hilaac ifiya mustaqbalka.”

Gadomiyaha Golaha Ardayda somaliyed Eng Mohamed_Nor Tahliil mohamud aya kaqeyb galay kulan duco iyo quran aqris oo losam...
27/07/2025

Gadomiyaha Golaha Ardayda somaliyed Eng Mohamed_Nor Tahliil mohamud aya kaqeyb galay kulan duco iyo quran aqris oo losameyay Prof Doob oo aha aqon yahan somaliyed.

Dhaman golaha ardayda somaliyed waxay eebe ugatugayan inu alle riladisa iyo raxmadisa kugalado idamka alle.

Dhaman cubanaha sare ee Golaha ardayda somaliyed waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xubnaha cusub ee Guddiga Tacliint...
11/07/2025

Dhaman cubanaha sare ee Golaha ardayda somaliyed waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xubnaha cusub ee Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka ee la magacaabay.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo xil-gudasho hufan, annagoo idiin muujinayna diyaar u ahaanshaha iskaashi iyo wada shaqayn lagu horumarinayo tacliinta sare ee dalka.

18/06/2025

Baraarujin Guud.

Ku: Ardayda Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare ee u fadhida Imtixaanka Qaranka.

Salaan ka dib.

Berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19/06/2025 hadduu Eebbe idmo waxaa idiin dhammaan doono Imtixaanka Qaranka oo aad toddobaad u jarmaadayseen, waxaan idiin rajaynaynaa dhammaad qurxoon iyo dhibco wanaagsan idam Ilaah.

Ardayda Soomaaliyeed waxaan xusuusinaynaa in debaaldegga dhammaanshaha Imtixaanka aysan muujin falal lid ku ah waxbarashada sida iyada oo dharkii waxbarashada lagu feegaaro oo qoraallo lagu qoro, dabaaldegga isku dhafka ee labada jinsi, in lugu xadgudbo dhowrista bedqabka ardayda I'm.

Waxa aan idiin rajaynaynaa guulo aad ku faraxdaan iyo adinkoo u tallaaba marxaladda Jaamacadeed ee aad higsanaysaan.

Guuleysta.

Fadlan gaarsii arday kasta oo uu u dhammaanayo Imtixaanka Qaranka una hambalyee.

Digniin! 👀Waxaan uga digeynaa ardayda u fariisanaysa Imtixaanka Qaranka ee Shahaadaga  Dugsiga Sare 2024/2025 in ay adee...
13/06/2025

Digniin! 👀

Waxaan uga digeynaa ardayda u fariisanaysa Imtixaanka Qaranka ee Shahaadaga Dugsiga Sare 2024/2025 in ay adeegsanin qalinka ku lifaaqan qoraalkaan.

Waxaan ogaannay in qalinkaasi uu muddo ka dib uu tirmayo marka warqadaha lagu qoray meel kulul lagu keydiyo, sidaas darteed ardayda Imtixaanka gelaysa ha ka digtoonaadaan.

Guul ayaan idiin rajaynaynaa.

Fadlan gaarsii saaxiibkaaga ama qof aad taqaanno u u fariisanaya Imtixaanka Qaranka.

Ardayda fasalka 8 dad ee uu mantay imtaxanka udhamanaya waxan urajeynayna guul I.a
12/06/2025

Ardayda fasalka 8 dad ee uu mantay imtaxanka udhamanaya waxan urajeynayna guul I.a

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GASO organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share